Wefti ka socda Xukuumadda Somaliland ayaa la filayaa in ay beri u tagaan Dubai saxeexa heshiiska Saldhiga Madaarka Berbera

 

Waxa la filayaa in ay berri u Duulaan dalka Imaaraatka Carabta Wefti ka kooban dhawr wasiir oo kala ah wasiirka Madaxtooyadda, wasiirka Duulista iyo Wasiirka Maaliyadda, kuwaas oo la filayo in ay ku biiraan wasiirka wasaaradda Arrimaha Dibedda Somaliland Sacad Cali Shire oo halkaas sii jooga.

Weftigan ka socda Xukuumadda Somaliland ayey ujeedada socdaalkoodu tahay sidii ay u soo saxeexi lahaayeen Heshiis dhex mara doona labada Dal ee Imaaraadka iyo Somaliland, kaasoo lagaga kiraynayo Dekedda Berbera.

Lama oga labada Dal in ay saxeexi doonaan shan iyo tobankii qoddob ee ay Baarlamaanku u Ansixiyeen Xukuumadda Somaliland iyo in uu jiro Heshiis kale oo ka duwan, hase yeeshee sida wararku sheegayaan weftigan ayaa soo saxeexi doona Heshiiska ay labada Dal wada galayaan.

Xigasho: Waaheen Media.

bandhige@gmail.com