Golaha Senate-ka Maraykanku waxay ku guuldarreysteen in ay baabiiyaan barnaamijka caafimaadka ee Obamcare

 

Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay in uu sameeyo sharci qeyb ahaan baabiinaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sanno ah.

Saddex sharci-dejiye oo jamhuuri ah oo kala ah John McCain oo laga soo doorto Arizona, Lisa Murkowski oo laga soo doorto Alaska iyo Susan Collins oo laga soo doorto Maine, ayaa ku biiray xubnaha dimoqraadiga, si ay sharciga ugu diidaan cod ah 49-51.

Madaxweyne Donald Trump ayaa barta twitter-ka waxyar kadib weerar ku qaaday xubnaha Jamhuuriga ee la saftay dimoqraadiga. waxaanu ku soo qoray bartiisa:

“Saddex Jamhuuri ah iyo 48 dimoqraadi ah ayaa dhulka dhigay dadka Maraykanka. Sida aan horey u sheegay iska daaya ha guul-darreystee Obamacare, kadibna aan la tacaalno.”

Sharcigan ayaa baabiin lahaa qeybo ka mid ah Obamacare sida qodobka dadka ku qasbaya in ay ceymis caafimaad iibsadaan ama ay ganaax wajahaan iyo qodobka shirkadaha shaqaaleeya in ka badan 50 qof qasab uga dhigaya in ay shaqaalahooda siiyaan ceymis caafimaad.

bandhige@gmail.com