𝐑𝐮𝐧𝐧𝐞𝐞𝐲 𝐥𝐚𝐠𝐮 𝐍𝐞𝐜𝐞𝐛 ! W/Q:(Dr-Abdikarim Hassan)

Runta waa la isku nacaa, waa la isku colaadiyaa, qofka aan runta ka gabanna, inta badan, faquuq ayuu la kulmaa. Ugu yaraan waa laga xan qarsadaa oo xataa cidda ugu dhow ayaa iska ururisa. Markii Khadiija ay Nebigu- naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee- u geysay wadaadkii kiristanka ayaa ee Waraqa Bin Noofal, waxa uu Nebiga ku yidhi: 𝑭𝒂𝒓𝒊𝒊𝒏𝒕𝒂𝒏 𝒂𝒂𝒅 𝒘𝒂𝒅𝒂𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒙𝒂𝒒, 𝒘𝒂𝒂 𝒓𝒖𝒏 𝒘𝒂𝒂𝒏𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒖𝒈𝒖 𝒄𝒐𝒍𝒂𝒂𝒅𝒊𝒏 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒂, 𝒘𝒂𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒖𝒍𝒂 𝒅𝒂𝒈𝒂𝒂𝒍𝒂𝒎𝒊 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒂, 𝒅𝒉𝒖𝒍𝒌𝒂𝒂𝒈𝒂𝒏𝒂 𝒘𝒂𝒂 𝒍𝒂𝒈𝒂𝒂 𝒔𝒂𝒂𝒓𝒊 𝒅𝒐𝒐𝒏𝒂𝒂”. Waa Nabigeenu inoogu dhiiri geliyay inaynu runta ku dheganaano oo sheegno, haba qadhaadhaatee “قل الحقَّ ولو كان مرَّاً”.

Dhinaca diinta marka laga yimaado, daraasado badan ayaa lagu sameeyay saamaynta runtu ku leedahay maamul wanaaga, horumarka wadamada iyo fayo-qabka bulshooyinka. Si bulshooyinka, shirkadaha, iyo hay’adaha madaxa banaan ugu kala fiican yihiin qiimaynta runta iyo ku dhaqan keeda ayay ukala hormarsan yihiin, una kala wax soo saar fiican yihiin. Meesha runta laga ciseeyo, kalsooni, daacadnimo iyo isku duubni ayaa ku korta.

Muranka siyaasadeed ee Somaaliland ka jira waxa sababihiisa ka mid ah isla markaana qayb wayn ka ah is mari waaga waa Runtii oo laga dheeraaday. Af gobaadsi, sarbeebasho, xeeladaysi iyo isu madax buuxin ayaa lagu wada dhaqmaa. Si kasta oo Runta looga weecan karo ayaa la sameeyaa; qofkasta iyo koox kastaana doodeedu waxay ku salaysan tahay maslaxadeeda gaar ah- waxay Runta u arkaan inay dantooda xaadirka ah, ama ta abuurmi doonta wax yeeli doonto. Marka keli ah ee Runta la jecel yahay waa haddii amintaas la joogo ay dani ugu jirto. Ujeedkuna maaha Runnimada ee waa waxa ay u goynayso.

Waxaad maqlaysaa reer hebel yaan runta loo sheegin oo laga godoboobin; hebel yaan Runta loo sheegin oo la wiiqin; Mas’uul hebel yaan Runta loo sheegin oo ragga ay is hayaan loo legdin. Wadaadka hadii Runta loo sheego maqaamkiisii ayaa hoos loo dhigay; ganacsadaha haddii Runta loo sheego, ganacsigiisa ayaa duulaan lagu yahay oo la arbushayaa. Runtu waxay noqotay aafo laga cararo, natiijadiina waxay noqotay inaan marna eelka la abbaarin, dhibta jirta la dhinac maro oo xal dhab ah laga gaadhin, la isna wada sudhnaado

 

Xigasho:Dr-Abdikarim D Hassan

Bandhige@gmail.com