Iyada oo dhawaan heshiiskii is-af garad ee dhex maray Somaliland Iyo dawladda Federaalka ee Itoobiya uu sii laban laabay dadaallada aqoonsi raadinta Somaliland, ayaa waxa isa soo taraya dhawaaqyada loo jeedinayo beesha caalamka inay aqoonsato si ย ay qayb uga noqoto xalka mushkiladaha ka taagan badda cas iyo qoorriga cadmeed. Warbaahinta kala duwan ee reer galbeeka ayaa madaxda dalalkooda ugu baaqay inay shantan sababood ku aqoonsadaan dib ula soo noqoshada madax bannaanida Somaliland.
Arrinta koobaad waa cadaalad loo sameeyo taariikhda:
Somaliand waxa ay madax bannaani haystay muddo kooban sannadki 1960, waxa aany aqoonsi ka heshay qaar ka mid ah dalalka ugu tunka waaweyn adduunka kahor intii aanay ku biirin dhulkii soomaalida ee Talyaanigu wasaayadda ku maamulayay, midowgaasoo burburay 199aadkii kadib markii xasuuq iyo barakicin loo gaystay dadka reer Somaliland. Aqoonsi xilligan la siiyo Somaliland waxa uu noqonayaa tallaabo la qaaday oo lagu sugay caddaaladda taariikhda.
Sababta kale ee Somaliland loo aqoonsanayaa ayaa lagu sheegay iyada oo ah dal dimuqraaddiย oo soo koraya isla markaana bulshada caalamka la wadaaga qiyam , in aqoonsiga madax bannaanideeda la ilduufaana waxa ay dhaawacaysaa ka goโnaanasheheeda inay ka dhabayso afkaartaas. Rabitaanka dadweynaha reer Somaliland ee lagu caddeeyay aftidii dastuurka sannadkii 2001, ayaa lagu yidhi warbixintan , waa in adduunyadu aqoonsataa si meesha looga saaro madmadowga ku saabsan halka ay ka taagan yihiin bulshada caalamka.
Sababta saddexaad ayaa la yidhi waa aduunyada kala fikir ah la dagaallanka argagixisada iyo in si nabad galyo ah loo maro badaha waaweyn , kuwaasoo ay caddayn u tahay sida ay Al-shabaab iyo budhcad badeeddu uga caageen baddeeda. Taa baddalkeedana ay labadooduba ka hawl galaan Soomaaliya iyada oo dawladda halkaa ka jirtaa aanay awood u lahayn, ama aanay doonayn ba inay wax ka qabato. Somaliland oo la aqoonsado ayaa qayb ka qaadan karta taageero ka dhan ah argagixisada iyo budhcad badeedda ah si loo xakameeyo khatrtooda.
Sababta afraad. In la aqoonsado gooni- isu taagga Somaliland iyo dib ula soo noqoshada madaxbannaanideedu waxa ay meesha ka saarayaan tabashooyinka laga qabo heshiiskii is afgarad ee dhex maray Itoobiya, waxaanay xaqijinayaa xasilloonda gobolka.
Arrinta shanaad waa horumarka gobolka:
Heshiiska is-af-garad waxa uu dardar galinayaa horumarka gobolka isag oo isku xidhaya dalka labaad ee Afrika ugu dadka badan iyo dhaqaalaha caalamka. ย Horumarka Somaliland iyo Itoobiya waxa uu sidoo kale u adeegayaa dalalka jaarka iyo inuu abuuro fursado ganacsi oo dhinacyada oo dhanmi si isku mid ah uga faaโidaan. Hannaankaana waxa soo dadjin karta maal galinta caalamiga ah oo iyaduna ku xidhan aqoonsiga Somaliland.
Shantaa sababood ee aynu soo sheegnay waxa ay fure u noqon karaan in adduunyadu si dhab ah u aqoonsato Somaliland taasoo keeni karta caddaalad siyaasadeed oo la siiyo Somalialnd, waana masuulyad saaran dhammaan bulshada caalamka inay Somaliland ka mid noqoto dalalka caalamka.