Sheeko Gaaban (WQ: Liibaan Cawaale)

 

Asalamu calaykun.  Nin ayaa waxa uu xiriir la lahaa sadex hablood. Waxa uu damcay mid kamid ah in uu guursado.  Kadib waxa uu sameeyay tijaabo uu ku dooranayo mida uu rabo inuu guursado.  Mid walba oo afarta hablood kamid ah waxa uu siiyay $500 kadib na waxa uu qiimeeyay sida ay u isticmaalaan.
”Gabadhii koowaad waxa ay soo iibsatay Make-Up fara badan,  markii ay u timidna waxa ay u sheegtay in rabto in marwalba ay soo jiidato madaama si dhab ah ay u  jeceshahay”
”Midii labaad waxa ay lacagtii kusoo iibisay hadyad ay isaga ugu talogashay sida dhar qaali au, computer,  saacad iyo alaab kale oo muhiim ah,  kadib waxa ay u sheegtay in ay rabto in uu u qurux badnaado madaama si dhab ah ay u jeceshahay.”
”Tii sadexaad lacagtii maalgashi ayay ku samaystay,  waxa ay furatay meherad lacag fara baddan ayay kasoo saartay,  waxa ayna u soo celisay $500, sidoo kale waxa ay u sheegtay in ay rabto mustaqbalkooda inay qurxiso oo ay dhisto madaama ay jeceshahay”
Balse ugu danbayntii ninkii waxa uu doortey sadexdii hablood,  middii ugu quruxda badnayd!  Maxaa kaaga baxay saaxiib?
-Turjumid sheeko ingiriis ah-