Baaq baraarujin ah oo ku socda maamulka magaalada Tog-Wajaale (WQ: Cabdiraxmaan Aw Muuse)

Ugu horayn waxa mahad iskaleh ALLAH (SWT) inagu simay bisha barakaysan ee ramadan inan caafimaad qab kusoo Gaadhno iyadoo walaalehern in badan oo bishii hore inala soomay, salaaday, afuray ay maanta nasiib u heli Waayeen inay inala sooman, illaahayna oofsaday, waxan illaahay uga baryaynaa inuu naxariistiisii jano kawaraabiyo.

Sidaynu wada ogsoonhay Ramadaantan waxay kuwii hore kaga duwantahay, waxay la kowsatay xilli dunida oo dhan ay ladaalaa dhacayso duruufo badan iyo dhaqaalo xumo uu sababay caabuqa dunida saameeyey ee (COVID-19).

Sidaas darteedd anigoon ku dheeraanayn hadalka, qormadan waxan baaq ugu dirayaa Maamulka, Ganacsatada, Dhalinyarada, Cuqaasha, Culimaa’udinka, Hooyooyinka iyo dhamaan bulshawaynta M.M.W inay la qaybsadaan danyarta tabaalaysan ee ku dhaqan magaalada. Waxaan si gaara baaqan ugu dirayaa Maamulka Magalada ee uu Hormudka ka yahay Eng Muktar Abib iyo capinetkiisa, waaxan leeyahay mayor maxaa idiinka qorshaysan arrintaas aan kor kusoo xusnay  ama siyaasad noocee ah ayaa idinka meel taal?

Haddii ay qorshaha idiinku jirto waxaan idiin soo jeedin lahaa maanta malin ay uga baahi badan yihiin majirto maxaa yeelay baahida maanta joogta bari wax in laga qabto Macno samaynmayso (There is a time value of kind/money). Waxaa muhiima inaad bulshada u horsedaan kadibna iyaga Kuwacyi galisaan.

Ugu danbayn waxan ku tallinayaa in aan fadhiga ka kacno oon u kuur galno xaaladaha umada magaalada si aan sadaqo iyo ajarba uhelno una gacan qaban danyarta aanay cidna umaqnayn illaahay mooyane.

 

Waad mahadsantihiin

WQ: Cabdiraxmaan Aw Muuse