Sannad-guurada 37aad Ee Hawlgalkii Badjeex: Furashadii Miiska Saraakiisha Hargeysa Q.7aad (WQ: Siciid Maxamuud Gahayr)

Geesiyaashii iyo Ganacsatadii Hawlgalka Birjeex Guubaabiyay

Qormadan toddobaad ee hawlgalka Birjeex, waxa inoo sii socday geesiyadii iyo ganacsatadii guubaabiyay in hawlgalkaas cajiibka ahi uu dhaco, waxaanay ku soo qaadanaynnaa warbixin ku saabsan mulkiilaha gaadhigii labaad ee ku hor fadhiistay Miiska Saraakiisha hortiisa, oo ahaa Cabdi Kirix.

Waa tan:
Sidoo kale, Cali Kirix oo walaalkii Cabdi Kirix lahaa gaadhigii labaad ee hawlgalka ee isagu dhexda ku xumaaday, isla markaana ka mid ahaa ganacsatadii gacanta weyn ku lahayd hawlgalka, ayaa isaguna Haatuf uga warramay sidii wax u dhaceen iyo doorkii ay ka qaateen abaabulka hawsha.
“Rag wuxuu ka sheekeeyaa ba’iisa, dumar-na badhaadhahooda,” ayuu Cali ku bilaabay sheekada, isagoo xasuusanaya xaaladdii adkayd ee soo wajahday waqtigaas. Waxa uu sheegay in abaabulka hawlgalkaasi uu ahaa mid ay iska kaashadeen rag saraakiil ahaa oo ku jirey ciidamada iyo dawladdaba iyo ganacsatadii waaweynayd, kuwaas oo uu ku sifeeyey inay ahaayeen “ragga intii calool adaygga lahayd”.
Waxa uu sheegay in isaga iyo ganacsato kaleba arrinta lagu soo wargeliyey markii diyaar-garowgeeda la bilaabay, gaar ahaanna ay la soo xidhiidheen Alle ah u naxariisto dhammaantood’e Cabdi Kirix, Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse Ducaale iyo Ina Cabdi Good oo iyaga ay wada shaqaynayeen Ibraahin Koodbuur.
“Waxa calool-adayg noo sameeyey nimankii kornaylada ahaa ee Ina Koodbuur Madaxda u ahaa. Markaa aniga iyo nin Muxumed Durraan la yidhaahdo waxa naloo diray inaanu soo ururrinno qoryo iyo rasaas. Wixii reeruhu haysteen iyo wax aanu ku darnayba waxaanu isu keennay siddeed qori iyo ilaa 1,000 xabbadood oo rasaas ah,” ayuu yidhi Cali. Waxana uu raaciyey inay haddana bilaabeen inay iska ururiyaan lacag iyadoo intii markaa awoodaysey ninkiiba la saaray So.Shs.200,000.
“Habeenkii ayaanu diyaarinnay gaadhi aanu lahayn oo uu Cabdi Kirix lahaa ayaannu bixinay oo intaannu hagaajinnay oo wax kasta aanu u dhammaynnay ayaannu nidhi waa in kaa lagu qaadaa (Cabdillaahi) caawa” ayuu yidhi.
Intaa keliya kagama aanay hadhine, Cali waxa uu sheegay in raggaasi kaddibna ay ka qaybqaateen xitaa hawlgalkii Ciidan ee lagula baxay Cabdillaahi.
Oo sidee iyo qaabkee bay uga qaybqaateen?

Xawligii uu Marxuum Ismaaciil gaadhigiisa ku dhexmariyey magaalada iyo kaddib rasaastii uu ka ridey tiyaatarka agagaarkiisa halkaa oo waqtigaas uu Gaanni u fadhiyey in Cabdillaahi la keeno. Rasaastaas oo uu Haliil sheegay in aanay isku ogeyn, ayuu Cali isagu waxa uu ku tilmaamay mid u qorshaysnayd ganacsatadii iyo raggii kale ee caawinayey hawlgalka milateriga, looguna talagalay in lagu Yool habaabiyo Gaanni iyo ciidamadiisa oo waqtigaa goobta Ismaaciil ka ridey oo ahayd Tiyaatarka u fadhiyey in loogu keeno Cabdillaahi Askar oo jidh-dil iyo silic u dhammaaday si dadka loogu quusiyo.
Cali isaga oo qorshahaa ka warramaya waxa uu yidhi: “Intaa dabadeed, waa la is-qaybiyey oo afar ilaa siddeed waddo ayaa loo qorsheeyey in lagu soof-daran habaabiyo. Ina Cabdi Good iyo Ina Sheekh Ibraahin waxa lagu qaybiyey waddadaa New Hargeysa ka baxda ee tiyaatarka inay xabado ka ridridaan. Cabdi Kirix iyo nin Gurey la yidhaahdo oo colkii jabhadda ka mid ahaa iyagana waxa lagu qaybiyey waddada idaacadda inay xabbado ka ridridaan. Col kale oo badan oo uu ka mid ahaa ninka isaguna gaadhiga labaad lahaa (Yuusuf Cabdi Xandulle “Haliil”), iyagana waxa lagu qaybiyey inay halkaa Shanta Maylka (Karin Huwan) agagaarkeeda xabbado ka ridaan. Halka loogu talagalay inay ka baxaanna waxay ahayd Qudhaca Faarax Nuur”.
Cali waxa uu sheegay in maqribnimadiiba Cabdi Kirix iyo raggii kale ee rasaasta ka ridayey waddada Idaacaddu ay ku soo noqdeen, uguna bushaareeyeen in hawlgalkii najaxay Cabdillaahi Askarna lala baxay. Hase yeeshee, farxaddii iyo guushaasi ma noqon mid ay ku sii negaadeen Cali iyo raggii kale ee hawsha kula jirey, waxaana markaas uun u bilaabmay rafaad iyo dhibaato.
“Aroornimadii ayay noogu darnayd markii la yidhi gaadhigiinnii Toyota-da ahaa ee Cabdi Kirix lahaa oo nin mayd ahi hoos yaallo ayaa meeshan yaalla!,” ayuu yidhi. Waxana uu raaciyey; “Niman askar ah baanu u dirnoo waxaanu nidhi soo eega. Dabadeedna wallaahi waa dhab bay yidhaahdeen”.

Halkaa markay marayso Cali iyo eheladiisii markaa waxay bilaabeen inay tabaabusheeyaan Cabdi Kirix oo la doon-doonayey si ay ugala baxsadaan dil iyo xadhig. Waxa lagu daray Cabdi nin la yidhaahdo Muxumud Durraan si uu u tallaabiyo, laakiin nasiib darro, waxa la ogaadey in xuduudka oo dhan ay ciidamo joogaan oo lagu sugayo. Dib bay u soo noqdeen, aakhirkiinna waxa laga tallaabiyey Lawya-caddo xaduudka Jabuuti iyo Somaliland, iyadoo lagu isticmaalay kharash badan oo laaluush ah.
Haddana, Cali iyadoo culayskaasi ka dhacay oo uu Cabdi tallaabiyey, welwel iyo rafaad weli uma dhammaan, waxana uu bartilmaameed u noqday baadhista iyo handadaaddii joogtada ahayd ee ciidamadii taliska. Waxaana dhibtaas hore kaga sii darnayd u yeedhista iyo ciidamada maalin kasta la dul keenayey. Ilaa ugu dambayntii uu ku dhaqmay talo ay u soo jeediyeen laba nin oo CID-da ka tirsanaa oo nasteex u ahaa, taas oo ahayd inuu dhaleceeyo tallaabista laba nin oo walaalladii ah (Yuusuf Kirix iyo Cabdi) oo SNMta ku biiray, uuna u muujiyo inay yihiin fallaago isagana dayro ka ah. Taas oo ay ku qanceen saraakiishii talisku, kana fududaysay culayskii joogtada ahaa.

Dad gaadhayay 12 qof oo loo qabqabtay falkaas, badankoodana loo aaneeyay Ganacsade Haliil, ayaa markii dambe oodda laga qaaday iyaga oo nabad qaba, marka laga reebo Marxuun Ismaaciil Sheekh Ibraahin Sheekh Muuse oo inkastoo intii falkaasi socday la qabtay, haddana loogu aaray khasaarihii Taliskii Barre loogu geystay, hawl-galkii buuraha loo yaqaannay ee dabayaaqadii sannadkii 1984kii. Marka la eego cududdii Taliskii milateri ee gobolkan joogtay iyo weliba arxan-darradii ay kula kacayeen shacbiga, waxay is-weydiintu tahay sidee ayay u suuro-gashay in dadkii ka qayb-qaatay hawl-galkii Birjeex iyo kuwii gacanta ka geystaba ay baxsadaan, ama si dhibyar la-isaga sii daayo kuwii loo aaneeyay ee la-qabqabtay iyo kuwii raadku galayba?
Iyada oo dad ka horreeyay kuwaas oo loo qabqabtay in ay lug ku lahaayeen, hawl-gal la doonayay in lagu dilo Gen. Gaanni, ay sannado badan dil-sugayaal ku ahaayeen Xabsiga. Marka laga yimaaddo in hawl-galku lama filaan iyo fir ka-nax ku noqday Taliskaa, SNM-na aan laga filayn awooddaa intaa le’eg, haddana waxa inta badan qayb ka qaadatay in arrintu koobnaato, musuq-maasuq iyo boob laxaad lahaa oo ay Ciidamadu Faqashtu ku jeedeen sannadihii dambe.

La soco qormada 8aad haddii Alle idmo.