Waxaan soo dhawaynayaaa dalabka Dawladda imaaraadku usoo gudbisay xukuumadda Somaliland kaasi oo ah in la siiyo saldhig milateri
Saldhigan millateri Somaliland wuxu ka dhigi doonaa goob muhiim ah oo dunidu ku tartanto, sidaynu ogsoonahay waddankeenu wuxu u baahan yahay maalgashi iyo ictiraaf, taasina suura geli mayso ilaaa dunidu ina barato maalgashina laga sameeyo wadankeena.
Waa wax iska caadi saldhig millateri in wadan ka samaysto wadan kale tusaale, waddankan aynu jaarka nahay ee Jabuutiย waxa saldhigyo milateri ku leh wadamada, Maraykanka, Faransiiska iyo Shiinaha.
May qabsan oo ma haystaan laakiin waxay wadaagaan dano u dhexeeya iyaga, waxay ka taageeran waxbarashada, caafimaadka iyo kaabayaasha dhaqaalaha, fursadi shaqo iyo maalgashiyo caalami ah.
Hadaba waaa maxay muhiimaddu uu Somaliland u leeyahay saldhigan millateri
- Somaliland wuxu ka dhigayaa goob muhim ah oo dunidu kusoo tartanto
- Dhiiri gelinta in aynu helno maalgashiyo caalami ah sida ka DP World.
- Waxay Somaliland ka helaysaa fursado shaqo abuur waayo waxa shaqo ka heli doona dad badan oo reer Somaliland.
- Waxa inoo fududaanaysa inaynu deeqo waxbarasho ka helno wadankaa maalgashiga samaynaya.
- Tababaro kor loogu qaadayo xirfad la yaasha caafimaad ee wadankeena.
- Somaliland inay noqoto goob muhim ah oo dunidu isku soo hallayso.
- In Somaliland la barto oo ay ictiraafka inoo fududayso
Waddankeenu ahaan maayo qoobad aynu hoosta ka xidhanay ee waxa muhiim ah in aynu dunida u bandhigno khayraadkeena iyo doorka aynu ku leenahay amniga mandaqadda.
1960-kii ayaa dawladdii Ingiriisku tidhi aan idiin dhiso Jaamacado lagu barto culuumta caafimaadka kaas oo noqonaya machadka ugu qaalisan ee Geeska Afrika macaahidda lagu barto caafimaadka.
Bulshadii markaa joogtay way ka hor yimaadeen iyagoo ku andacoonaya inuu arrimo kale ka leeyahay
Ingiriiskii arrintaa aad buu ula yaabay, isla markaana mashruucii wuxuu u wareejiyay waddanka Suudaan oo uu ka hir geliyay Machadkii. Machadkani hadda wuxu noqday ka ugu qaalisan ee lagu barto culuumta caafimaadka Geeska Afrika oo dhan.
Haddaba bulshadeenu miyaanay ka ilbaxayn ii iinyada iyo waxaaas la qaban maayo. Miyaanay dhibaato ahayn in aynu u fekernoย sida ay u fekerayeen odayaashii noolaaa 1960-kii. Haddaynu nidhaahno waddo la dhisi maayo, oo wershadd la dhisi maayo, oo shidaal la qodi maayo dee xagaynu ku soconaa idinkaan idin weydiiyee?
Bulshadda waxaan usoo jeedinayaa in ay si wacan u fekeraan isla markaana taageeraan horumarka waddanka iyo maalgashiyadda waddankeena ka socda.
Wabillaahi tawfiiq
WQ: Axmed Cabdi Ducaale