Sayd maxamed iyo aduun aragiisii (WQ: Ahmed Nur Guruje)

” Sayd maxamed iyo aduun aragiisii ” .

Sayd Maxamed Cabdile xasan wuxuu aasaasay dhaq-dhaqaaq Diiniya oo wadaniya , kana xeer qoto dheer dhaq-dhaqaaqyadadii laggu yaqaanay soomaalidda waagii uu noolaa.

Dhaq-dhaqaaqaas Saydka iyo raggii la socday waxay u sameeyeen qaab dhismeed ka balaadhan beelnimo , waayo aragtida dhaq-dhaqaaqaasi waxay ahaayeen kuwo ka balaadhan beelnimo iwm.

Hadaba mudadii halgankaasi socday , dhaq-dhaqaaqii saydku bilaabay , waxaa loogu biiri jirey qof qof , qoys qoys iyo beel beel intaba , hassa yeeshee waxaa waajib ahayd in qof kastaaba marka uu ku biiro dhaq-dhaqaaqaas uu qoyskiisa xarunta usoo raro , kana soo digo rogto beelihii uu horre uga tirsanaa , kuna abtirsado magaca dhaq-dhaqaaqa ee loo yaqaanay daraawiishta.

Saydka iyo Qabiilka.

Dhaq-dhaqaaqa Daraawiishta iyo hogaamiyihii daraawiishta ee sayd maxamed cabdile xasan , qabiilka waxay u adeegsadeen xeelad siyaasadeed oo ay ku raadiyaan taageero , waxaanay ka lahaayeen aragti ka duwan tii soomaalidda ee waagaas iyo tan hadeer joogtaba , daraawiishtuna ma ahayn mid beelaha kala jecel hasa yeeshee wuxuun bay u adeegsatay gaadhista yoolka ay u socdeen.

Inta badan Gabayadda saydka waxaa laggu arkaa  , Saydka oo beel ku maagaya , isagoo hadana isla beeshii amaanaya , isagoo u hanjabaya iyo hadana isagoo isla beeshii u bushaaraynaya , waxaas oo dhamina waxay muujinayaan in aan saydka iyo daraaweeshtu beelaha kala jeclayn laakiin ay xeelad ahaan u isticmaalayeen.

Saydka iyo soomaalidda.

Dhaq-dhaqaaqii daraawiisheed waxaa kasoo horjeestay sidii taariikhdu waligeed ahayd , dadkii xukunadda beelaha gacanta ku hayay , abwaanadii magaca lahaa iyo odayaashii beelaha intooda badan.

Mudadii dhaq-dhaqaaqaasi socday , waxaa ka hor yimi.

Garaad Cali Garaad Jaamac

Sul Maxamuud Cali shirre

Boqor Cismaan

Sul Keenadiid

Suldaanka keliya ee raacayna wuxuu ahaa sul Nuur , isna culayskii soo gaadhay wuxuu galaaftay saldanadiisii.

Dhinaca kale waxaa dhaqdhaqaaqaa ka horyimi , Culimadii ,Abwaanadii sidda , Cali dhuux , Yuusuf dheere , Qamaan bulxan , Cali jaamac habiil iyo qaar kaloo badan.

Hassa yeeshee waxaa taageeray dhalinyaro ,reer guuraagii dabaqada dhexe iyo culimadii aan waawaynayn.

Daraawiishta iyo sooyaalkeedda

Daraawiishtu waxay ahayd dhaq-dhaqaaq ka wayn beel iyo beelo , dadkii ka qayb galayna waxay ahaayeen kuwo ku socday aragti ka wayn beelo , beel Soomaaliyeed oo daraawiish noqotay ma jirin dhamaanteed , beel kasoo wada horjeedayna ma jirin.

Dhinaca kale , hadii dadkii daraawiishta ahaa loo eego beelo , waa hubaal in beeluhu ku kala badanaayeen taana waxaa keenayay Deegaanka iyo dabeecadiisa , hassa yeeshee qof kasta oo daraawiish ka qayb galay wuxuu mudan yahay in loo arko Darwiish ,iyadoo aan Daraawiish loo kala saarayn beelo loona kala jeclaanayn.

Daraawiish iyo siyaasadda

Taliskii Maxamed siyaad isagoo ka duulaya dantiisa gaarka ah ee ku saabsan ilaashiga kursigii uu ku fadhiyay wuxuu sameeyay taariikh daraawiisheed oo macnaheedu yahay in daraariish sooyaalkeeda loo eegaysiiyo in ay ahayd Beelo Soomaaliyeed , Beelo kale oo soomaaliyeed kasoo horjeedeen , iyadoo loo qaabiyeey in beelaha kacanka raacsani yihiin daraawiish kuwa kasoo horjeeedaana aanay ahayn .

Daraawiish iyo dhaxalkeedda

Daraawiish dhaxalkeeda in la ilaaliyo oo aan la uskagayni waa masuuliyad saaran qofkasta oo damiirle oo soomaaliyeed , xumaanta ugu wayn ee sooyaalkaa loo gaysan karaana waa in la qabyaaladeeyo , dhalinayrada cusubna waxaa haboon in ay taariikhda ku eegaan indho aqooneed , cadaaladeed iyo masuuliyadeed oo ay wax ka bartaan sidda aduunyadu u dhawrto taariikhda ay leeyihiin.

Ugu danbayn , waxaan aaminsanahay in saydka iyo daraawiishtu ahaayeen halgamayaal diineed iyo wadaniyadeed , oo ka koray qabyaalad iyo beelo , hadii taariikhdooda si wanaagsan loo daraasadeeyana wax wayn lagga faaidayo ,ujeedada qoraalkayguna waa in taariikhda daraawiisheed ladhawro oo aan la kharibin.