Gilchrist oo ahaa nin qabay xanuun aan dawo lahayn, ayaa u tegey William Cullen (1710-1790) dhakhtar caan ahaa oo u dhashay Scotland, si uu uga codsado in uu si uun ula tacaalo kaarka xad dhaafka ah ee uu xanuunku ku hayey….W/Q(Kamal marjaan)

Dhakhtarkii waa uu qaabilay bukaankan, isaga oo sida uu sheegay ku qanacsanaa in aanu waxba u qaban karin, balse danaynayey in uu maaweeliyo inta dhimashada uga hadhay si uu isna waayoaragnimo caafimaad uga korodhsado xaaladdiisa.

Dr. Cullen waxa uu farsameeyey wax uu dawo ku sheegay oo uu bukaankan siiyey, isaga oo moodsiinaya in ay tahay dawo kaarjebin awood badan ah.

Ujeeddadiisu waxa ay ahayd keliya in uu ku qanciyo, si geerida uu aamusnaan ugu sugo. Waxa se yaab u noqotay in dawadii ay garaacii iyo kaarkii badnaa ka yaraysay bukaankii.

Waxaa halkaas ka bilowday in dhakhaatiirtu ay baadhaan sababta keentay in dawo been ahi ay mararka qaarkood qofka kaarka ka jebin karto. Waxaana halkaas ka bilowday in dhakhaatiirtu ay mararka qaarkood bukaanka u qoraan dawo aan haba yaraato ee qiime dawo lahayn, haddana uu marar badan ladnaan ku dareemo.

In kasta oo ay qarniyo badan jirtay sheekada ah in qofka dawo been abuur ah lagu maaweelin karo, haddana waxaa sheekadani ay bilow u noqotay curinta dawada ‘Placebo’.

Placebo, waa erey asalkiisu Latiini yahay oo macnahiisa tooska ahi noqonayo ‘Farxadgelin’ laakiin caafimaad ahaan waxa lagu qeexay dawo kasta oo maloawaal ah oo loo sameeyey keliya in lagu maaweeliyo bukaanka.

“Daacad haddii aan u warramo, marna kalsooni kumaan qabin dawadan, balse waxa aan arkayey in aan ku qasbanahay in aan wax uun siiyo bukaanka, dawo doqonnimo ahna ha noqoto ee, (Placebo). Haddii wax dhaamo oo aan garanayey uu jiro, waan siin lahaa” sidaas waxaa yidhi Cullen oo ka hadlayey sida uu xaaladda ninkaas ugula tacaalay dawada beenta ah. [Cullen Clinical Lectures 1772 Feb/Apr RCPE Manuscript Cullen 4/4 218-9].

Qarnigii 18 ayaa ay ahayd markii uu William Cullen xeeladdan isticmaalay. Qarnigii labaatanaadna Hebry Beecher ayaa si weyn uga faa’idaystay, cilmibaadhis fiicanna ku sameeyey.

Beecher waxa uu ka mid ahaa dhakhaatiirtii kaalinta weyn ku lahaa daweynta dhaawacyadii dagaalkii labaad ee adduunka. Dhaawaca oo tiro beelay ayaa sababay in ay ku filnaan weydo dawada xanuun baabi’iyaha xooggan ah ee Morphin. (Waxaa ku jira noocyo maandooriye ah). Kaddib Beecher waxa uu dawadan halkeeda ku beddelay dareereyaal ay ka mid tahay maadadda ‘Saline’ oo ah cusbo iyo biyo isku jira, inta badanna lagu nadiifiyo nabarrada, laakiin aan wax xidhiidh ah la lahayn daweyn iyo kaarjebin.

Dr. Beecher, marka uu dhaawaca siinayo dawadan uu sanceeyey, waxa uu ugu sheegayey ‘Morphine’ si aanay u qaadin waxqabashadiisa. Waxa se yaab ku noqotay, markii tiro ka badan boqolkiiba 40, askartii dhaawaca ahayd ay u sheegeen in xanuunkii iyo garaacii ka yaraaday ama xitaa qaarkood uu ka baaba’ayba.

Waqtigan dhakhaatiirtu marar badan waa ay u baahdaan in ay isticmaalaan dawada ‘Placebo’, gaar ahaan bukaanka xaaladdoodu quusta tahay.

Haddii se berigaas lala yaabbanaa in dawo been ahi kaarjebisay, maanta saynisyahannadu si fiican ayaa ay u fahamsan yihiin sababta. Waa dareenka maskaxdu ay aaminayso marka uu dhakhtarku dawada siinayo, isaga oo ku leh, ‘Hadda ayaa uu kaarka oo dhammi kaa jabayaa” waa sababo nafsi ah oo saamayn ku yeelanaya maskaxda qaybteeda xanuunka dareenta iyo guud ahaan dareenwadayaasha qofka.

Baadhitaanno caafimaad oo bukaanno kala duwan lagu sameeyeyna waxaa lagu ogaaday, in qofku uu sidiisaba ladnaan iyo ka soorayn dareemo marka xaaladdiisa uu dhakhtar eego, dawooyinna siiyo, isaga oo hadallo dejinayana u sheegaya.

Akhriste!, waxaa taaas ka sii yaab badan, in dawada maloawaalka ah ee ‘Palacebo’ ay mararka qaarkood dabiibto xaaladaha nafsiga ah ee ka dhasha hungada jacaylka iyo marka qofku uu waayo qof uu jecel yahay.

Sida ay tani ku dhacdo faahfaahinteedu waa inoo qormada dambe.

 

 

 

 

Xigasho:Kamal marjaan

Bandhige@gmail.com