Sidee loo xakamayn karaa ganacsatadan xadhkaha goosatay? ( WQ: Axmed Ismaaciil Idiris)

Haddii loo fekero maceeshad bararkan saameeyey nolosha dadka gayigan ku dhaqan oo markiisa horeba la daalaa-dhacayay dhibaatooyin dhaqaale oo uu sabab u yahay dollar barar, waxa la keeni karaa afkaaro dadka dhibka lagaga saari karo Ilaahay idamkii. Su’aashuse waxay tahay taloow ma laysku dayay inaba in wax laga qabto? Waa su’aal u taalla inta dadkan masuulka ka ah ee su’aalahaa iyo kuwa ka culusiba u yaalaan Alle hortiisa, kana dhaqaaqi doonin illaa ay ka jawaabaan. Hadiise aan fikirkayga ka dhiibto, waxa la samayn karaa sidan:

1. In la abuuro Guddi khubaro ah oo ka kooban Wasaaradda Maaliyadda iyo Ganacsiga oo ka talo bixiya xakamaynta ascaartan aan salkeedu fadhiyin.

2. In ay wada socdaan Liisanka ganacsiga ee la siinayo ganacsatada raashinka iyo alaabaha kale iibiya iyo Qiimaha alaabaha ay iibinayaan oo ay qiimeheeda goysay xukuumaddu iyadoo marka hore la lafa-guray qiimaha ascaartaas lana kaashado khubaro ganacsiga ku xeel dheer.

3. In Guddidaasi Baanka dhexe ay la socotaa si ay uga shidaal qaataan heerka isku bedelka dollarka iyo shillingka somaliland si ay u ogaadaan korodhka ama hoos u dhaca shilinka somaliland si loog saleeyo maceeshada iyo alaabaha daruuriga ah.

4. In Xeer ciqaabeedyo la abuuro laguna fuliyo cidda sicirka dawladdu u goyso alaabta iyo raashinka ka hor timaada, oo ay ka mid tahay; in liisanka ganacsi lagala noqdo si aan ganacsadahaasi mar dambe wax u iibin karin.

5. In Guddi fulineed la sameeyo laguna kaabo ciidanka bilayska si loo fuliya go’aamada gudidaa aan kor ku soo xusnay soo saaraan.

6. Haddii arrintaa laga dhego adaygo, ama ay socon waydo, ka fursan mayso in dawladdu xero injidii dib u cusboonaysiiso, keentona raashin iyo alaab ay iyadu umadda kaga iibiso qiime jaban ama ku xakamayso xilliyada ascaartu kor u kacaan. Arrintani laba faa’iido ayay yeelan doontaa; shaqaalaysiin iyo dhaqaale soo gala dawladda lafteeda.

Dawladnimadu waa sharciyadda oo dadka lagu ilaaliyo, hadii ganacsatadii uu sharci qaban waayo, waxay gaadhi doontaa xilli ay iyagu dawladda inoo dooraan oo ay keenaan mid iyaga u adeegta.

Fiiro gaara.
Muhiimaddu maaha inaan wax dhaliilayo, laakiin waa in loo naxariisto maxasta dalkani leeyahay oon odhan karo waa inta u badan, lana keeno habab lagu xal loogu raadiyo wixii noloshooda dhib ku ah.

Wabillahi tawfiiq.