Waligaa Talo Qof kale La Iskuma Casilo! ( WQ: Kaysar Maxamed)

Marka aad Xil Umadeed hayso ee aad yiqiinsan tahay in aad shaqadaada u gudanaysid  sidii saxda ahayd ee lagaa rabay, isla markaasna aad Aqoontaada iyo Kartidaada iyo Dedaalkaaga aad isugu geyso inaad si daacad ah uga soo dhalaasho Shaqadaada, isla markaasna aanay jirin duruuf kugu kalifaysa  Xil-gudasho la’aan ama duruufo kale oo shakhsi ah oo keenaya inaanad shaqadaada gudan karin, ma haboona inaad shaqadaada isaga  casisho Talo dad kale ama waa la lahaa ama reerkayga ayaa igula taliyay ama arrimo la mid ah.

Waxaa maalin ii sheekeeyay Nin weyn oo Masuul ah oo aad u Sharaf badan oo Xil Wasiir ku xigeen ka hayay Dawladii Maxamed Ibraahim Cigaal xiligii uu socday dagaalkii Maryo-Aloolka iyo Maleeshiyada loo yaqaanay.

Waxa uu igu yidhi Ninkaas Odayga ahi  Xilgaas oo aan Wasiir ku xigeen ka ahaa Dawladaas Cigaal ayaa nin aanu isku reer nahay oo xaga hawdka ka yimi oo dhinaca Maleeshiyada ka yimi uu gurigayga Hargeisa yimi oo uu ila soo degay,  ninkaasi wuxuu habeen iyo Maalinba igu odhan jiray waar damiir ma lihide iska Casil Dawladan ina Cigaal ee Tolkeen dagaalka kula jirta… Markasta is casil ayuu igu yidhaa isaga oo iga dhigaya inaan Maryo-alool ahay!

Wuxuu yidhi maalintii danbe ayaan dar Alle u go’aansaday inaan iskaga Casilo xilkii oo aan waraaqdii aan isku casilay ina Cigaal u geeyay  waanu iga aqbalay Allah ha u Naxariistee.

Waxa yaab iyo amakaag igu noqday markii subaxdii danbe aan arkay kii igu odhan jiray is casil oo booskaygii loo magacaabay. Hada waa ninkii igu odhan jiray is casil ayaa markaan is casilay  isagii booskaygii  galay ..!

Waxaa Beryahan danbe caado inoo  noqday qof caafimaad qaba oo Allah karaamo huwiyay oo fursad u helay inuu ummadiisa u shaqeeyo ayuunbaa si fudud u odhanaya waan is casilay.

Fulaynimo ka weyni ma jirto qof yidhaa waan is casilay isaga oo aan duruuf culus ama mid caafimaad ku iman. Qofku waa inuu u adkaystaa duruufaha adag ee ay shaqada Qaranku ay  leedahay ee ay dhaliishu ka mid tahay, ee duruufaha dhaqaale ka mid yihiin.

Ugu danbayn Qofku hadiiba ay ku dhalato inuu shaqada ka tago waxaa muhiim ah inuu yahay go’aan isaga oo kaliya ka soo go’ay ee aanuu noqon go’aan loo yeedhiyay oo ama qabiilkiisu u yeedhiyay ama ay cid kale u yeedhisay.