Marka aan ka dhageysto ama aan akhriyo wararka xanafta leh ee aan xaqiiqda ku fadhiyin ee ay ka baahinayso idaacadda BBC’du dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waxaan xusuustaa odhaahda wariyihii caanka ahaa Norman Kingsley Mailer ee yidhi:- “Haddii qofku aanu lahayn hibo hal-abuur oo ku filan kuna curiyo sheekooyinka buuggaagta akhriska, ma’laha caqli badan oo uu ku noqdo garsoore, sababtoo ah, gacantiisa ayaa aad u gar-gariirta marka uu fulinaayo hawlaha shaqo, waxaanu noqdaa wariye.
Haddaba, xirfadda warbaahinta, waxa lagu tilmaamaa in ay war-fidiyeenadu yihiin wariyayaal, laakiinse, wariyayaashu aanay ahayn war-fidiyeeno, sababtoo ah, war-fidiyeenadu waxa ay leeyihiin kaalin gaar u ah oo ay ku ururiyaan xaqiiqooyinka illo-wareeda kala duwan ee ay ka hellaan war-bixinahaas oo cadaan ah, cidii qortay dhacdada sheekooyinka ama xigashada war-baahineed, sida, wargeysyadda, war-baahinta muuqaal-araga, idaacada, ama mareegaha wararka ee barta xuubka caarada ee loo yaqaano “ inter-net-ka”.
Wariyuhu waa qof kasta oo qayb ka ah geedi socodka tifaftirka ururinta iyo wararka ay faafiyaan, war-fidiyeenada, tifatirayaasha, soo saarayaasha, sawir qaadayaasha, muuqaal duubayaasha iyo wararka qorayaasha, laakiinse, waxa ay maanta noqdeen war-fidiyeeno baahiya wararka, idaacaddaha, mareegaha muuqaal arraga, wargeysyadda, mareegaha wararka ee barta shabakada xuubka caarada ee loo yaqaano, “Internet-ka”.
Marka laga yimaado wararka ay baahiyaan kuwa cadowga ku ah jiritaanka dalkeena, haddana, waxa aad arkaysaa wararka ay baahiyaan warbaahinta dalka gudihiisa ka soo baxa oo siyaabo kala duwan ku tilmaamaya siyaasadda dalka Jamhuuriyadda Somaliland ay arrintaasaasi saameyn taban ku yeelan doonto siyaasadda dalka, haddii aan la isticmaalin xeeladda lagu xakameynaayo khatarta ka soo socota ee sida cawska xididkiisu inoogu muuqdo, inoogu muuqata ee haddana la iska indho-tiraayo maqalka dhacdooyinka ay baahiyaan war-baahiyayaasha qabyaaladaysan, kuwaasoo , mararka qaarkoodna u soo gudbiya hebel dhintay oo aanay dadku garanaynin inuu noolaa.
Guntii iyo gaba-gabadii waxaan odhan lahaa saxaafadu waa suun, suunkuna haddii uu kaa waasho, cawradaada ayaa banaanka u soo baxaysa oo lawada arkayaa, isla-markaana, waxa ka faa’ideysanaaya dhamaan cadowgii kugu xeersanaa oo dhan, markaas waxaan leeyahay inta aynu ku jihaysanahay gudaheena, waxa ka qiimo badan inagoo ku foognaada cadowgaaga neceb jiritaankaaga.
Qalinkii: Maxamed Faarax Qoti