Sheeko iga yaabisay: Colaadii oo aan laga heshiin Tabliiqa ha raacin (WQ: Khadar Ibraahim Aar)

 

Sheekadani waxa ay ka mid tahay sheekooyinka aniga sida gaarka ah ii soo jiitay,waxa sheekadan iyo qaabka ay u dhacdayba iiga sheekeeyey isla ninkaasi ay sida tooskaa ugu dhacday.

Xiliyadii dagaladii la magac maxay Maleeshiyada iyo Marya-aloolka ee Somaliland ka dhacay 1994-kii markii ay dagaladaasi dhamadeen,ayaa nin ka mida dhalintii dagaalkaasi sida gaarka ah ugu tilmaanayd uu ogaaday in uu dagaalkani uu yahay mid aan markaasi u dhicin si ula kac ah balse uu ahaa dagaal ay rag siyaasiyiin ahi ay ku dan gadhayeen.

Markii uu dagaalkaasi iska soo afjarmay lagana heshiiyey ayaa ninkii dhalinyarada ahaa waxa uu ku tashaday maadamaa uu ka mid ahaa dadkii sida firfircoon dagaalkaasi uga qayb qaatay in uu danbi dhaaf uu waydiisto Ilahay SWTC.

Waxa uu go’aansaday in uu tago Masajiida Hargaysa ku taala qaar ka mida ,walibana waxa uu si gaar ah u calamad saday Masaajiida ay gacanta ku hayaan Xarakada Tabliiqu,kuwaasi oo uu markii horaba uu afkaartooda Khuruujka uu si gaar ah ula dhacsanaa.

Markii uu Masaajidkii tegay tukadayna saladii markaasi taagnayd ayaa sida u caadada ah Tabliqiyiinta waxa ay usu diyariyeen in ay ka hadlaan barnaamij koodii ay caadada u lahayeen ee ku saabsanaa Bixitaanka Dacwada,waxa kacay sheekhii wax wacdin lahaa, kadibna waxa uu kusoo khatimay xujadii caanka ay ku ahaayeen Tabliiqu ee ahayd yaa baxay Ilahay dartii Sadax casho/ tobancasho ilaa laga gaadhaayo Afar Bilood.

Ninkii dhalinyarada ahaa madamaa uu xiligaas uun uu kasoo baxay Dagaalkii naftiisa iyo qalbigiisaba xiqdi iyo xumaan ku abuuray balse balse in uu ku dhinto Ilahay ka badbaadiyey ,waxa uu go’aan saday in uu doorto bixitaanka Afarta bilood.

Culimadii Masjidku Mashaa Allaah aad ayay ugu farxeen.Wakhtiyar kadibna waxa si gaar ah iyaga iyo ragii kale ee hawshan ogolaaday loo sharxay Tartiibta looga baahan yahay in ay ku dhaqmaan iyo diyaargarawga safarka ay gali doonaan dhawaan.

Tabliiqa aktooda mar hadii aad ka mid noqoto dadka ogolaada safarka Afarta Bolooda waxaa kugu waajibaaya in wadanka aad markaasi joogto lagaa kaxeeyo,taas awadeed ayaa ninkii waxaa usoo baxday in uu Xarakada Tabliiqa u raaco magalada DJabuuti ee Dalka Jabuuti,ayaamo ka bacdina waa ay baxeen.

Hadaba maalin maalmaha ka mida ayaa ninkii dhalinyarada ahaa oo ay weheliyaan dhalintii kale ee iyagu markaasu ku hawl jiray hawl-maalmeedkii wacdiga iyo waanada ay dadka u sheegayaan ,kuwaasi oo markaasi maraayey suuqa la magac baxay Suuq-dukhsiile,ayaa waxa si lama filaana meel aan kaba fogayn ka bidhaan saday nin markaasi ay isku ehel dhaw yihiin si fiicana ninkan u yaqaana uguna suntan yahay geesigii Tolkii xoraynaayey.

Ninkii markii uu yaqiin saday in ninkan Tabliiqa horkacayaaba uu yahay ninkii uu ku agaa halgankii reerka ninkii hogaaminayeyba ,waxa uu go’aan saday in uu u tago isla markaana uu kala hadlo in aanay wakhtigan xaadirka ah suura-gal ahayn in Khuruuj iyo Ilaah ka cabsi loo dhaqooqo, iyada oo ay Qabiilkisii is hayaan Qabiiladii kale ee ay siyasada iskaga soo horjeedeen.

Salaan ka bacdi ayaa waxa ku yidhi hadalka ah””Waar miyaadan ahayn HEBEL” ninkii markaasi Tabliiqa la socday isaga oo yaaban gartayna ninkan la hadlayaa ka uu yahay ayaa waxa uu ku jawaabay “”mayee waan ahay “” ninkii isaga ahaa inta uu hadalkii sii watay ayaa waxa uu ku celiyey hadal cadho badani ka muuqato oo ah “”GOORMAAD TABLIIQA RAACAYSAA IYADA OO AAN LA HESHIIN,WAXAAN KUGULA TALIN LAHAA COLAADI OO AAN LAGA HESHIIN TABLIIQA HA RAACIN”!!

Ujeedada ugu wayn ee sheekada macnaha u samaynaysaa waa intaasi u danbaysa,waxaanay ku tusinaysaa in aynaan wali ka korin maahmaahdii Somaliyeed ee ahayd” Fiqi tolkii kama jano tago”.

WQ : Khadar Ibrahim Aar.