Sh. C/raxmaan Bashiir hadii uu sedex wax ka badalo wuxuu hanan lahaa tageeradayda qofeed oo wax wayn aan u arko (WQ: Cabdinaasir Axmed Abraham)

Ugu horreyn qofka Soomaaliga ah ee wax akhriyaa kuwa kale waa ka geddisan yahaye aan ku bogaadiyo Sheekhu in uu wax badan ka dheefay akhriska. Haddaan u imaaddo saddexda arrimood ee aan jeclaan lahaa in uu wax ka beddelo oo kala ah;

1. Adeegsiga faraha badan ee luuqadda qalaad ee Faransiiska taasi oo wiiqaysay quruxda hadalkiisa iyo hufnaanta sharraxiisa ba dhagaystayaashiisana ku soo ururinaysa reer Djibouti ama Soomaalida luuqadda Faransiiska baratay kuwaas oo marka wadarta ummadda Soomaaliyeed la barbardhigo tiro ahaan aad iyo aad u yaraanaya.

2. In sharraxiisa ama hadalkiisa uu ka illaaliyo in uu ka dhex muuqdo nacaybka uu u qabo Madaxweyne Ismaaciil Cumer Geelle taasi oo iyana iin ku noqon karta wixii uu sheegayay gaar ahaanna dunida aqoonta iyo cilmi-baadhista waxaana halkaa laga dheehan karaa waxa luuqadda cilmi-baadhista lagu yidhaa “Xag-jirnimo” bias.

4. Iyo tan ugu dambaysa oo ah haddaad si xeel-dheer ugu kuur gasho Sheekha Khudbadihiisa aad mooddo in siyaasaddu jaangoynayso.

Saddexdaa haddii uu Sheekh Cabdiraxmaan Bashiir wax ka beddelo wuxuu noqon lahaa Sheekha Keliya ee aan ku taxmo.