Culimada Somaliland Oo Talooyin Muhiim ah u Gudbiyey Guddiga Qaran ee Ka Hortagga Covid-19 iyo Dadweynaha

Culimada Somaliland oo isaga kala yimi gobollada kala duwan ee dalka oo maalmihii u dambeeyeyba Kulammo ay la yeesheen Guddiga ka hor-tagga heer Qaran ee cudurka Covid-19 iyo kuwo ay Culimo ahaan wada yeesheen u socdeen, ayaa gebo-gabadii soo saaray go’aan toban qodob ka kooban oo talo soojeedin u badan.

 

Culimada oo ka arrinsaday waxa laga yeelayo Jamaca Salaadaha ee Masaajiddada, maaddaama oo laga cabsi qabo faafitaanka xanuunka dunida sadheeyey ee Corona-virus Covid-19, maaddaama oo kiisaskii ugu horreeyey toddobaadkii hore dalka laga helay, isla markaana dalal badan oo Islaam ahi hakiyeen muddooyin kala duwan isu imashada Salaadaha Jamaca ah, waxaanay Culimadu ka dib kulammada wada-tashiga ah, waxay soo saareen talooyin ay u jeediyeen Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Corona iyo guud ahaan Bulshada Somaliland.

 

Qodobbadaas talada Culimada Jamhuuriyadda Somaliland xambaarsan, waxaa Shir Jaraa’id oo gelinkii dambe ee Sabtida Culimadu ku qabteen xarunta Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland ee Hargeysa ka akhriyey Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Axmed, waxaanu yidhi;

 

“Culimada oo tix-raacaysa kulankii wada-tashiga ahaa ee ay la yeesheen Guddiga qaran ee ka hor-tagga xanuunka Covid-19 iyo Dhakhaatiirta ee Arbacadii iyo wada-tashigii Culimada Somaliland ee gobollada dalka isaga yimi, ka dib, waxay Culimadu soo saartay qodobbadan soo socda:-

1-     In ay Dadku Illaahay isku xidhaan, xaggiisana u noqdaan oo ay toobbad keenaan, ogaadaanna in wax kastaa ku dhacayo Qaddarka AIle, iyadoon laga tegaynin asbaabta ka hortagga xanuunka.

2-     In aan la sugin inta cudurku faafayo, isla markaana si dhaqso ah looga hawlgalo wax ka qabadkiisa.

3-     In la dedejiyo, lana dardar-geliyo baadhista Dadkii looga shakisnaa inuu haleelay cudurkani.

4-     In la joojiyo dhammaan goobaha lagu kulmo, sida Hudheellada, Makhaayadaha, goobaha Qaadka lagu cuno iyo wixii la mid ah oo aan lagu degdegin xidhitaanka Masaajidda Alleh.

5-     In aanay ku waajibin Jamaca Salaadda ee Masjidka, Dadka xanuunsanaya, Dumarka, Carruurta iyo Dadka Safarka ah, isla markaana waxa loo soo jeedinayaa inay ku tukadaan guryahooda oo aanay Jamaca Masaajiddada iman.

6-     In Shareecada suubban ee Islaamku ay u bannaysay ummadda in Jimcaha iyo Jameecada laga maqnaan karo haddii la helo, lana xaqiijiyo daruuro adag, sida Xanuunnada faafa iyo wixii la mid ah.

7-     In la joojiyo Qaadka, maaddaama oo uu leeyahay dhammaan sifooyinka uu ku faafo cudurka halista ah (Covid-19), sida taabashada, kulanka goobaha lagu iibiyo iyo goobaha lagu cunayo. Sidoo kalena xal loo helo Diyaaradaha Rakaabka ee dalka yimaadda.

8-     In Dadka oo dhami ay iska kaashadaan wax kasta oo lagaga hortegi karo faafidda cudurka, loona dhaga-nuglaado talooyinka Dhakhaatiirta iyo amarrada Guddiga heer Qaran ee ka hortagga Cudurka Corona-virus.

9-     Waxaannu Bulshoweynta Reer Somaliland ugu baaqaynaa in wakhtigan adag ay taageeraan, kana war-hayaan Dadkooda danyarta ah.

10-  Waxay Culimadu diyaar u yihiin inay ku taageeraan wixii talo iyo tusaale ah ee ay uga baahan yihiin Guddiga ka hortagga Covid-19.”

 

Geesta kale, waxaa iyaguna halkaas ka hadlay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Maxamuud Suufi Muxumed iyo Sheekh Yaasiin Ibraahin Cabdiraxmaan oo ka mid ah Culimada dalka ee tobankan qodob ee talada ah soo saaray, waxaanay sii adkeeyeen oo soo jeediyeen hirgelinta Qodobbadaas, iyaga oo Shacabkana ugu baaqay inay la yimaaddaan taxaddir badan iyo is-ilaashi, waxaanay u duceeyeen guud ahaan Ummadda Islaamka, gaar ahaan Bulshada Somaliland.

Halkan ka daawo muuqaalka Warkan: