Shantii shay ee qof kasta oo adduunkan ka sii baqoolayaa ka murugooday in aanu samayn (WT: Abdoulkarim Qurusdoon)

Bronnie Ware, kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay waddanka Australia, waxay qaabilsanayd gunaanadka bukaanka adduunkan ka sii galbanaya. Usbuucyada ugu danbeeya noloshooda ayay waqti gelin jirtay sidii ay murugada, karka iyo kurbada uga khafiifin lahayd.

 

Shantii shay ee qof kasta oo adduunkan ka sii baqoolayaa ka murugooday in aanu samayn ayay ka qortay buug la yidhaa : ” Top five regrets of the dying”.

 

1. Waxaan jeclaan lahaa in aan noolaan lahaa nolol naftayda aan runta u sheegi lahaa, oo aanan noolaadeen nolosha ay dadka kale iga filanayeen. Qodobkan qof kasta oo ay waraysatay wuu xusay (nolol ay ka maqan tahay inaga giiji iyo ha u jabin)…….gobeey liicoo ha jabin!

 

2. Waxaan jeclaan lahaa in aanan shaqada isku wadno-gooyeen. Ragga ayaa ugu badnaa kuwii qodobkan ka murugoonayey ee ku cataabayey miyaan waqti la qaato ubadkayga iyo xaaskayga!

 

3. Waxaan jeclaan lahaa in aan cabbiri lahaa dareenkayga.  In badan oo dadkii ay waraysatay waxay xuseen in waayahooda ay laabta ku haysan jireen oo ay qarsan jireen dareenka murugada leh ee la soo dersada, taas oo xanuun ku noqotay.

 

4. Waxaan jeclaan lahaa in aan xidhiidhin lahaa asxaabtayda. Dadkan intoodii badnaa waxay ka murugoonayeen in ayna xidiidh la samayn asxaabtoodii (qaraabadii) maadaama waayaha noloshu ka mashquuliyey.

 

5. Waxaan jeclaan lahaa in aan naftayda u ogolaan lahaa sidii ay farxad ugu naaloon lahayd intii ay noolayd. Waxa la yaab ahayd in qodobkana uu ahaa mid ay ka midaysnaayeen dhammaan dadkii ay waraysatay.

 

Waad ku mahadsantahay Jimcaale Nuur in aad ii soo jeedisay akhriska buuggan.