Waxa aynnu maqaalkan xidhitaanka ah iyo kii horeba ku eegaynnaa Saamayntii Hawl-galku Ku Yeeshay Xigtadii Koodbuur, waana tan:
Waxa ay warbixinta qormadii sagaalaad inoogu joogtay iyada oo la xidhay Marwo Khadra Xasan Yuusuf oo ahayd xaaska Mujaahid Ibraahin Koodbuur, isla markaasna ay ku ummushay saldhigga dhexe ee Hargeysa. Marwo Khadra Xasan Yuusuf oo inooga warramaysa xaaladdaas adag iyo wixii xigay ayaa tidhi ”Markii halkaas ilmuhu ku dhashay waan dhiig-baxay, keliya waxa i caawinayay dumarkii maxaabiista ahaa ee meesha nagula xidhnaa.
Intaas kaddib waxa noo yimi hooyaday iyo Islaan ay hooyaday Ilmaabti ahaayeen oo ahayd xaaskii odayga Baanday la yidhaahdo, imaka way dhimatay IHUN waxana la odhan jiray Xaddiyo. Labadoodi waxay askartii ku yidhaahdeen “Waar gabadhan meydka ah aanu qaadanno, ee noo sii daaya”. Askartina “qaata” ayay ku yidhaahdeen.
Markaas anigu suuxsanahay (miyir-doorsanahay) oo isma ogi, waxaana la i dhigay cusbitaalka weyn ee Hargeysa. Halkaasna waxa la iigu keenay askar ilaalo ah oo muddo i ilaalin jiray. Naxdintii waxa aan qaaday calool-olol (gaastari) aanan lahaan jirin. Waxa dhakhtar ka ahaa Oorgo IHUN oo madax ka ahaa cusbitaalka, sidoo kalena ahaa dhakhtarka qaybta haweenka. Wuxuu yidhi “Gabadhan ka dulqaada ciidanka, ma bogsan karto qof aad ilaalo dul dhigteen?”.
Ciidanki waxa ay yidhaahdeen “Waxa aanu ka baqaynnaa in ninkeedi yimaaddo oo kaxaysto, ma adiga ayaa ka damiin ah”. Dr Orgo “Haa, aniga ayaa ka masuul ah. Ama qaata oo jeelka geeya ama ii daaya” buu yidhi. Markaa gabadh ayaa i dul fadhiyi jirtay, daaqadda dibaddana waxa tubnaan jiray askar igu qornayd. Markii askarta la iga dul qaaday ayaan ladnaaday.
Markaas Dr Orgo wuu ila dardaarmay, wuxuu yidhi “Haddii imakaba sidii ay sheegayeen uu Ibraahin kuu yimaaddo oo uu doono in uu ku qaato, ha iga tegin. Illeen haddii aad dhaqaaqdo aniga ayaa halkaagii gelaya”. Digtoorka waxa aanu ku ballannay in aanan ka tegin. Markii aan dhakhtarkii ku jiray dhawr bilood ayaan caafimaaday, waxaanan ku laabtay gurigayagii. Markii aan aqalka 3-4 cisho joogay ayaa xabsiga la igu celiyay, haddana waa la isii daayay. Kolba inta la i xidho ayaa haddana la isii deyn jiray. Markii dambe waxa la igu amray in aan saxeexo warqad taalla xafiiska dhabar-jebinta, taas oo muujinaysa in aan magaalada joogo”
Marwo Khadra Xasan Yuusuf oo faahfaahinaysa sidii uu uga yaraaday culayskii uu ku hayay ciidankii Soomaaliya iyo sidiu ay xogta iyo xidhiidhka u kala heli jireen Ibraahin Koodbuur, waxa ay xustay talo dhaxalgal ahayd oo uu Ibraahin Koodbuur siiyay xaaskiisa. Taas oo horseed u noqotay in qoyskiisu ka baxaan cidhiidhigii iyo caddibaaddii ba’nayd ee barriinsatay.
Marwada oo ka warramaysa dhambaal uu Ibraahin Koodbuur u soo diray ayaa waxa ay tidhi “Sidii aan xaalkaas ugu jiray ayuu Ibraahin warqad iigu soo dhiibay nin la odhan jiray Cabdi-Case oo gaadhi lahaa. Wuxuu Cabdi-Case soo dhex geliyay warqadda taayirka iyo tuyuubka gaadhiga. Warqaddii oo madaw isla markaana aan waxba laga arki karin ayuu ii keenay. Intii aan akhriyayay waxa uu igu sugayay albaabka qolka aan kula jiro. “Dhammayso, marka aad ka bogato waynu gubaynnaa warqadda” ayuu yidhi. Waxa ku qornayd “Bal in cadaadiska lagaa yareeyo waxa aad codsataa in fasaqaad lagu siiyo”, waanan gubnay.
Subaxnimadii waxa aan tegay maxkamadda. Hooyaday ayaa igu tidhi “Waxba warqadda ha qaadan’e, isa daa”. Waxa aan ku idhi “Hooyo, sidani nolol ma aha. Mar haddii uu Ibraahin igu yidhi warqadda qaado, waan qaadanayaa”. Aabbana wuu igu raacay in aan warqadda doonto. Isla markii aan maxkamadda tegay waa la isoo dhaweeyay, waxa la i siiyay warqaddii fasaqaadda, lacag farabadan oo aanan hadda tiradeedii xasuusan ayaa la i siiyay, gaadhina waa la isoo saaray.
Waxa la yidhi “Waad ku mahadsan tahay inaad iska furtay ninkaas duurka galay. Meher idiin hayaana ma jiro, waa niman xaaraamiyiin ah. Dumarka kale ee ay ka tageenna u sheeg inay iska furan”. Aniga oo warqaddii iyo lacagba wata ayaan gurigii imi. Intii markaas ka dambaysayna waxa aan helay nafis, waana la iska kay daayay. Laakiin waxa iga dhaadhici weyday in la i daayay.
Waxa aan safar laba toddobaad ah ku gaadhay magaalada Berbera, waanan soo noqday. Hooyaday ayaan ku idhi “Miyaad cid i raadinaysa aragteen 14kii cisho ee aan maqnaa?”. “Maya” bay igu tidhi”. Haddana waxa aan socdaal soddon cisho ah ku tegay Burco, halkaas oo degganayd gabadh aanu ilmaadeer nahay. Iyada oo aan cidina i raadin bishaas ayaan soo laabtay. Markaas waxa igu dillaacay xanuunka calool-ololka (gaastariga), kaas oo jidhkaygii goday.
Maalmahaas waxa Hargeysa yimi Wasiir Cismaan Jaamac (Kalluun), waxaanan u raacay Muqdisho. Halkaas ayaa xaaladdaydii caafimaad lagula tacaalay, waxaana la i geliyay dhuun (tuumbo). Waxa dhacday in Xamar uu iga baxsado qofkii Isaaq ah ee i arkaaba. Xitaa dadkii joogay guriga adeerkay ayaa odhan jiray “Makhsinka ha ka soo bixin. Waxa la odhanayaa xaaskii Ibraahin Koodbuur ayaa joogta”. Cabsidoodaas waxa aan ka qaaday diiqad, waxaanan goaansaday in aan ka dal-doorsado dadkan iga yaacaya.
Annagu Beledweyne ayaanu yaraan ku tagnay oo aanu ku kornay. Waxa aan u tegay dadkii Hiiraan ee aanu aqoonta isu lahayn. Iyagii ayaa cir iyo dhulba iga qaaday oo dhakhtarkii i geeyay. Halkaas ayaan kala kulmay soo-dhaweyn heersare ah. Muddo saddex bilood ah oo lala tacalaayayay xanuunkayga, waxa si dhuumasho iigu iman jiray dadka reer Somaliland oo weliba habeennimada soo dhuuman jiray. Kolkii aan ladnaaday waxa aan ku soo noqday Hargeysa.
Waxa gurigii nagu xigay iibsaday qolo reer Gedo (Mareexaan) ah. Waxa ay yidhaahdeen “Waanu ku guursanaynnaa”. Aniguna waxa aan ku idhi “Maxaad ku falaysaan islaantaydan ayaad garaacdeen ama jidh-dilka ku samayseen ee carmalka ah, miyaad hablaha yaryar guursataan?”. Arrinkii ayaa adkaaday oo la wada maqlay. Xitaa marxuun Ibraahin ayuu warki gaadhay.
Waxa ii yimi Sheekh Shugri IHUN waxaanu yidhi “Adeer, yeeli maynno in maalin walba lagu jiidjiito annaga oo joogna iyo in nalagu kaa dul guursado. Waxa aad yeelaysaa wixii laguugu taliyo”. Taladii waxa gooyay rag SNMtii gudaha markaas joogtay ka mid ah oo uu hormuud u yahay Xasan Guure Jaamac oo aanu “Diiriye” u naqaannay, raggii na xaal ogaa ayuu ahaa. Waxa la go’aamiyay in aan tallaabo oo aan xarumihii SNM beegsado. Sidaas awgeed ayaan Burco u tegay, halkaas oo aan kaga gudbay soohdinta u dhexaysa Somaliland iyo Itoobiya”
Halkaas ayaa aynnu qormooyinkaas ku af-meeraynnaa idanka Alle.
Dhammaad