Shaqo qaran, Gurmad Qaran (WQ: Dr. Cabdikariim Siciid Muuse)

Muwaadin kasta oo reer Somaliland ahi waa awood qaranku u baahan yahay waana hantida rasmiga ah ee dalkani leeyahay.

Ka faa’iidaysiga awooda iyo xoogaga dhalinyaradu waxay sharaf u tahay Guud ahaan quruxda Dawladinimada

Hadaba barnaamijkan shaqo Qaran waxaa muhiim ay in aynu ku dhiiri galino madaxwaynaha qaranka mud. Muuse biixi cabdi oo gundhig siyaasadeed u ahaa sidii looga faa’iidaysan xoogaga kaydsan ee ku jira Dhaliyarada Somaliland.

Dhisida dhalinyaro ka dhisan jidh ahaan iyo maskax ahaanba waxay badbaado u tahay qaran waara oo guulaysta.

Mar waa ciidamo kayd ah oo marka xaalad adag timaado leh xirfadoodii ciidan oo gudanaya waajibaadka qaranku ku leeyahay.

Marna aqoonyahano Ka qayb qaadanaya Hawlaha shaqo ee dawlada iyaga oo 3da bilood ee hore qaadan doona xirfada difaaca qaranka iyo barashada xirfada ciidanka( military training skill).

Lixda bilood ee kale waxay qaadan doonaan wadiniyada iyo maamul wanaaga sidoo kale waxaa intaa u dhaar marka ay soo dhamaystaan mudada ay waxbarashadu u socoto waxay si toos ah uga mid noqonayaan shaqaalaha Dawlda.

Waxay Dhiirigalin u tahay dhalinyaro badan oo aan fursadaha shaqo ee dawlada aan jaanis u heli jirin.

Guul iyo Gobanimo.

Horumar iyo Hiigsi