Shantii qodob ee heshiiskii boqortooyada ingiriiska iyo odayaashii dhaqanka ee Somaliland (WQ: Amb. Abdirisak Diinaari)

Waa taariikh cajiiba 1884. Waxa dowladda boqortoyadda Britian soo degeen magaalo madaxdda gobolka saaxil ee Berbera. Waxeyna heshiis kula galeen in uu saxeexo 5 qodob. Waliba waxey ku xujeeyeen iyagoon u sheegin Inuu saxeexo.

Waxeyna soo qaatey (HARAG LA MAGDIYEY).

Runtii boqoradda England waxey ku go’aansadeen iney saxeexaan iyago markaa ka fekerayey sidda ay Africa oo dhan u qabsadeen dadkana u siiyeen waxaan dhaamin rashinka la quuto dalalkii badnaa ee Africa.

Isku soo wadda duubo odayashii dhaqanka Somaliland waqtiga ugu magaca weyna waxey Dowladii aanu calankeedda ka dhici jirin cadcadeeddu duhur cadd kaga saxeexeeen magalaadda Berbera. Qodobadda hoos Ku qoran.

1. In Aan askari (ALIFLE AH) Oo u dhashey dalka EGLAND aanu iman Karin dhulkayaga(taliye CIIDAN mooye) macaha oo ah in CIIDAN la keenin. Sidaas darteed Askarta Waxu ka qortey dadka Reer Somaliland.

2. In Gabadha Ingiriska ah ee Sarakiisa CIDANKA ama Madaxdda dowladda EGLAND qabto markey Uur-Yeelato oo ey gaadho Bisha 7aad aaney ku dhalin dalka gudahiisa.

Markaasna uu ku celin doontid Uk ama ay (CADAN) ku soo umusho. Taasna oo macnaheedda ey uga jeedeen. In Hadii qofka dalka ku dhasha uu noqon karo muwaddin siddii South Africa ka dhacdey. Dalkana aaney ugu qabsan dadka reer SOMALIALND.

3. In aanu dalka ka dhisi Karin Wax (KANISAD AH AMA SCHOOL DIMEEED AH) Midna.

Waxey markaas Schoolka u raaciyeen in aanu xagga diinta ka soo galin. Waxa inogu horeysey schooladda Ingiriiska 1940-yeedii. Laga furey dhulka Somaliland Labadda School ee caanka ahaa ee haldoorka SOMALIALND ka soo baxey. Ee ( SHIIKH IYO CAMUUD).

4. Calanka Boqortoyadda England in aaney calankeedda ku muddi karin qorigiisa dhulka Somaliland. Waa Inuu dul-sudhnaadda (BIR AMA GURIGA DUSHIISA) Calanka dhulka kama taagi kartid waayo dhulka anaga iska leh.

Waxa cagligaa odaayasha reer Somaliland laga dhaxley in dhamaan safaraddaha Addunka calanka aan ciida lagu MUDIN. Waxana caalamku isla qaatey Shirkii ( leage of Nation) ee (Los Angles) MARNABA in aan calanka dal leeyahey ee dal kale taagan aan dhulka lagu taagi karin ee sudhnaado meel ka sareysa ( Sida guriga Safiirka ama uu sudhnaado BIR).

Waxey keentey in caalamku isla qaato fekerka ka yimi odayaasha reer Somaliland. In Safaradda addunka oo dhan sidaa u dhaqmaan (Eesh Qiyasak) bal Caqliga la sheeke. ( RAGG CARADII JIR)

5. In MAALINTA aanu doono ee ku nidhaahdhno naga (BAX) in Aad dalkayaga ka baxdid.

In kastuu diidey oo ragg badan oo halgaam ahi ku dagalaameen oo ey ku shahideen. Sidda ragii ey ka midka ahaayeen ( Sheikh Bashir). Intaas hadaan soo dhaafo. Malinta 26 June,1960. Waa maalin ku weyn dadka AFSOMALIGA ku hadla. Waxana sumadeedda leh dadka iyo shacabka Somaliland. Waxa markaa maanta la gudboon dhalinyaradda Somaliland iney ogaadan taariikh dalkani soo marey.

Run ahaatii maanta ayaan u bahanahey halkganka dib u dhiska dalka iyo dowladd-wanaaga. Waxaan ku soo koobayaa dalkeenu waxu mudan yahey hoogaan daacadd ah oo xooga dhalinyaradda oo la mideeyo.

Si eynu u helno Somaliland qurux badan oo caalamku mar labaad dib u aqoonsan karo. Waxaa marnaba iyana la hilmaami karin. Waxeynu rabnaa Siyaasadd cadd oo ka midho dhalisa wadda hadalka Somaliland vs Somalia oo ka baxsan diyaradd la sii raaci iyo Hotel la seexddo.

Waxaan u bahanahey hoogaan ka fekera dalka Inuu gaddhsiiyo himiladda shacabka ee hungowddey 01/July/1960. Si loo helo Laba dowladood oo deris Wanaagsan oo walaalo ah.

Derisnimadda Dowladda Somalia iyo SOMALIALND Mahaa mid guureysa waxanse rabaa in laga midha dhaliyo Mustqablka Dalkan.

Aragti ahaan waxaan qabaa in Xukumadda KULMLYE 9 sano ey hogaanka heysey ku fashilantey. Balse Maanta shacabku u ooman yahey hoogaan waayo araga oo aragti durugsan leh, dadka wax garadka ahna weydiiya taladda qaranka ee guusha lagu gaadhi karo himiladda fog shacabka sSomaliland

Waa Bilaahi towfiiq

Ergeyga Xisbiga Waddani u qaabilsan Waddamadda European Unionka iyo Hay’adda Qaramadda Midoobey.

#Ambassador_Abdirizak_Diinaari