Xannuunka Autism-ka iyo Bulshada Somalida ee ku dhaqan Wadamada reer Galbeedka Q.1aad ( WQ: Dr. Abdikarim D Hassan)

Mudo dheer ayay bulshooyinka Somalida ah ee ku dhaqan galbeedka yurub iyo waqooyiga America waxay ka cabanayeen in xaalada Autism-ku sii kordhayso caruurtooda isla markaana aan waxba lagala qaban. Dad badan ayaa aaminsan in Autism-ku yahay xannuun ay dhulkan reer galbeedka ugu yimaadeen. Waxase xaqiiqo ah in Autism-ku taariikh ahaan uu caan ku ahaa dadka cad, waliba dabaqadaha sare ee lacag layda ah.

Majiraan Ilaa hada wax cilmi baadhis ah oo lagu sameeyay sababta keenta Autism-ka (aetiology studies) iyo sababta uu ugu badan yahay caruurta Soomaalida marka la barbardhigo bulshooyinka kale ee sida Somalida ajaanibka ah.

Hasayeeshe waxa la xaqiijiyay in Autism-ku, dhab ahaantii, ku badan yahay caruurta soomaalida, in Autism-ka caruurta soomaalidu uu ka saamayn xun yahay bulshooyinka kale; oo caruurta Somalida uu ka haleelo maskaxda iyo garashada.

Waxa jira tiro yar oo “research articles” ah oo laga sameeyay sida waalidiinta dhalay caruur Autism qaba iyo sida bulshada somalidu guud ahaan u arkaan xannuunkan iyo sida ay u fahamsan yihiin sababta keenta; iyadoo cilmi-baadhayaashu xooga saareen in ay sawir fiican ka bixiyaan sida qoysaska somalidu ula nool yihiin Autism-ka iyo kaalmo wax ku ool ah in ay helaan iyo in kale.

Baadhitaanadii ugu horeeyay waxa sameeyay Department of Child and Adolescent Psychiatry, Järva BUP, Stockholm, Sweden, sanad kii 2008, (https://doi.org/10.1111/j.1469-8749.2008.03036.x) cilmi-baadhistan waxa ay markii ugu horaysa si buuxda u tilmaantay in caruurta somalidu ay afar libin-laab in kabadan ay khatar ugu jiraan in ay Autims qaadaan marka la dhinac dhigo caruurta kale ee aan somali ahayn. Inkastoo cilmi-baadhistaas waxoogaa iino ah lahayd hadana waxay horseeday in xiise cusub loo yeesho Xidhiidhka dhabta ah ee u dhexeeyaa Somalida qurbaha iyo Autism-ka.

Sanadkii 2017 ayaa cilmi-baadhis kale oo nooca looyaqaan “Qualitative study” ah waxa diyaariyay koox ay gadhwadeen u tahay Dr Claire Laurier Deconteu oo ka tirsan Department of Sociology, Jaamacada Illinois ee magaalada Chicago. Cilmi-baadhistan https://doi.org/10.1016/j.socscimed.2017.01.064 ) oo caan ku ah Ereyga “Westren Disease” oo ay aad u adeegsadeen waalidiinta somalidu iyagoo ku dooday in xannuunkani aanu ka jirin wadankoodii Somalia ee ay ugu yimaadeen dhulka reer galbeedka, waxay falanqaynaysaa sida Somalidu ay u arkaan xannuunkan iyo waxa ay ka aamin san yihiin sababtiisa.

Cilmi-baadhistu waxay waraysiyo dheer iyo “exploratory observation” ku samaysay waalidiin, caruur iyo kaaliye-yaal dad qaba xannuunka Autism-ka oo ku dhaqan magaalooyinka Toronto ee Canada iyo Minnesota ee Maraykanka.

Cilmi-baadhistani waxay tilmaantay dhowr arimood oo muhiim ah oo ka midd yihiin qodobadan hoos ku qoran:

1. Somalidu waxay aaminsan yihiin in xannuunkan ay ugu yimaadeen dhulka reer galbeedk, sida darteed way kasoo horjeedaan aragtida dhakhaatiir badani qabaan ee ah in Autism-ku ku shuqul leeyahay Hidde-sidayaasha.

2. Somalidu shaki wayn ayay ka qabaan sharaxa dhakhaatiirta iyo tallooyinka caafimad ee lasiiyo taasina waxay keentay in waalidiin badan ay u jeedsadaan dhinaca dawooyinka dabiiciga iyo diinta.

3. Dadka Somalidu waxay aaminsan yihiin in Autism-ku uu ka dhashay duruufaha deegaanka ay ku cusub yihiin, kemikooyinka cuntada lagu sameeyay ee jidhkoodu aanu hore u aqoon, Faytamiin D oo kuyaraaday, cadceed yari iyo maqaarkooda dartiis, adeegsiga xad-dhaafka ah ee Antibaayotiga loo adeegsaday cuntooyinka xoolaha iyo biyaha. Waxa kale oo ay walaac ka muujiyeen Qaliinka badan ee loo adeegsado dhalmada caruurta iyo tirade tallaalka ee faraha badan ee aan jidhkoodu hore u aqoon. Sababahaas oo dhan oo laysku daray ayay Somalidu ku fasirtay in ay ka mas’uul tahay xannuunka Autism-ka.

4. Arinta sida qotoda dheer u saamaysa nolosha caruurta Somalida iyo caafimaadkoodaba waa dabaqada ay kaga jiraan bulshadooyinka ay ku soo biiraan. Somalidu waxay ku noolyihiin guryo cidhiidhi ah oo aan lahayn meel ay caruurtu ku ciyaarto, xaafado is-dulsaar ah oo jariimada, qoys burburka iyo daroogadu ku badan yihiin, waxay inta badan ku tiirsan yihiin kaalmada dowlada “Welfare Benefits Handouts”, waxa ku yar xirfadaha lagu xoogsi tegi karo, umana firfircoona in ay kasbadaan xirfado cusub. Intaas waxa u dheer caqabado ka haysta xaga afka, dhaqanka bulshada, iyo faquuqid diimeed intaba.

5. Marka la eego Xidhiidhka Somalida iyo hay’adaha caafimaadka, waxa xidhiidhkan ku jira isfaham la’aan faro badan. Caruurta Somalida hore looguma gudbiyo dhakhaatiirta takhasusuta sare u leh xaaladan Autism-ka, sida darteed inta xaaladoodu cusub tahay ee wax uun laga qaban karo ma helaan caawimada ay u baahan yihiin. Taasi waxay keentay in bulshada Somalidu ay ka aamin baxdo dhakhaatiirta iyo nidaamka caafimaadkaba. Arintaas oo Somalidu cabasho xoog leh ka muujiyeen.

Cilmi-baadhistani waxay u soo jeedisay Hay’adaha caafimaadka in ay talada ku darsadaan, –marka ay baadhitaan ku samaynayaan Autism-ka iyo caruurta Somalida– arimaha la xidhiidha “race and nationality” iyo in Somalida si gaar ah loo dhegaysto doodooda marhadii ay yihiin bulsho si gaar ah uu u saran yahay culayska Autism-ku.

Waxa loo baahan yahay ayay tidhi in la sameeyo cilmi-baadhis lagu raadinayo sababta keenta Autism-ka oo si gaar ah u bartilmaameed sanaysa Somaalida, si loo ogaado hadii uu jiro, cillad gaara ah oo Somalida u nuglaynaysa Autism-ka.

Waxa loo baahan yahay in loo fududeeyo qoysaska Soomaalida caqabadaha ka hortaagan in ay helaan taageero caafimaad iyo dawaynba inta caruurtu yar yihiin ee wax laga qaban karo ” early detection, treatment and psychotherapy”.

Waxa aan hoos ku lifaaqay “Research articles” ka aan kusoo xigtay maqaalkan, oo cidii rabtaa ay sii akhriyi karto. waxa ay xambaarsan yihiin macluumaad ka badan inta aan soo sheegay.

Mahadsanind lasoco qayta labaad,