Kaaliyii dhanka ammaanka ee Trump oo is casilay

 

Kaaliyihii dhanka ammaanka ee madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa isku casilay xidhiidhka uu Ruushka la sameeyay, sida uu shaaciyay Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa wakhti aan fogayn sheegay in uu qiimaynayo xidhiidhka uu kaaliyihiisa dhanka ammaanku la yeeshay danjiraha Ruushka, sida uu sheegay Aqalka Cad.

Michael Flynn ayaa aad loo falanqeeyay iyadoo badhtanka lagaga jiro warar sheegaya in uu safiirka Ruushka kala hadlay xayiraadaha Ruushka saaran ka hor caleemo saarkii madaxweynaha.

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Mike Pence ayaa meel fagaare ah ku diiday eedaymahaas isaga oo u hadlaya Michael Flynn oo ah jeneraal hore oo shaqada ka fadhiistay.

Flynn ayaase Aqalka Cad u sheegay in laga yaabo in laga wadahadlay xayiraadaha Ruushka saaraan.

Flynn ayaa ka raaligeliyay madaxweyne ku xigeenka jahwareerka ku saabsan wadahadalkii uu la yeeshay safiirka Ruushka Sergei Kislyak.

Waa sharcidarro in shaqsiyaaad muwaadiniin ah ay si iskood ah faraha ula galaan diblamaaasiyadda Maraykanka, taleefanadaasna waxay ku aadanaayeen dhammaadkii sannadkii hore ka hor inta aan Flynn loo magacaabin in uu maamulka ka mid noqdo.

Afhayeenka Aqalka Cad Sean Spicer ayaa galinkii dambe ee Isniintii sheegay In madaxweynuhu qiimaynayo xaaladda.

Waa maxay aragtida madaxweynuhu?

Trump wali meel fagaare ah kagama uusan hadlin arrintan muranka dhalisay, laakiin Flynn ayay Sabtidii iyo Axaddii isla joogeen Florida.

Flynn ayaa sidoo kale ka soo muuqday safka hore ee shirkii jaraa’id ee madaxweyne Trump iyo Raysal-wasaaraha Kanada Justin Trudeau ay qabteen Isniintii.

Trump oo labo saxafi siiyay fursad ay su’aalo ku waydiin karaan ayaan su’aaasha Flynn la waydiinin sidaas ayuuna kaga baxsay jahwareerkan taagan.

Afhayeenka Aqalka Cad, Sean Spicer ayaa la waydiiyay in madaxweynuhu uu ogaa in Flynn uu safiirka Ruushka kala hadlay arrimaha xayiraadda, Spicer ayaana yidhi:

“maya, arrintaasina sinaba uma dhici karto.”

bandhige@gmail.com