Shaqo, waa maxay shaqadu? (WQ: Nuur Xaaji Xiiray)

 

 

Waxaynu had iyo goor maqalnaa hebel ama heblaayo way shaqaysaa ama ma shaqayso ama wuu         shaqeeyaa ama ma shaqeeyo.  Hadaba waa maxay shaqadu ?  in waxan laga shaqaynaayo laysla garto miyaanya mudnayn, waayo dadka qaarba shaqada si ayay u arkaan.

Nin haadaha  ah ayaa tuulo, tagay markaas ayuu nin reer leh waraystay, wuxu yidhi waar xaaskaagu ma shaqaysaa? Ninkii tuulada ayaa ugu jawaabay maya, ma shaqayso, ninkii hayada  ayaa ku yidhi oo hadaa maxay qabataa, ninkii tuulada ayaa yidhi aroortii reerka iyadaa ugu hor kacda, quraacda ayay diyaarisaa, caruurta ayay kala dirtaa, marka ay barqinka tahay ayay shaah beerta iigu keentaa, intaa ay joogto beerta ayay waraabisaa, gurigii ayay ku noqotaa oo qadada diyaarisaa, hawshii reerka ayay gashaa hadana cashadii ayay diyaarisaa, marka la wada seexdo ee ay qofwalba ku hubsato inuu joogo, ayay guriga soo xidhaa, iyadaa ugu dambaysa oo seexta, ninkii hayada ayaa ku yidhi sowdigii igu lahaa xaaskaygu ma shaqayso. Cajiib.

Maalin maalmaha ka mida ayaan caruurtayda gaadhiga ku qaaday oon iskuuladoodii geeyay, markii aan soo noqday ayaan xaaskaygii ku idhi dee wax isiiya maanta waan soo shaqeeyay eh, sow kuwan yidhaa waanu shaqaynaa intaas uun ma qabtaan.

Gabadh ayaa ilmaheeda yar duhurkii ka soo kaxaysa iskuulka, maalin ayay ka yara habsaantay, waashmaankii ayaa ku yidhi oo adna miyaad shaqaysaa maxaa ku habsaamiyay, gabadhii waxay ku tidhi anigu ma shaqeeyo, markii dambe ayay fikirtay, waxay tidhi Alla maan idhaahdo anaaba ugu shaqo badan.

Hadaba waa maxay shaqadu?  Aniga aragtidayda shaqadu waa dhaqdhaqaaq qofka faa iido soo galinaya, faaiidaadaas oo ah mid la taaban karo iyo mid aan la taaban Karin, laakiin dadkeenu waxay shaqo u arkaan kaliya taa ku soo galinaysa faaiidad la taaban karo.  Dadka diinta ka shaqeeyaa labada faaiidoba way arkaan tu la taabankaro iyo tu aan la taaban Karinba.

Bal hada idinku fikirkiina ka dhiibta waxay shaqadu tahay.

Nuur Xaaji Xiiray

nur.hersi21@gmail.com