Afar Qof Ayaa Ku Dhintay Halka Toban Kalena Ay Ku Dhaawacmeen Kadib Markii Uu Kusoo Dumay Guri Dhismihiisu Ka Socday Magaalda Tog-Wajaale

Alle haw naxariistee Afar Qof ayaa ku dhintay, halka toban kale ay ku dhaawacmeen dhisme ku soo dumay shaqaale  magaalada Wajaale gaar ahaan dhinaca Somaliland.

Ciidanka Dab-demiska Degmada Tog-wajaale ayaa ilaa galabnimadii maanta ku hawlanaa daad-guraynta dhaawaca iyo dhimashada.

Dhaawacyadii ayaa Shan ka mida oo dhaawacoodu cuslaa loo soo qaaday cisbitaalka Gabiley, halka Shantii kalena oo dhaawacoodu sahlanaa lagu dabiibayo cisbitaalka Wajaale.Waxaa iyagana wararku xaqiijinayaan in mulkiilihii dhismahaas uu ka mid yahay dadka ku nafwaayay goobtaas.

Maamulka Degmada, ka Gobolka Gabiley, laamaha Caafimaadka iyo ammaanka ayaa iyaguna dhankooda qayb ka ahaa hawlgalkan.

Dhawaan ayay ahayd markii magaalada Hargeysa, gaar ahaan degmada Ibraahim Koodbuur dhacdo sidanoo kale ah uu dhisme ugu soo dumay shaqaale ka shaqaynayay Masjid la shubayay.

Xafiiska Warbaahinta CDQ

Hargeysa/ Somaliland

990/ Emergency Call

Somalilandfire@gmail.com