Horta nolosha wax walba hadaf ayaa ka dambeeya ama aynu fahmno ama yay naan fahmin eh.
Markaa maqaalkan waxaan kaga hadlayaa ahdaafta loo sameeyay saddexdan xisbi. Ahdaafta qaar waa laynoo sheegay oo waxa laynagu yidhi waxay u tartamayaan kursaastaa kala duwan ee wadanka, taa qof walba waa arkaa, laakiin waxaa jira ahdaaf qarsoon oo mid walba loo sameeyay, ahdaafta dhabka ihina waa kuwaa qarsoon.
Bal aan isku dayo xisbi walba hadafka loo sameeyay ee uu fulinaayo ee qarsoon.
Bal aynu mid mid u soo qaadano, UCID: xisbiga ucid waxaa isaga loo sameeyay inu kala jabiyo labada kale, si kuu kalajabiyay maaha eh, ka kale u guulaysto. Tusaale hadii cid xagaa wadani ka soo jeedaa hogaanka UCID qabato waxaa kala jabaya wadani, hadii cid xagaa kulmiye ka soo jeedaa hogaanka u qabato waxaa kala jabaya kulmiye. Markaa UCID hadafka qarsoon ee loo sameeyay waa kala jabiye.
Wadani: xisbiga wadani isaga hadafka loo abuuray waa inuu riwaayada wadaninimo matalo, marka aynu ogaano hadafka kulmiye ee dhabta ah, si aynu xagaa wadani ugu cararno, oo kuwii wax ogaa inagu yidhaahdaan, waar illayn kanaa wadani ahaa ee kulmiye waa ina qalday.
Kulmiye: xisbiga kulmiye isaga waxaa loo abuuray hadafka dhabta ah ee laynaga leeyahay. Hadafka dhabta ah ee laynala damacsanyahyn mustaqbalka xisbigan ayaa lagu qariyay, labada kale waa majaro habaabis, ama maaweelin, Hadafka dhabta ah ee loo abuuray kulmiye waxa weeyi sidii Somaliland loo kala diri lahaa ama si kale u dhigoo sidii beelaha dhex collaad loo dhexdhigilahaa, waayo hadafka guud ee loo socda waxa weeye, in aan la arag meel soomali ah oo isku xidhan ama is haysata.
Hadii aynu taariikhda dib ugu yar noqono, xisbigan wuxuu sal ku hayaa kuwii abuuray soomaliwayn ee hadana kala diray, wuxu kaluu sal ku hayaa kuwii abuuray Somaliland ee kala diri lahaa. Tusaale soomaliwayn ayay sameeyeen, hadafkii labaad wuxuu ahaa in la kala diro waanay kala direen, waxay doonaan sababta ha ka dhigtaan eh. Imika inaga hadafkii koowaad wuxu ahaa inay Somaliland sameeyaan kaa way ku guulaysteen, imikana waxay ku hawlan yihiin hadafkii labaad ee kala dirka Somaliland ama beelaha dhex ee udub dhexaadka u ah Somaliland.
An in yar idiin bidhaamiyo, kulmiye laba dawladood ayuu sameeyay mid bari ka soo jeeday iyo tan imika oo galbeed ka soo jeeda, tii bari hadafkeedii way fulisay oo wuxu ahaa in beelaha bari ay isku dirto oo collaad dhex dhigto waana kuwii reeraha walaalaha isku madhiyay.
Hadafka dawalada kulmiye ee galbeedkuna waa inay collaad ka huriso galbeedka, waynaga arkayna waxa socda.
Hadii ay dadku sidaa fahmaan ogow kaadhkii wadani ayaa laguu soo dhigaya sidaan hore usoo sheegay, intii wax ogayd ayaa odhandoonta waar illayn kanaa wadani ah.
Nuur Xaaji Xiiray
Nur.hersi21@gmail.com