Sannadkii 1998 kii ayaa la waayey Cumraan Cumar oo markaas 16 sanno jir ahaa, waxa uu ku noolaa tuulada Qadiid ee dalka Aljeeriya oo uu u dhashay..W/Q(Kamal marjaan)

Markii muddo la raadinayey, ugu dambayn waa laga rejo dhigay in raq iyo ruux midna la heli karo. Xiisado amni oo xilligaas dalka ka jiray, iyo warar ku tidhi-kuteen ah oo sheegay in uu deegaanka ka baxay ayaa quusta soo dedejiyey.

Hooyadii ayaa si gaar ah ugu baraarugtay dareenka ey uu wiilkeedu lahaa oo laba bilood ka ag tegi waayey guriga qoys deriskooda ahaa, inta uu hortago ayaa uu ka hor ciyi jiray, hortiisana saacado badan fadhiyi jiray. Maalintii dambe eygii oo la dilay ayaa laga helay doox ka durugsan guriga.

Laakiin hooyadan afkaa lagaga booday, dhowr jeer oo ay dad ka agdhowaa u sheegtay dareenkeeda ah in wiilkeedii gurigan lagu haysto. Cidina ma’ ay rumaysan karayn in lagu afduubay guri 200 oo mitir u jira, qoyska deggenna ay yihiin jaar aanay wax dhibaato ahi dhex oollin.

26 sanno kaddib, Isniintii 13 ka May, ayaa Cumar laga helay gurigii jaarkiisa ee hore ay hooyadii uga shakiday. Ninka guriga leh iyo walaashii ayuu khilaaf dhaxal la xidhiidhaa soo dhexgalay, cadhadii ayaa walaashii ay warka Cumar gaadhsiisay bilayska.

Cumar waxaa laga soosaaray god yar oo ku yaalla gudaha deyrka gurigan, isaga oo Cagaha ka xidhan, laakiin aanay dushiisa ka muuqan wax dhibaato iyo duruufo nololeed ahi. Inkasta oo markii hore uu hadalka kari waayey, nasiibwanaag markii dambe oo cisbitaal la geeyey waa uu warramay.

Waxyaabaha yaabka leh ee uu sheegay waxaa ka mid ah, in uu marar badan maqli jiray codka xubnaha qoyskiisa ee meelaha ku dhow jooga, sida oo kalana ka arki jiray dalool yar oo uu lahaa derbiga ku xeeran, waa marka uu dhex istaago godka oo gaaban. Waxa uu sheegay in ay jirtay awood la’aan iyo fikir la’aan ka hor istaagtay in uu baxsado, iyo xitaa dhawaq iyo codka. Taas oo sababteeda loo malaynayo, sixir uu ku xidhay ninka guriga ku haystay oo haatan 61 sanno jir ahi.

Waxyaabaha naxdinta leh ee Cumar uu ogaaday intii uu xidhnaa, haddana waxba aanu ku darsan karin waxaa ka mid ahaa dhimashadii hooyadii oo uu arkayey dhaqdhaqaaqa gurigooda iyo dadka qaar codkooda.

Weli baadhitaannadii ayaa socda oo xogtau ma dhammaystirna, laakiin waxaa la isla dhex marayaa in ninka guriga lihi uu faalka iyo sixirka ku shaqaysan jiray. Sababta uu wiilkan u afduubtayna ay tahay, calaamado uu ku arkay calaacasha (Baabacada gacanta) wiilkan oo caawinayey sixirka uu sameeyo.

FG:

Sawirrada hoose waa Cumar xilligii la afduubay iyo hadda, iyo Cumar iyo eygiisii la dilay.

 

 

 

Xigasho: Kamaal Marjaan

Bandhige@gmail.com