Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye wuxu Jigjiga kaga qayb-galay xuska maalinta ciidammada Itoobiya

 

Guddoomiyaha Kulmiye, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha xisbiga Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa ka qaybgalay xuska maalinta ciidammada dalka Itoobiya oo xaflad ballaadhan loogu qabtay magaalada Jigjiga ee xarunta Dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya maanta, taas oo si rasmi ah loogu martiqaaday.

Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi waxa ku qaabilay madasha lagu qabanayo xafladda Madaxweyne-ku-xigeenka dawladda Federaalka Itoobiya Mudane, Mulatu Teshome, Madaxweynaha dawlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar, Taliyaha Ciidamada Difaaca Itoobiya Gen Samore Yonis iyo madax kale oo badan, kuwaas oo u qaabilay si heer sare ah.

Weftiga Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye waxa xubno ka ah Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Somaliland ee Itoobiya Amb. Ayaanle Salaad.

bandhige@gmail.com