Sheeko Gaaban: Sabaax Saciid (WQ: Ina Siciid)

Gabadh carbeed ayaa nolosheedii u aragtay mid aad u caajis ah oo qabow, xaajigeediina wuxu noqday mid haba yaraaate wax is bedel ah aan ku soo kordhin, nolosha qoyskana aan u horseedin xiiso iyo fir fircooni.

Goโ€™aan bay qaadatay oo waxay tidhi maan aniguba noqdo mid xiisa gelisa nolosha qoyska.

Waxay tagtay suuqa, waxaanay soo iibisay hadiyad yar oo ay si aad u qurux badan u soo xidhay wadnayaalna dusha kaga soo dhejisay.

Aroortii hore ayay saartay sariirta. Dhinaciisa ayay garab dhigtay waxayna ku ag xidhay kaadh yar oo ay ku qoran tahay weedhan Af-Carabiga ahย โ€œSabaax Saciidโ€ oo ay mecnaheedu tahay โ€œsubax wanaagsan.โ€ Kadibna way iska shaqo tagtay.

Xaajigeedii qalbiga wanaagsanaa ayaa markii uu toosay arkay alaabtii garab taallay. Kadibna xaaskiisii haydiyadda meesha u dhigtay ayuu telefoon u diray wuxuna ku yidhi sida โ€œsaaka waxaad ilawday hadiyaddii aad u xidhay saaxiibaddaa Sabaax Saciiid.โ€

Gabadhii Allaah ha unaxariisto..!

By: Ina Siciid

bandhige@gmail.com