Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xilkii gudoomiye-nimo kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto )

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa xilkii gudoomiye-nimo kaa qadaya gudoomiyihii Ururkaasi Maxamuud Cabdi Jaamac ( Xuuto ).

Xarunta dhexe ee Ururkaaasi ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxaa saaka kulan deg deg ah iskugu yimid guddida boodhka ee Ururka SOLJA kuwaas oo ujeedkoodu aheyd inay xilka ka qaadan Gudoomiyaha isla markaana ay ku doortan masuulkii bedeli lahaa.

Tirrada xubnaha saaka kulanka isku yimid ayaa ahaa 9 xubnood iyada oo tirrada guud ee Guddida boodhka SOLJA ay tahay 15 xubnood , waxaana uu kooramka shirku ku furmaa 8 xubnood.

Hadda-ba Intii aanay xubnaha guddida SOLJA bilaabin codeyntooda ayaa waxaa xarunta si kadis ah u soo galay odayaal ka tirsan saxafiyiinta Somaliland oo ergo u ahaa Gudoomiye Xuuto , waxaana ay codsadeen in hal maalin dib loogu dhigo codeynta xil ka qaadistiisa , taas oo ay ka aqbaleen guddidii goobta fadhiday .

Guddida xil kaaqadista ku wada Gudoomiye Xuuto ayaa waxaa ay ku eedeynayaan gudoomiyaha Hanti Lunsi , xisaab xidh la,aan , maamul xumo iyo taladii SOLJA oo uu isku koobay .

Guddida Boodhka ee Ururka SOLJA ayaa waxaa ay yahiin kuwa xaqa u leh inay xilka ka qaadan gudoomiyaha , gudoomiye ku xigeenka iyo Xoghayaha .

Guddidii Maanta ee Ergada u ahayd Xuuto ayaa waxaa ka mid ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Mudane Mukhaar Maxamed Cali.