Tilmaamaha faneed ee Axmed Cali Cigaal (WQ: Cumar Seerbiya)

1. wuxuu leeyahay dariiqo u gaar ah oo Kabanka uu u tumo mana jiro qof noociisa weli u tumay iyada oo aan laga hadlaynin tayo .

2 ย hees uu qaaday oo dhuuntiisa lagu qiyaasay laxan ahaan way adkayd ย in qof kale xattaa haddii uu fannaan yahay uu qaado , marar badan dadkii isaga fan ahaan ka dambeeyey waaba lagu imtixaami jiray.

3 wuxuu allifaa Muusikada ( Muusikada heesta ka baxsan ย ee aan ahayn tan ย cod raaca ah dad kooban ayaanaa ย sidaasi sameeyey “.

4 laxanada dareenka leh ayuu gaar ku yahay , Axmed Cali Cigaal sida kaba muuqata ย heesaha uu laxameeyey waxay toos u cabbiraan xaaladda uu ka hadlaayo hadba erayga heesta.

5 Waana dadka kooban ee cilmi ahaan u yaqaan Noodadka laga heeso.

 

Markay noqoto qaab laxamayn . Waxaan u tusaale u soo qaadanayaa ย erayo laxamaysan oo ku jira laba heesood ย oo uu qaaday sidoo kale uu laxameeyey , ta koowaad “Waa la isku soo noqon wixii nool adduunyada” markuu laxan ahaan ugu dhawaaqayo wuxuu tilmaamayaa inuu Baaq dirayo qaabka uu laxankeeda u dhigay , waana farriinta dhabta ah ee ay heestu gudbinayso ,erayada kale ee ku jira heesta ” Markii ugu horreysee i haleelay Caashaqu ma halkaan fadhiistaa”?. tanna wuxuu u sawiray qaab dhihista laxan intuu kor ka yimi ka dibna hoos u degay , isaga oo waafajinaya hadalka ah “ma halkaan fadhiistaa? . Madaama qofku inuu fadhiisto ay ka horreysay inuu taagnaa marka hore ,

Fadhiga iyo taagniduna way kala hooseeyaan.