Ciyaaryahankii George Weah ayaa ku guulaystay madaxnimada Liberia

George Weah oo la aaminsan yahay in uu yahay ciyaartoygii ugu weynaa ee soo mara qaaradda Afrika, isla markaana ah ciyaartogya kali ah ee Afrikaan ah ee ku guulaysta ciyaaryahanka sannaka FIFA, ayaa shalay ku guulaystay madaxnimada Liberia.

George Weah wuxu muddooyinkii ugu dambeeyey ku jiray siyaasadda dalkiisa, wuxuuna ka mid noqday laba murashax oo doorashadii dhacday bil ka hor u soo gudbay wareegga labaad.

Weah ayaa xilka kala wareegi doona haweeynayda caanka ah ee dalkaas soo hoggaaminaysay 12 sanno oo la yidhaa Ellen Johnson.

Kadib dagaalo sokeeyo iyo dhibaatooyin adag oo dalkaas soo maray, Liberia ayaa soo kabatay haatana u muuqata waddan cagta saaray dhabbaha horumarka.

Bandhige@gmail.com