Sanad guuraddii 50aad ee jaamacada Yale: Ibraahin Maygaag Samatar (1942-2011) Q.1aad (WQ: Maxamed Cali-ruush)

W.Q. Carl Greshman
W.T. Maxamed Cali-ruush

Q.1aad

Xasuusahayga sida hillaaca u iftiima ee sanadkaygii ugu dambeeyay ee jaamacadda YALE, waxa ka mid ahaa la saaxiibidii Ibraahin Meygag Samatar, oo ahaa Soomaali dhigan jiray culuumta Dhaqaalaha. Waxaanu ka wada tirsanayn Kulliyadda Jonathan Edward, si joogto ahna waanu u wada cawayn jirnay. Wuxu ahaa Muslin u dhashay Somaaliya, anniguna Yuhuudi ka soo jeeda New York. Waxan u malaynayaa waxa isku kaayo xidhay inu ahaa wax ka baxsan Yale, oo waxa labadayadaba na luri jiray dhibaatooyinkii bulsheed iyo siyaasadeed ee dalalkayaga ka jiray oo aanu si aan kala goโ€™ lahayn uga sheekaysan jirnay. Sanadkayagii u dambeeyay waxan ku shuqlanaa dhaqdhaqaaqii xuquuqaha siyaasadda (Political-rights movement), kuwaas oo ii horseeday In aan isaga dab qaado Mississipi ilaa Alabama, si ay u kobocdo xuquuqda codaynta dadka madaw. Dabcan Ibraahinna wuxu aad uga fikiri jiray mustaqbalka dalkiisa oo shan sano ka hor uun markaas gobanimada qaatay.

Ibraahin wuxu ka soo jeeday dhinaca waqooyi-galbeed ee Soomaaliya, oo ahaan jirtay waagii isticmaarka maxmiyad Ingiriis. Judhii ay xorriyadda qaadatayba Soomaaliland waxay soomaaliyadii talyaanigu hore u gumaysan jiray kula midowday Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed (Somali Republic). Ibraahin wuxu daacad ka ahaa riyadii SOMAALI-WEYN oo ahayd aragti wadaniya oo guumaysi diid ah, hilaadinaysayna in dadka af-soomaaliga ku hadla oo dhami ku fekeraan inay ku midoobaan hal dal oo madax banaanโ€”hadday noqoto kuwii Ingiriiska iyo Talyaanigu kala haysteen oo noqday Soomaaliya,kuwii Faransiisku isticmaarsaday ee Jabuuti, iyo soomaalida ku nool Itoobiya iyo Kenyaba. Ma se dhicin, oo xataa dalkii Soomaaliyi xoog buu u sii qaybsamay kolkii dawladdii dhexe Soomaaliland ula dhaqantay sidii โ€œgobol yar oo kale,โ€ kana masuugtay Inu yahay dal madax banaanidiisii u soo huray midnimada qaranka darteed.

Jeerkaas Ibraahin wuxu ahaa wadani, markii uu qalin jebiyayna wuxu ku laabtay Soomaaliya, ka dibna wuxu noqday Agaasimihii Miisaniyadda ee dalka 1968kii. Wuxu soo qabtay xilal dhawr ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Maalliyadda iyo la-taliyaha dhaqaalaha iyo siyaasadda ee madaxweynaha. Markii labadii qaybood ee Soomaaliya xidhiidhkoodi aadka u sii xumaaday ee Siyaad Barre diktaatooriyadiisii iyo cadaadiskiisi sii batay, Ibraahin waxa loo magacaabay dan jirihii Jarmalka u fadhiyay Soomaaliya. 1981 kii buu se Ibraahin goostay oo uu Maraykanka magangeliyo ka helay. Sidoo kale wuxu ku biiray Dhaqdhaqaaqii Wadaniga Soomaaliyeed (SNM), oo ahaa xarako ay samayeen koox mucaarada oo ah qabiilka Isaaq ee Waqooyiga oo doonaayay Inay Siyaad Barre ridaan, Soomaalilanna madax banaanato.

Ibraahim wuxu noqday wakiilkii SNM ee Waqooyiga Ameerika iyo guddoomiyihii Golaha Dhexe ee ururka. Xiligaas ayay ahayd markii aanu dib isugu xidhanay. Markii taliskii Siyaad Barre dhacay, SNM waxay yagleeshay Jamhuuriyadda madaxa banaan ee Soomaaliland, oo iskeed uga samata baxday dagaalkii sokeeye ee Soomaaliya inteeda kale burburiyay. Ibraahin wuxu oggaaday In aan noqday madaxweynaha NED (National Endowment for Democracy), waxaanu ka fikiray in aan ka caawin karo sidii NED wax uga geysan lahayd horumarka nidaamka Dimoqraadiyadda Soomaaliland, sidoo kalena ku xidho siyaasadda Washington si ay ugu suurtowdo in Maraykanku u aqoonsado Soomaaliland dal madax banaan. Taas oo ahayd talaabo aanu Maraykanku jeclaysanayn (Qaramada midoobay iyo midowga Afrika sidooda), isagoo qabay cabsida ah in arrintani dhiirri gelin karto inay dalal kale oo Afrikaan ahi kala goโ€™aan.

Waxa aan kulan uga diyaariyay hawlwadeenadii Capitol Hill, waxaanan xasuustaa inu Ibraahin si codkarmimo le ugu bandhigay taariikhdii Soomaaliland iyo halgankeedii ka dhanka ahaa taliskii Muqdisho ee arxanka darnaa ee sida gumaystaha ula dhaqmay dadkii waqooyiga, iyo goโ€™aanka waaqiciga ah ee ay iskeed gaarka uga noqotay mashaakilka daaduumay soomaaliya inteeda kale. Sidoo kale wuxu aad u dul istaagay heerka dimoqraadiyadeed ee ay Soomaaliland hawaysanayso iyo dhismaha hanaanka xisbiyada badan iyo warbaahinta xorta ah. Waxa kale oo uu quudaraynaayay Inay NED ka taagerto Soomaaliland ururo badan oo aan dawli ahayn, oo ka shaqeeya tacliinta madaniga ah, xuquuqda aadanaha, xorriyatul qawlka, tababarka dhalinyarada iyo dumarka, iyo xoojinta baarlamaanka iyo hanaanka habsocodsiinta doorashooyinka.