Indhahayga waxa soo jiitay laba mudaaharaad oo aan abaabulnayn oo ay qabteen shacabka caadiga ah ee Somaliland toddobaadkan oo ka dhacay Boorama iyo Wajaale.
Inkastoo labadaasi mudaaharaad ay ku saabsanaayeen laba arrimood oo kala duwan, oo tii Boorama ay la xidhiidhay cabashada kordhinta cashuurta qaadka, halka tii wajaale ay ku saabsanayd cabashada ku saabsan rarista ganacsatada yar-yar ee loo yaqaano bacad-yaalka, laakiin marka aad dhinac kale ka eegtid labadaasi mudaaharaad waxaad arkaysaa inay labadooduba ka midaysnaayeen erayga (Dooni-Mayno).
Waa arrin cilmiga falsafadu aad uga hadasho oo ah faraqa u dhaxeeya labada eray ee (Haa) iyo (Maya), iyadoo erayga haa uu yahay erayga mar kastaaba guulaysta marka ay isku dhacaan erayga maya.
Erayga (Maya arrintaasi …..) oo ay u taagan tahay (Dooni-Mayno arrintaasi…) waa eray saamayntiisu ay markastaaba jilicsan tahay, sababtoo ah waxay iska hor imanayaan koox kale oo xambaarsan Erayga (Haa arrintaasi….) oo ay u taagan tahay (Waanu-Doonaynaa arrintaasi…).
Erayga Dooni-Mayno waa astaan bur-bur iyo wax dumin oo kaliya oo ma xambaarsana wax dhisid, halka erayga Waanu-Doonaynaa uu yahay astaan dhismo iyo horumar, isla markaana dhexdiisa wuxuu xambaarsan yahay waxa aanad doonayn, halka erayga Dooni-Mayno aanuu dhexdiisa ku xambaarsanayn waxa aad doonaysid.
Tusaale ahaan: haddii uu kuu dhisan yahay guri fool-xun, oo aad tidhaahdid (Dooni-Maayo Gurigan) waxa taasi macneheedu tahay inaad gurigan dumin doontid, laakiin hadhaw inaad halkan wax ka dhisi doontid iyo in kale, iyo waxa aad ka dhisi doontid maaha wax qorshahaaga ku jira, laakiin adigoo isla gurigaasi hor taagan haddaad tidhaahdid (Waxaan-Doonayaa Guri qurux badan oo sidaas iyo sidaasi u eeg), taasi waxa markiiba ka dhalanaysa in aad dumisid gurigan foosha xun oo aad markiiba raacisid dhisida guriga quruxda badan ee aad ku taamaysid.
Haddaba aynu arrintaasi ku dabaqno labada Tusaale ee toddobaadkan ina hortaalla: haddii labadii mudaaharaad ee aan kor ku sheegay ay xambaarsanaan lahaayeen erayga (Waanu-Doonaynaa) halka ay ka xambaarsanaayeen erayga (Dooni-Mayno) waxa ka dhalan lahaa horumar ballaadhan isla markaana dawayn lahaa waxa ay ka cabanayaan, mudaaharaadkooduna wuxuu iska badali lahaa qaabka caadifadaysan ee ay u dhacday wuxuuna u dhici lahaa qaab wanaagsan oo ay ujeedo ka ballaadhan inta ay filanayaan ay ku gaadhi kari lahaayeen.
Aan si toos ah u waadixiyo:
- Haddii mudaaharaadkii Boorama ay Qaadlaydu odhan lahaayeen (Waxaanu Doonaynaa Cashuur Jaban), waxay doodu ku saabsanaan lahayd cashuurta hadda la idinka qaadaa way jaban tahay iyo ma jabna, taasina waxay abuuri lahayd in dibu qiimayn lagu sameeyo cashuurta iyo heerka dakhliga ee soo gala qaadlayda, ama haddii uu odhaahdoodu ahaan lahayd (Waxaanu Doonaynaa in aanu ogaano Cashuurta waxa la noogu qabto) waxay taasina albaab u furaysaa in wax la iska waydiiyo xita cashuurtii hore u jirtay inay ahayd mid loo baahnaa iyo in kale, iskaba daa ta la soo kordhiyee.
- Haddii mudaaharaadkii Wajaale ganacsatada yar-yari ay ahaan lahayd (Waxaanu doonaynaa meel aanu ku ganacsano), wuxuu culaysku fuuli lahaa maamulka dawlada hoose iyo ka gobalka, halka uu odhaahdoodii ahayd (Dooni-Mayno in lana raro) uu iyaga laftoodii uu culays saaray, taasoo loo arkay dad ka hor imanaaya maamulka dawlada iyo fulinta go’aamada ka soo baxa madaxda.
Faraqa u dhaxeeya (Haa) iyo (Maya) ama (Waanu-Doonaynaa) iyo (Dooni-Mayno) waa mid aad u ballaadhan oo buugaag iyo cilmiyo badani sharraxaan, laakiin si kooban waxaan shacabka Somaliland ku baraarujinayaa in guushu iyo ilbaxnimadu tahay in aad garatid waxa aad doonayso oo maaha inaad garatid oo qudha waxa aanad doonayn, sababtoo ah erayga (dooni-mayno) wax horumar ah kuguma soo kordhinayso, oo hadday ugu fiican tahay waxay kugu haysaa xaalada aad maanta taagan tahay, halka erayga (waanu-doonaynaa )ay kugu soo kordhinayso noocyada kala duwan ee horumarka.
Shacabka Somaliland waxa la gudboon inuu u ololeeyo isla markaana cod dheer ku muujiyo waxa uu doonaayo, hadday tahay: dawlad wanaag, shaqo, caafimaad tayaysan, waxbarasho tayaysan, Hoy iyo Guryo uu ku yeesho dalka….iwm.
Inay dadku isugu yimaadaan waxay doonayaan waxay u baahan tahay bislaan iyo daacadnimo, iyo inuu shacabku noqdo mid dantiisa gaarka ah garta oo aan u danayn wax aan marnaba dan u ahayn aduun iyo aakhiro, waana hubaa in shacabka Somaliland garashadaasi leeyahay.
Ugu Dambayn waxa waajib ah in aan af kasta oo lagu hadlo aan ku cambaareeyo falka ay ku kacaan booliska Somaliland mararka qaar oo ah rasaas ay u adeegsadaan muwaadiniin cabanaaya, arrintaasi sinnaba qiil uma yeelan karto, ciidanka Booliska iyo taliyaashoodaba waxaan leeyahay Ilaahay ka cabsada, oo xasuusta maalinta aad kaligiin Ilaahay hor-taagan tihiin ee aanay cid kale idin anfici doonin, sidoo kale tacsi tiiraanyo leh ayaan u dirayaa marxuumiintii ku geeriyooday mudaaharaadkii Wajaale.
Somaliland Allow Dhawr, Allaw dantaayada na garansii… aamiin.