Sheekadii Kurey miyi iyo Doob magaalo jooga? (WQ: Xasan Cabdi Shire)

 

Sheekadani waxay kamid tahay taxanihii “Uddub xujo”

Raage, waa hal doob ah oo ku koray miyi ku dhow tuulada Baal-Cad, waa doob gaamuray oo garbuhu kala fideen, waana da’aha 17 jir xooggan oo caano geel dhamay, weligii magaalo ma arag marka laga tegi waayo tuulo labo dergadood oo buuriga, shaaha iyo raashinka lagu iibsho, dhaqanka miyiga ayaa aad ugu xooggan oo dushiisa iyo labiskiisa ayaa laga gartaa, Raage dad waxa ugu jeclayahay qofka uga sheekeeya taariikhdii dadkii hore iyo colaadihii lagu soo kala calaf qaaday. Raage inta badan waxa uu wiiggii hal mar gaadhaa dergadda Baalcad isaga oo ka raadsanaya sheeko iyo muunad magaalo, marka uu gaadho tuulada baal-cad waxa  yaab iyo amakaag ku noqda  aragtida iyo dhaqanka tuulada gaar ahaan sida dadka qaarkood aanay aqoon ugu lahayn dhaqamada soo jireenka ah gaar ahaan dhanka dhalinta oo Raage ku caayi jiray lebis miyi iyo xarago dhaqan, kaba daranee, faanka iyo jibbadu ku hayso dhaqammo cusub oo aanu Raage weligiis maqal, sheeko iyo shaahid midkoodna ku arag.

Aaladda wartabiyhu waa ku cusubyihiin Raage, adeegga bulsahda ee dugkaamada yaalla waa ku  arrin kale oo aanu weligiis toyan Raage, sheekooyinka baalcad caanka iyo caqliga u ah  waxa kamid ah hebel socoy oo raganimo iyo calool adaayg ayuu sheegtay lana micno ah wuu tahriibay, halka Raage fikirada tahriibku kow u tahay waana mala awaal aanu toyan, marka socdaal lasoo hadal qaado waxa maankiisa kusoo dhaca kob hebla iyo meel hebla ayaa roob helay oo berri loo guuraya iyo hebel ayaa tuulada aadaya si looga soo jaaba-jaabeeysto cunto iyo bagaash magaalo,  doodaha dhallintu aanu Raage maankiisa iyo maskaxdisa galin waxa kamid ah inay ka hadlaan filimaan, ciyaaro, iyo waxkale oo aan miyiga laga aqoon.

Inta badan shaah ayuu ka fuudaa goobaha la isugu yimaado isaga oo dhegta u dhaadhicinaya is-waydaarsiga kelmadaha waayeelka ah  ee u badan cabasahda iyo cadhada uu Raage caqliga iyo maanka ku hayo kuwaas oo aay kamid tahay dhaqanka la asal guuriyay ee dhallinta soo koraysa gaarka la tahay, waa dhaqan tuulo ee waxbarasho iyo hurmar maanka kuma hayaan dhalintu  waxaan baala-xoofto iyo xeelad gaaban ahaayn kuma dhawaaqayaan, Raage waxa u muuqatay in dadkani dhaqankii miyi ka tageen kii horumarka na aanay cagta saarin. Fiidki marka carraabo ee  uu guriga kusoo laabta na waxa uu go’aan ku gaadhi jiray inaanu dib ugu noqon doonin tuulada oo u kala kulmo macaasi iyo murugo joogta ah, laakiin mara duruufta baahi u geeyso Raage lugta ayuu taabac galin jiray isagoo iloowsan go’aankii xalay, wuxuu foolka saari jiray halkii Baalcad ka xigtay.

Raage, isaga oo maankiisa iyo caqligiisa ay hadheeyeen weydiimaha ay kammid tahay: ‘Tolow miyiga iyo tuulada kee baa sedroon inaad isugu luga duwato, ayaa waxa losoo dersay xaalad caafimaad oo kakan, oofta bidix ayaa laga haleelay waxaa dadku iswaaydarsadeen “kolba aariyo” ayaa gashay, adeerkiis oo ahaa nin magaalo ayaa Raage qaaday  waxaa loo dhigay magaalooyinka waaweyn ee ku yaalla dalka  si lo dabiibo, waxaa na loo geeyay eeddadii oo nin kale ku qabo magaaladaas, markii Raage laga dabar gooyay xanuunkii asiibay na waxa uu bilaabay inuu caruurta ay ilmaabtiga yihiin suuqa u raaco, u kuurgalo farqiga magaalo iyo kan miyi, kii tuualda iyo kan magaalo,  muddo markii uu xaalkiisu ahaa iska eeg gaadhiga, ka joog waa xero ciidane, baska halkan fadhiiso, ha hadlin yaan dadku ku fahmine.

Raage waxa wax iska badaleen habkii miyiga iyo kiisii  fikir ee ahaa guur iyo geel dhaqasho, reer hebel ayaa kusoo duulay iyo kob hebla waxa deegaan ku ah reer hebel, taas bedelkeeda hadda yididiilo magaalo ayaa gashay waxbarasho ayaa maankiisa koow ku ah, laakiin wax maaddi ah masoo baran aan ahayn Qur’aan ka oo uu ka gaadhay Suuratu “Insaan”, Waxaa se Raage hibo leeyay caqli nadiif ah oo aan danbi iyo dulmi mid na kusoo dhicin, waxa uu tabaya cilmi iyo hanuun cusub laakiin reerka uu la joogaa inaay ogoladaan joogitaanka Raage ayaa u baahan in loo sheego waa arin ka dhexguuxaya maankiisa.

Waqti kooban kadib,  waxaa  lagu daray iskuul weeyn oo lacag qaali lagu dhigan jiray si uu u gaadho waxbarasho heersare ah markii la arkay duruufta tolkiis qabo iyo sida uu diyaar ugu yahay Raage inuu meel-maro.

Raage waxa uu la kulmi jiray aragti qallafsan oo uga timaadda dadka magaalada ku barbaaray iyo dulqaad la’aan u la darsay canaanta reer magaalka ee aay ku jirto ku digashada soo galaaytiga aan xuduuda lahaayn, eeddadii iyo caruurteeda ayaa uga garaabi jiray dhacdooyinka Raage kala kulmo bulshada magaalada waxaay na isku dayi jireen inaay bogsiiyaan boogaha aay dhaawaceen bulshooyinka magaalada uu Raage ugu yimi. Eedadii Raage ayaa ku oran jirtay “Eeddo Cabdoow dadkani inbadan kaama soo horeeyn ee meeshan waa laysugu yimi”.

Raage waxa u tagay oo bilaabay iskuul isaga oo aan wax fikir ah ka haysan micnaha wxbarasho, laakiin se dareensan in baahi uu u qabo in uu cilmi xoolo laga dhigto iyo cilmi hu aqoomeed laga xidho qaawanaanta jahliga. Maalintii ugu horeeysay Raage waxa uu kusoo labistay  shaadh dheer gaadhaya ruugagga Raage,  oo midabka ciidda u eg, isaga oo uga danlahaa markii uu iibsanayay labo shay oo kala ah inuu ugu yaraan shan sanno aanu shaadhku kayaraan iyo dharka midabka uskaga qarsan kara, waana dhaqanka dadka miyiga iyo danyartu isticmaalan maadama aan maydhis badan iyo iib-badan aanay awoodin.

Carruurta iskuulka laga dhigataa waxa ay xidhan yihiin  dhar gaagaab iyo midabka caddaanka ah oo ku xardhan shaadkha ama surwaalka midkiis, shaadhku dirqi ayuu ugu xidhmaa surwaalkuna labada lugood ayuu ceejinaya  oo meelkasta waa goog’anyahay,  Raage isagu waa layaabanyahay ceebta iyo caqli la’aanta meesha ka jirta, dadku na waa yaabbanyihiin lebiska Raage ee badawtinimadu hadhaysay.

Raage ardayda la fasalka ahi waxa ay u bixiyeen toorka fasalka, ardayda kale na waxa ay u yaqaaneen cilmiyo hore oo ah dadkii hore, halka Raage uu badanka ardayda wiilasha ah  u yaqaannay  “Hodhodho” duamrka na “ka leexo”, waxa meesha ka baxay isu dhowaanshiyihii ardayda. Cadhoow dadaal ayaa galay, laakiin kani waxa uu ahaa mid kelinimo ku jirto oo Raage keligiis ayaa naftiisa xukumi jiray khaladkeeda una sacabba tumi jiray guulaha uu ka gaadho imtixaan iyo horumarkale, halka ardaydu ku caayi jireen waa reermiyi oo meel gaadhi maayo, shalay ayuu soo galay, laakiin Raage hadaf kale ayaa u caddaa oo ah  reer magaalnimadu iyo miyigu labaduba inaay u baahan yihiin waqti iyo dadaal lagana faraqabsado cilmiga iyo tebinta macalinimada si xidigaha loo hiigsado. Inta badan Raage waqtiyada uu la qabsaday xoogaa dhaqankii magaalada ee kakanaa waxa uu la shaawiri jiray dhalinta magaalo si uu fahmo waxaay dheeryihiin iyo dhaliisha dushiisa ka muuqata sidii ku baanan lahaa laakiin, waxba kama dhaxlin aan ahaayn sheeko ku digasho qof maqan iyo xeelado aan lahaayn horumar iyo hanuun midkood, waxaa na u go’aansaday inuu kelinamdiisu daawo badantahay, halkaas ayuu noloshii kelenimada dib ula saaxiibay.

Raage noloshaas adag ee leh kelenimada iyo dadaalka aan cidna kuu ogaayn ayuu dugsi sare iyo jaamacaddii ku dhammeeyay waxaa na uu kamid noqday dhallinta shaqo tagtay si’aay noloshooda iyo tan dhulkii uu kayimi u dabooli lahaa, waxqabsatay wax na si wanaagsan u baratay, laakiin qolyihihii magaalada uu ugu yimi weli waxay dhalliil u hayaan inuu dhowaan miyi kasoo galay waana weedha aay ku celceliyaan marka aay indhaha ka qaadaa Raage oo aan warkaas u arkin dhaliil iyo ceeb midna,

Markale waxa uu is-waydiiyaa talow hadaanad waxqabsan maxay magaalo qallalani kuu tari lahayd oo hadaanad waxbaran yaa maanta ku marti galin lahaa?, Raage iyo reer magaalkii uu ugu yimi magaalada waa isku sheeko iyo majlis  farqi wanaag iyo mid horumar uma dhexeeyo haddaan Raage wax dheeraayn ba, sidaas ayaa Raage kaga midnoqday tartamayaasha saxda ah ee u dhexeeya dadka miyiga kasoo gala iyo kuwa, laakin qaarkale ayaa oranjiray waa aakhiru saban marhadii Raage halkan marayo, Raage na waxa uu  ahaa hal-hays. Dadka oo dhan taariikh ahaan waxa ay ahaan jireen reer miyi waxa se lagu kala taga sida khayraadka horumarka iyo magaalooyinka loo kala hantiyay.

Sheekada ugu badan ee Raage maankiisa la kaashan jiray  waayihii dambe ee uu badhaadhaha nololeed galay waxay ahaayd “Waa Caado magaalo markaad ku cusubtahay in dhinackasta oo magaalada laga eego  if iyo gaadhi duulaya indhahaagu qabtaan oo aad raaxo iyo nayaayiro ku dareento  bilowga hore ee aanad han iyo himilo mid na ka lahayn degelkaas, waxa indhahaagu qabanayaan deryan iyo buuq dad ganacsada, dad  soo galay kana soo socdaalay  dhanka miyiga iyo bulsho ku barbaartay oo aad u qaadanayso in dhammaan wada reer magaalyihiin ama u dhasheen goobta magaalo, intii ku barbaartay waa u caado ina ay u qaybsamaan  koox ka tahriibay oo dhul-shsisheeye iska dhiibtay, qaar qurbaha tegay iyo in kale oo iska joogta bartii iyo baradii ay ku dhasheen kuna koreen oo naawila isbedellada korkooda ka dhacaya taasoo aay hormuud kayihiin dadkii soo galaytiga ahaa”.

Markale ayuu Raage xasuustaa miyiga kusoo miiraabi jiray  waxa na uu si hoose ku tiraabi jiray “Waa caado in miyigu leeyahay duruuf adag oo leh aqoon darro, baahi iyo tabaalo adduun, qofka ka yimaadaa kuma noqdo inta badan haddii aanay duruufi ku khasbin, dadka magaalada joogaa na waa la yaabaan ama dhibaan dadka kasoo hoyda dhaqanka miyiga ee isu soo dhiiba kan magaalada, labada dhaqan ba midkasta dhaliishiisa iyo tognaantiisa ayuu leeyahay” Waxaa se Raage dadka ugu jeclaa inuu arko qof miyi kasoo galay si uu u gacan qabto una tilmaamo dawga dhabta ah ee uu ka ga guulaysan karo saaxiibada magaalada ee aan soo dhoweeyn dadka cusub iyo martida midkood na, kala taliyo dhibaatooyinka soo foodsaara ee ay ugu wayntahay takoorka bulshada magaaladu kula kacaan socota iyo martida labada  kaasoo ka tuuri kara daw aanu ka soo waaqsan qofka tuulada ama magaalada kasoo gala hadaanu helin gaashaan iyo karti adag.

“ Maxaa Raage soo galay iyo kuray magaalo kala haysta”?.

Fiiro gaar ah

Taxanaha uddub xujo wa sheekooyin xidhiidh ah oo inta badan ka hadla sheekooyin dhab ah oo ku saabsan isfahan la’aanta bulshadeena iyo meelaha cadaawadu ka abuuranto taasoo dhextaala dadka iyo bulshadeena marka aay isugu yimaadaan dadnta guud.