Shalay waad taageertay, maantana waad ka horjeeddaa: Fadlan, na qanci! qaybtii 1aad (WQ: Maxamed Baashe X. Xasan)

Waayadan dambe waxa boggaygan Facebook xambaarayey qoraallo kacdoon feker ceelalyo u ah. Waxa qoraalladaasi ka dhasheen xaaladda ka sii daraysa ee siyaaso-dhaqaale ee waddanka iyo aragtidayda qof ahaaneed ee arrintaas ku yuuban.

Mar waa qaylo-dhaan lagu baraarujinayo nimanka mindada daabka haysta ee waddanka loo doortay in ay tub hagaagsan u hoggaamiyaan. Mar kalena waa ku wacyigelin bulshada guud in xaaladda ay dareemaan oo culuska madaxda la saarayo ay qayb ka noqdaan. Mar kale waa is baanasho qofeed oo lagu bogsiinayo damiir iyo dubaaq ka damqanaya xaaladdaas.

Falcelin badan oo tabnaan iyo tognaanba leh ayaa qoraalladaas ka soo noqotay. Dadka qaar waxa ay qoraalladu ugu muuqdeen ruxruxasho aan maamulka kaga doonayo mansab (xil) ama maal (lacag). Qaar kalena waxa ay ku tilmaameen mashruuc meel kale laga soo abaabuley. Saddexdaas qolo halkan ugu jawaabi maayo oo horaan u idhi wixii aan odhan lahaa sir iyo caadba ama si dadban iyo si toos ahba.

Waxa se qoraalkan igu igbaaraya dhallinyaro badan oo ka mid ah labeenta daโ€™yarta Somaliland oo igu soo celceliyey suโ€™aal isku mid ah, macquulna ah:

Shalay Muuse ayaad nagu tidhi taageera, maantana waad ka hortimid, waayo? Fadlan na qanci!

Ragannimo. โ€œFadlan Na Qanciโ€ waa hal-ku-dheg taariikhi ah. Xaflad dhallinyaro 700 ka badani 20-kii Feb 2017 Maansoor Hotel ku qabteen ayuu sumad iyo baadisooc u ahaa. Waxa xafladdu ahayd sannad-guuradii 35aad ee gadoodkii ardayda Hargeysa ee 1982 ee ka dhanka ahaa sama-dawdarnimadii taliskii Maxamed Siyaad Barre markii maxkamadda la saarayey dhallinyaradii UFFO.

Sannadkaas 2017 oo dalka iyo dadkaba werwer badani ku oognaa, waxa dhallinyaradu ka horjeedeen sidii wax loo maamulayey, gaar ahaan bixintii saldhigga Berbera ee UAE la siiyey oo ilaa maanta aanu xaalkiisa banyaal ahayn.

โ€œFadlan Na Qanciโ€ ayaa lagu lahaa hoggaanka dalka oo la filayey inuu xafladda cid u soo diro ka dib markii lagu martiqaaday, ayna aqbaleen, haddana ka maquurteen oo aanay iman.

Haddaba, iyada oo la ii xidhay habeenkaas markii aannu xafladda ka baxnay, la iguna eedeeyey ย abaabulkeeda iyo khiyaamo qaran, maanta kama muquuran karo suโ€™aashaas dhallinyarada oo ay ka mid yihiin in badan oo maalintaas horena aannu faylka โ€œFadlan Na Qanciโ€ ku wada jirney. Waa in aan u jawaabaa si waafi ah oo daacadnimo u hadal ah.

 

la soco qaybta 2aad