Sharaabla Soodhaha lihi Waxa Uu Keenaa Kansarka Beerka ! W/X :(KamaalMarjaan))

Daraasad cusub ayaa lagu ogaaday in sharaabka soodhaha lihi uu ka mid yahay sababaha ugu badan ee keena kansarka beerka ku dhaca, oo ka mid ah cudurrada khatarta ah ee ragga iyo dumarkaba ku dhaca, laakiin ragga ku badan.

Daraasaddan oo lagu faafiyey joornaalka arrimaha caafimaadka ee jaamacadda caanka ah ee Harvard, isla markaana ay warbaahinta dunidu si ballaadhan u faafisay toddobaadkii hore, waxa ay sheegtay, qofka maalin kasta cabba sharaabka soodhaha leh, in boqolkiiba 85 ay kor u kacdo khatarta ah in uu ku dhaco kansarka beerka ama xanuunnada kale ee beerka ku dhaca. Gaar ahaan Haweenka gaadhay da’da dhalmo deyska oo la ogaaday in uu si gaar ah ugu sii badanyahay kansarka beerka ama xanuunnada kale ee beerka ee aan laga dawoobin.

Daraasaddu waxa ay sheegtay in sahamin dalka Maraykanka lagu sameeyey 2019 kii ay caddaysay in kansarka beerka iyo guud ahaan cudurrada beerka ku dhacaa ay yihiin, sababta afaraad ee ay u dhintaan dumarka ay da’doodu u dhexeyso 45 illaa 54 sanno, iyo sababta shanaad ee ay u dhintaan ragga ay da’doodu u dhexeyso 45 illaa 64 sanno.

Xigasho:Kamaal marjaan

Bandhige@gmail.com