Siyaasigu Maaha Ka Dadkiisa Ku Eedeeya Xaaladda Ay Ku Jiraan

Wakhtigii la galayay doorashadii madaxeynaha Somaliland ee shirkii beelaha ee 1997, ayaa waxa la yidhi waxa dalka iska soo buuxiyay dad badan oo doonayay inay u tartamaan jagada madaxweynaha oo dibadaha ka yimid kuwaasoo aan intii hub ka-dhiigista la samaynayay ee beelaha kolba mid lala shirayay ee habeenno loo dhxayay ee qadoodi loo galayay aan dalka joogin. Kadib waxa la yidhi guurtidii oo iyagu ahaa guddida doorashada ayaa ka tashaday dadkaas oo rag iyo dumarba isugu jiray. kadib waxa ay soo saareen xeerar dadkaa lagu xakameeyo maadaama oo aan toos loo odhan karin ma tartami kartaan.

xeerarkaas waxa ka mid ahaa 1. in ninka u tartamaya jagada madaxweynaha Somaliland uu labadii sano ee u danbeeyay dalka joogay 2. in xaaskiisu Soomaaliland u dhalatay. oo loola jeeday rag qurbo joogtaa ka mid ahaa oo qabay dumar caddaan ah.

Haddaba marka aad qodobbadaa eegto guurtidu wakhtigaa la yaab may lahayn. waayo nin wadciga dadka fahmaya oo ku dhex noolaa intii dalka la dhisayay iyo nin dibadda uga yimid inuu meel sallaxan loo dhiibo isku lexejeclo ka ma noqonayaan.

Sidoo kale, Maxamed Siciid Gees waxa uu ku qoray buuggiisa dharaaro xusuustood in wakhtigii uu wasiirka ahaa nin qurabaha ka yimid uu madaxweyne Cigaal ku yidhi, waar ila joog oo dalka ila dhis oo aan jago kuu dhiibo! Ninkii waxa uu madaxweynaha ku yidhi ‘Dadka noocan ahi maaha dad loo shaqeeyo’ isaga oo u jeeda fawdadii dalka ka jirtay iyo dawladda oo aan awood lahayn markaa, waxaanu iskaga noqday qurbihii.

Taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa.

Immika prof. Axmed Ismaaciil Samatar waxa uu dalka yimaadda marka doorasho soo dhawdahay, inta kalena waxa uu u nasasho iyo raaaxo tagaa qasriyadiisa iyo beerihiisa uu ku leeyahay Maraykan. Sidaa Waaba laysaga oggolaa oo lagu wataye, waxa uu maalmihii u danbeeyay ku daray inuu ummadda Somaliland ku aflagaaddeeyo baahida iyo danyarnimada. Siyaasigu maaha kan dadkiisa ku caaya xaaladda ay ku jiraan ee waa ka u fikira sidii uu uga saari lahaa xaaladdaa.

Haddaba Axmed Ismaaciil Samatar, waxaan is leeyahay haddii uu illaa 2012kii markii uu ka soo quustay Xamar uu Somaliland gudeheeda joogi lahaa oo aanu marna dhinac uga baxeen, waxa uu la dareen noqon lahaa dadka Somaliland kumana uu caayeen xaaladda ay ku jiraan oo aan odhan karo dalal badan oo la aqoonsan yahay waa aynu ka horraynnaa. Waxan garan waayay Pro. halka ay ka mareen dalalkii uu odhan jiray waan tagay ee 59ka dal ahaa, sidee ayaanu ugu soo arag dad innaga hooseeya. xataa liiskii maalin dhawayd uu soo saaray Global Finance  Soomaalida oo dhammi kuma jirto tobanka dal ee ugu horreeya.

Ninka siyaasiga ahi maaha ka dadka ku eedeeya xaaladda ay ku jiraan, balse haddii ay isaga olole ka tahay waxa uu ku dhaliili lahaa dawladda in aanay dadka noloshaa waxba uga qaban, waxaanu soo bandhig lahaa nolosha uu isagu la doonayo haddii la doorto.

 

W/Q: Cabdiraxmaan Hayaan

cbdrxmngeni@gmail.com