Saskii Qurbo Jooga: Waar Xabbadu Halkay ka Dhacaysaa? (WQ: Cali Cabdi Coomay)

Mararka qaarkood inta badan salaada hore, waxa xerada birmadka ciidanka ama xerada Birjeex ee Hargaysa ka dhaca tababar ciidanku sameeyaan iyada oo adeegsanaya xabbadda aan noolayn ama lagu shiishka barto ee afka ciidanka loo yaqaano ‘DHEEMISH’. In kasta oo ay reeban tahay in ciidanka wax laga qoro, haddana tani waa sheeko ku saabsan dhawaqa rasaasta Dheemishta oo keliya. Dhawaan markii aanu ka soo baxdnay salaaddii subax ayey hal mar ridista xabbada dheemishtu ka bilaabmatay meel koonfur noogu beegan oo dhinaca xeryaha ciidamada ah. Intayada badani waanu garanayn waxa ay tahay, hasayeeshee qofka ku cusubi wuxuu markiiba u qaadanayaa in goobtaasi ay laba ciidan isku haleeleen oo dagaal xoogani ka socdo.

Nin baabuur yar oo nooca mas-ciideedka loo yaqaan wata da’aan aan ku qiyaasay dhawr iyo lixdan, una muuqday inuu muddo dheer dalka maqnaa, ayaa hal mar na soo ag-istaagay. Intuu gaadhiga si deg deg ah uga soo degay ayuu nagu soo eegay weji sas ka muuqo, markaasuu na su’aalay” waar halkuu dagaalku ka socdaa, waaba mid xoogane”?. Nin nala socday ayaa si degan ula hadlay oo yidhi” dagaal maaha waa tababar ay ciidanku sameynayaan oo dhawaqa aad maqlaysaa rasaastii noolayd maaha waa mid dheemish la yidhaa oo ciidanka cusub lagu baro dhoogta”. Kumuu qancin hadalkii ninka, waxaanu u muuqday inuu racfaan ka qaatay, intuu ninkii ka soo jeestay ayuu yidhi” kumaan fahmin, ma waxa sidaasi u dhacaya ayaa tababar ciidan ah, ta kale magaalada gudaheeda maxaa tababar loogu sameynayaa oo dibada loogu bixi waayey sida caalamku sameeyo. Shidh, ayuu raaciyey”.

Intuu dhaqaaq joogsaday ayuu annaga daalac noo raacay oo uu yidhi” niman yar yar ayaad tihiin oo aqoonba dhawaqa rasaasta runta ah iyo tan tababarka lagu sameeyo”. Isaga oo isu kaaya sharraxaya ayuu yidhi” anigu dalka 40 sanno ayaan ka maqnaa, waan se aqaan xabbadda iyo dhawaqeeda”. Halkaa isaga oo maray, ayuu nin askari ah oo aanu isku makhayaad shaaha ka wada cabno nala soo istaagay. Markaasuu nidhi, bal waa kan askarigu weydii rasaasta dhacaysa waxa ay tahay? Askariga oo nin degan ah ayaanu dooda odayga na dhex taal u sheegnay. Askarigii ayaa yidhi” adeer waa runtoodu nimadu, waa rasaas ciidan cusub lagu baro dhoogta, oo xerada gudaheeda ayey ka socotaa, markaa iyaga ayaa kaa saxsan”.

Hadalkii askariga ayaa galay, markaasuu si degan u yidhi” haa oo adeer maxaa magaalada gudaheeda keenay tababarka wata dhawaqa rasaasta, saaka oo dhan ayaan masaajidka ka soo bixi kari waayey. Waa sidee inta ciidamada tababarka sameynaya lagu guro diyaarado miyaa la geeyo dhulka baadiyaha ah ee aanay cidna joogo, oo ay halkaa tababarka ku sameeyaan”. Askarigii oo si fiican u fahmay inuu odaygu qurbaha ku raagay ayaa ugu af-celiyey” adeer horta Soomaalilaan ma laha diyaarado ciidan qaadan. Dalkii aad ka timid ha barbardhigin Soomaalilaan. Waynu se yeelan doonaa, oo waabad inoo saadaalisay. Talada ah in dhawaqa rasaasta dibada magaalada loogu saaro waa talo fiican oo madaxda ayeynu u gudbin doonaa. Ninkii hore uu odaygu racfaanka uga qaatay hadalkiisii ayaa odaygii ku yidhi “ adeer hadda nala fahantay arrinta waadigii liqi karo waayey markii hor ‘e” . Haa hadda way dhan tahay ayuu ugu laab qaboojiyey.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@gmail.com