Xuska Maalinta Jacaylka Adduunka iyo muranka ka jira

 

Maanta oo kale sannad kasta qaybo adduunka ka mid ah waxa laga xusaa Maalinta Jacaylka Adduunka. Hase ahaatee bulshooyinka iyo culumada Islaamka ah ayaa ku kala aragti duwan xuska maalintan iyadoo dhallinyaro badani u aragto maalin iska caadi ah oo madadaalo oo dhallinyaradu gaar u leedahay isla markaana aanay arrimo diimeed la xidhiidhin, halka ay culimada qaarkoodna tix-raacaan taariikhda maalintan kana dayriyaan in ay noqoto maalin dadka muslimiinta ahi is xusuusiyaan.

Valentine oo ah baadariga maalintan loogu magac-daray wuxu ahaa baaderi dadka isku meherin jiray wakhti aanu oggolayn boqorkiisu, wakhtigaas oo xaalad dagaal ay ku jireen boqortooyadii Roomaaniyaanku. Boqorkii wakhtigaas oo la odhan jiray Claduis II wuxu dil ku filayey Valentine taariikhdu markii ay ahayd 14-kii February 269 A.D, muddo haatan laga joogo 1748 sannadood, kadib markii uu Valentine ammar-diido sameeyey ee uu sii waday in uu dadka isku meheriyo.

Dadweynihii Roomaanka ayaa si ay baaderigaa isku-meherinta dadka darteed u dhintay u maamuusaan 14-ka February u aqoonsaday Maalinta Jacaylka Adduunka, waddamada kale ee galbeedka badankooduna way kaga daydeen, halka markii dambe ay maalintani dunida inteeda kalena ku fidday.

Hase yeeshee maalintani waxay maalmaha kale ee caalamiga ah kaga duwan tahay maaha maalin ay aqoonsan tahay maaha maalin rasmi ah oo Qaramada Midoobay aqoonsan tahay mana aha maalin ay xusaan oo kharash ku bixiyaan xukuumadaha adduunku. Sidoo kale maaha maalin ay xusto kasiisadda Vatican-ku. Xuskeedu wuxu ku kooban yahay dadka iska caadiga ah.

Marar dhawr ah ayaa culumada Wanaag-farits iyo Xumaan-reebistu ay magaalooyinka Somaliland ku xidhxidheen dhallinyaro loo arkay in ay si abaabulan u xusayaan, hase ahaatee xukuumadda Somaliland ayaan war rasmi ah ama sharci maalintan diidaya soo saarin.

Bandhige@gmail.com