Samsung waxay joojisay iibinta telefoonada Galaxy Note 7

Shirkadda Samsung ayaa joojineysa iibinta telefoon gacan Galaxy Note 7 dunida oo idil, sababo la xidhiidh walaacyo dhinaca ammaanka ah, waxayna ugu baaqaysaa dadka haysta in ay si deg deg ah u joojiyaan isticmaalka telefoonkaas.

Qiimaha saamiyada shirkaddan laga leeyahay dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa si xooggan hoos ugu dhacay kadib markii uu soo shaac baxay warka la xidhiidha joojinta iibinta Galaxy Note 7.

Samsung ayaa dhammaan dadka haysta telefoonkan Galaxy Note 7 ugu baaqday in ay damiyaan, islamarkaan ay dalbadaan in dib loogu soo celiyo lacagtii ay ku iibsadeen, ama ay ku bedashaan telefoonada kale ee shirkadda.

Bayaan ka soo baxay shirkadda Samsung ayaa waxa baahisay baahintan oo u qornayd sidan:

“Waxaan la shaqeeneynaa dhammaan dhinacyada sharciga ee arrintan ay quseyso, si baadhitaan loogu sameeyo dhacdooyinka la xidhiidha Galaxy Note 7.”

Samsung ayaa waxaa qiimaheeda uu hoos u dhacay 8 boqolkiiba suuqyada saamiyada adduunka.

bandhige@gmail.com