MADASHA DAREEN QARAN
War-bixin: Dood-Cilmiyeed Ku Saabsan Awood-qaybsiga Golayaasha Qaran Ee Somaliland
Date: 17/08/2018
Hordhac:
Madasha Dareen Qaran Waa Madal lagu Gorfeeyo Caqabadaha iyo gol- Daloolooyinka ka Jira Somaliland, kuwaasi Oo Hor Taagan Horumarka Dalkeenu Rabo In uu Gaadho. Arimaha Madasha lagu gorfeeyo waxa ka mid ah siyaasada, dhaqaalaha, iyo arimaha bulshada guud ahaan.
Hiigsiga:
Si loo hello Tallooyin taabo-gal ah, loogana Gudbo caqabadaha inagu hor-gudban waxaa lagama mar-maana in lahelo madal lagu soo bandhigo cilmiga, Dhaqanka, Siyaasadda iyo Daraasaadka, IWM. Kaasi oo noqda Xudunta Ugu Saameynta Badan layskuna Waydaarsan karo Afkaar wax dhista oo ku Salaysan daraasaad oo Ka hano-qaada Dalkeena.
Himilo iyo Yoolka:
U Jihaynta Xooga Iyo Cududa Dhalinyarada Dhinaca Horumarka iyaddoo loo marayo kobcinta awoodaha iyo hibbooyinka Eebe ku manaystay islamarkaana awoodooda wax-qabad bulshadda looga faa-iideeyo , taasi oo loomarayo Dood-cilmiyeeddyo, Talo-bixino laysku waydaarsaddo maddashani Hadba Mawduuca aanu u aragno in Uu Muhiimad U leeyahay Bulshada iyadoo la tix-galinayo Diinteena, Dhaqankeena iyo Akhlaaqda Suubban ee aynu Hidaha uleenahay.
Horgallaha Koowaad
Barnaamijkii koowaad ee ay madasha Dareen-Qaran qabatey oo ku Taariikhaysnaa 17-08-2018, laguna qabatay hotelka Rays ee Magaalada Boorama, kaasi oo Loogu Magac daray “Dooda Awood-qaybsiga golaha baarlamaanka ee Somaliland”. Doodan oo si cilmiyaysan looga hadlay ayaa waxa lagu lafo guray arimo badan oo ku saabsan arimaha doorashooyinka dalka ka dhacay, Awood-qaybsiga hada jira sida uu ku yimiday iyo weliba xalka lagaga bixi karo loona helli karo cadaalad wadda deeqada dhamaan Beelaha wada degan dalka.
Haddaba Qaab-dhismeedkan hoos ku xusan waxa uu sharaxaad waafiya ka bixinayaa marxaladihii kala duwanaa ee dalku soo maray:
Golihii Sharci Dejinta ee U Horeeyay xilligii Max-miyadda Ingiriiska
Sannadkii 1957, ayaa la sameeyay Gole Sharci dejin (Legislative Council) oo ka kooban Lix xubnnood oo Somaliland ah iyo 8 xubnood oo Ingiriis ah. Lixda xubnood ee Somaliland ahaa waxa magacaabay Badhasaabkii (Governor) ka talinayay Somaliland. Wuxuuna degmo kasta ka soo xulay hal qof.Taasi waxay abuurtay in beelo dhowr ahi ku doodeen in aanay Golaha beeshoodu ku jirin. Xisbiga SNL oo mucaarid ahaana wuxuu ku dooday in Goluhu yahay mid u adeegaya danaha gumaysiga, maadaama aaanu dadweynuhu soo dooran xubnaha Golahaaasi.
Arrintaasi waxay ku abuurtay Ingiriiskii ka talinayey Somaliland inay wax ka beddelaan qaabka Golaha loo sameeyay. Waxaana la qoondeeyay in la kordhiyo tirada Golaha oo laga dhigo 14 xubnood oo Somaliland ah iyo 17 Ingiriis ah. Xubnaha somalilandna ay 12 xubnood noqdaan gaar la soo doorto, labada hadhayna uu badhasaabku magacaabo isagoo ku buuxinaya beelaha doorashada xubno uga soo bixi waayaan, si loo dheelitiro beelaha Somaliland ka koobantahay. Waxaana doorashada loo qoondeeyay bishii Maarso ee sannadkii 1959-kii.
Degmooyinkii Lixdankii
Haddaba 1960 ka hor dhinaca galbeedka waxa jiray Saddex degmo oo kala ahaa degmada Borama, DegmadaAwbarre iyo Degmada Saylac, wax yar ka hor xoriyadii 1954 waxa uu Ingiriisku bixiyey oo uu Ethopia siiyey dhulkii la odhan jiray “Reserve Area” oo ahaa degmada Awbare maamuli jirtay. Ka dibna Saylac ayuu ka qaaday Degmadii Buuxday oo ku dhigay degmo hoosaad hoos timaada degmada Borama. 1960 Markii xoriyada La qaatay kaliya Degmada Borama ayaa kasoo hadhay Saddexdii degmo ee galbeedka Somaliland.
Marka xiligaa waxa jiray Somaliland 6 Degmo. Saddex Degmo oo ay leeyihiin Beesha-Dhexe sidda: Hargaysa, Burco iyo Berbera, iyo laba Degmo oo barri ah Laascaanood iyo ceerigaabo, iyo degmada Boorama.
Sidaasi kor ku xusan ayaa loogu kala calaf qaadaylixdii degmo ee uu Ingiriisku Uu ku Sallaeeyey 33 kii kursi ee baarlamaanka doorashadii 1960-kii ee Somaliland.halkaasina sidda muuqata waxaa Sad-bursi ku heshay beesha Beesha-Dhexe (Isaaq) oo Tariikhdii Gumaysigga Saancadaalaha ahaa aan Halgalan wax ku oolla lagallin marka loo eego walaalahooda kale ee Beelaha Darifyadda waana taasi ta loobadinayo halka sartu ka qudhuntey.
Shirkii Lagu Unkay Somaliland Ee Boorama 1993
Sanadii 1993 kii ayaa ku suntan bog Taariikeed dahabiya, waxaa qabsoomay Shirkii Boorama gaar ahaan ka dhacay Dugsiga Taariikhiga ah ee Sheekh Cali Jowhar. Kadib Markii bur-bur, rafaad, Sillic iyo Saxariir iyo Dhalan-dhoolka qoxootimo meel walba loo aaday ayaa waxaa dhashay dareena in xaaladaasi wadatashi laga yeesho ayna suurto-gal ahayn in ay Beeli, Beel kale muquuniso ayaa waxa loosoo jar-maadaay dhanka magaaladda Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal oo iyadu qudheedhu Tirsanaysa dhib ay wada jir ugaadhsiiyeen Xukuumadii Kaligii Talliyihii Itoobiya ee Mingustu Xaylu Maryam iyo Jabhadii SNM oo is garabsanayey, laakiin caf iyo musaamax ayaa odayadda iyo Nabadoonadu qaateen si looga gudbo marxallada adag ee Dalku ku jiro.
Waana taasi tan Shirkii Borama ee Sannadkii 1993 kii beelaha Somaliland oo idili ku heshiiyeen, aasaaskana u qotomiyey Jiritaanka Somaliland. Dhanka kale waxaa laysla qaatay in Golayaasha xukuumadda curdinka ah lagu soo xulo hab- beeleed. Waxaa shirkaasi lagu sameeyay laguna ansixiyay Axdi Qarameedkii dalka lagu soo xukumayey mudadii u dhaxaysay sanadihii 1993-1997. Wuxuu Axdi Qarameedkaasi qeexay laba Gole, oo sharci dejin ah, oo kala ah Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada, oo mid walba tiradiisu tahay 75 mudane. Shir gudoonkii shirkaasi ayaa loo xilsaaray inuu maamulo xubnaha beeluhu u soo gudbiyaan. Beelaha shirayaana waxay ku heshiiyeen saamiga beel walba ku yeelanayso 75 kursi ee Goluhu ka koobnaan doono:
Qoondada Ergooyinka beelaha wada dega Somaliland
Garxajis: 18, Awal: 18, Gadabuursi: 21, Dhulbahante: 22, Ciise: 11, Warsangali: 10, Habar jeclo: 19, Toljecle: 6, Ayuub: 6, Cimraan: 6, Arab: 13.
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 75 xubnood ee Golaha Wakiilad shirkii Boorama ee sannadkii 1993:
Habar jeclo 11 Gadabuursi 11 Dhulbahante 10 Habar Awal 8 Arab 7 Ciise 5 |
Ciidagale 5 Warsangeli 5 Habar yoonis 4 Cimraan 3 Ayuub 3 Tol-jecle 3
Dadka laga tiro badanyahay 0 Wadarta 75 |
(Source: Consolidation and Decentralization of Government institutons, APD, Hargeisa, Somaliland, July 2002).
Shirkii 1997-kii Ee Hargeysa
Shir beeleedkii sannadkii 1997 ka dhacay Hargeysa wuxuu soo af-jaray dagaaladii sokeeye ee dalka ka socday mudadii u dhaxaysay sanadihii 1994-1996.Inkastoo shirkani uu daarnaa dhiig-joojin iyo in lasoo af-jaro gulufka collaadeed ee Beelaha walaala ah ee kuwada abtirsadda Beesha Dhexe haddana waxaa la odhankaraa wuxuu ahaa shir-Beeleed leexiyeey Hab-maamuskii iyo Majarihii shirkii ka horeeyey ee Beelaha Somaliland u dhanaayeen ee Borama.Wuxuuna shirkani sidii kii Boorama oo kale ku salaysnaa hab-beeleed xubnaha shirka ka qayb gelaya lagu soo xulay.
Waxaana shirkani ka soo qayb galay 350 xubnood oo ay ka mid yihiin 150 kii xubnood ee shirkii Boorama ka qayb galay. Waxaana xusid mudan in odayo-dhaqameedyo iyo Nabadoonado kasoo jeeda Gobolka Awdal ay haddana door laxaadle kaqaateen si loo nabadeeeyo walaalaha dirirsan iyadoo xukuumaddunu ay aad u badhi-taaraysay.
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 82 xubnood ee Golaha Wakiilada shirkii Hargeysa ee sannadkii 1997.
Habar jeclo 11 Gadabuursi 11 Dhulbahante 10 (waxa ku jira tiridam mid Fiqishini ah) Habar Awal 8 Habar yoonis 7 Arab 7 Ciise 5 Ciidagale 5 Warsangeli 3 Cimraan 3 |
Ayuub 3 Tol-jecle 3 Dadka laga tiro badanyahay 04 |
Wadarta 82 |
Hadda sidda ka muuqata Jaantus sare Khaladaadka dhacay waxaa kamida:
- In mar Beelo wax lagu qaybsaday shirkii Borama, Haddana qaab ku Salaysan Gobollo loo bedellay intaasi oo marxalladoodna Beesha Dhexe Hadba Sidda ay ugu Caano badinayso uxeeladaysan jireen.
- In shirkii Hargeysa 1997 kii Beel Kamidda Beeshee Dhexe haddana loo Sadburiyeey iyadoo lagu tilmaamay in lagu maslaxayo Cabashada katimid. Halkaasi waxaa laga Dheegan karaa Beesha Dhexe way is dhagaysataa laakiin Beelaha darifyadda in hab-maamuus ku dhisan, wada lahaashiyo Cadaalladana laga garnaqo ay tahay mid aan loo diyaar ahayn.
- Beesha-Dhexe waxay isku Ablo-ableeyeen ilaa Sideed Jilib (lafood, ama Hurrin) oo abtirsiimadda beesha la xidhiidha Si ay Qayb-libaax uga qaadato Awood-qaybsiga Golayaasha Dowladda ee muhimka ah, lehna Saameynta Masiiriga ah ee Dalka.
- Beelihii Darifyadda oo ah Beelo waaweyn oo dalkana xoriyadiisa ama gumaysi la dirirka udub-dhaxaadka u ahaa. Loogu Qaybiyo inayba lamid yihiin siddii Jilib am Laf hoosaad Beesha-dhexe ah, Tusaal ahaan:
Haddaba su’aalo door ah ayaa muddan in lays weydiiyo sidan ayeyna udhacayaan: 1. Maxaa lagu heshiiyey? 2. Sidee xalku udhacay? 3. Beeshe Dhexe Xaq ma uleedahay in kaligeeg ay gaadho gu’aamo masiiriya? Yaa Muddan Xil iyo Darajo? Waa Su’aalo aan u Dhaafayno Guud ahaan Bulshaweynta Somaliland ee Jecel horumarka iyo wax-wada qaybsiga Beelaha walaalaha ah ee Somaliand wada Degan.
Qaabka doorashada
Qaabka doorasho ee la isticmaali doono doorashada Golaha Wakiilada ayaa isna ahaa arrin aan weli hore meel laysla dhigin. Waxayna gudidu isku hawlisay sidii ay u ogaan lahayd qaabka doorasho ee ugu habboon maanta. Taasoo u baahatay in qaababka doorasho ee adduunka lagu isticmaalo, iyo noocyada uu mid walba ka koobanyahayba laga baaraan dego. Qaabka Aqlabiyadda (Majoritarian) iyo qaabka saami wax ku qaybsiga, (Proportional Representation), iyo noocyadooda kala duwan, ayey gudidu is garab dhigtay faaiidooyinka iyo dhibaatooyinka uu mid walba maanta u yeelan karo doorashada soo socota. Halkaasi oo ay qaadatay kii ay u aragtay inuu yahay ka ugu waxyeello yaraan kara.
Doorashadii Koowaad Ee Barlamaanka Somaliland
2005kii doorashadii barlamaanka Somaliland waxaa dib loogu noqday qaabkii 1960 oo ahayd qaabkii ay beel gaar ah ugu caano badinaysay oo uu Gumaystihii dalka gumaystay ee Ingiriisku wax ka unkay ulajeedkuna ahaa in Beelaha walaaha ah fooda-layskudaro. Inkastoo ay Reer Awdal ka soo horjeesteen hadana madaxweyne Rayaale oo ka soo jeeday gobolka Awdal arinkan wuu meel mariyay gar iyo gardarraba. Waxaana xilliyadaasi lagu qanciyey Beelaha Darifyadda in kal-xilliyeedkan uun lagu gallayo doorashadda oo haddeed Tallo iyo arin ku dhisan Cadaallad wada deeqda Beelaha laga arinsado, balse qodobka Muhiimka ah ee la xusi karo: waa Meel-marintii Hindse sharci-yeedkii max-kamadda Sare Gu’aamisay, kaasoo ah in aanan dib danbe loogu gallin doorasho qaabkan dhan ka rarran ee Ingiriisaysan.
Ugu dambaystiina sharcigay soo-saartayMaxkamaddu yahay mid damaanad qaadaya Mustaqbalka isla markaana doorasho dambana lagu gelin Karin sidda ku xusan Xeerkaasi ,waana taasi tan Beelaha Darifyaddu lagula garnaqsaday, dhanka Reer Awdalna 13 kursi loo qoondeeyey.
2018 Dhowr iyo Toban-sanno kadib siyaasiiyiinta Beeshe-Dhexe Muxaafad iyo Mucaaridba waxa ka go’an in isla sidii hore ee 1960 lagu galo doorashada iyadoo aan ahayn sharci oo Waliba maxkamadu xukuntay inaan mar dambe xeerkaas 1960kii doorasho dambe lagu geli karin. Kaasi oo ahaa xeer ka dhan ah Beelaha darifyadda ahaana shax gumaystihii Ingiriisku inoo dajiyey, ula-jeedkuna ahaa in beelaha walaala ah ee Somaliland wada degeni muran iyo xasilloon la’aan galaan, Sad-bursi iyo Cadaallad darana waligood jiraan.
Taasi oo ay kala dhalankarto Jawi ku dhisan Shaki iyo Guux ka dhex-Aloosama Beelaha Darifyadda oo Dhinaca iyo Beesha Dhexe oo dhan ah, Taasi haddaana lagaadhin wakhti xaadirkan oo Tallo iyo goorfayn ay Weheliso aragti ku Sallaysan wax wadda lahaansiyo Caddaallad ku dhisan la samayn oo aynu sidan uun ku jirno waxay inoo Sawiri doonta Humaag-beeneed aan ka turjumayn xaqiidda dhabta ah ee Dalka.
Tiradii Beelaha loogu qaybiyay 82 xubnood ee Golaha Wakiilada shirkii Hargeysa ee sannadkii 1997.
Habar jeclo 11 Gadabuursi 11 Dhulbahante 10 (waxa ku jira tiridam mid Fiqishini ah) Habar Awal 8 Habar yoonis 7 Arab 7 Ciise 5 Ciidagale 5 Warsangeli 3 Cimraan 3 |
Ayuub 3 Tol-jecle 3 Dadka laga tiro badanyahay 04 |
Wadarta 82 |
Tirade Codadka Doorashooyinkii
Doorashooyinkii la qabtay 2005, 2010 &2012
Cod-bixiyaasha Gobollada Dalka |
|||||||||||
Awdal | Maroodijeex | Saaxil | Togdheer | Sanaag | Sool | Wadar | |||||
2005 Doorashooyinkii golaha Wakiilada | |||||||||||
133,777 | 255,979 | 52,695 | 89,823 | 20,756 | 121,877 | 674,907 | |||||
2010 Doorashadii Madaxweynaha | |||||||||||
81,399 236,651 29,211 58,515 20,878 111,653 538,247 | |||||||||||
2012 Doorashooyinkii Goloyaasha Deegaanada | |||||||||||
115,320 318,746 58,086 115,800 49,681 162,527 820,160 | |||||||||||
Markaanu fahanay qaabkii iyo Marxalladihii dalku soomay tan iyo lixdankii waxaa lasoo gaadhay xilligii Cadaalladu noqon lahayd midda lagu gar-naqsado oo kaliya, murti hora tidhaahda rag gogoshii waa nabad iyo cadaallad. Bal aynu hadda aad aan isku dul taagno xallalkan hoose oo Aqoonyahandda Madasha Dareen Qaran kusoo bandhigayaan waana siddan hoos ku xusan:
Xalalka awood-qaybsiga kuraasta golaha wakiilada Somaliland
- Saami qaybsi
- Awood qaybsi
Dastuurka Somaliland ee Dalka lagu dhaqo waa inuu ka jawaabaa baahideena, maaha inuu ka jawaabo baahi dad kale. Waayo Inaggu waxaan udhisanahay qaab beelo ah.
- Saami qaybsiga: Tirada beel walbaaba ay ku yeelaynayso golaha
- Ra’yi ururintii ama daraasaadkii ay Sameeyeen baarlamanku waxaa kasoo baxay kala duwanaasho sida hoos ku xusan:
- Awdal: Qabiil
- Maroodi jeex iyo togdheer: Tiro
- Sool iyo sanaag: Dhul
- Saaxil: Dakhli
Qaaciidooyinka Saami Qaybsiga Somaliland
- 4.5-Beesha dhexe 28, Beelaha darifyada, 30- Gadabuursi 9, Ciise 8, Harti- Dhulbahante 8, Warsangali 5.
Beesha dhexe: 28/58 = 0.48×82 = 39.58, 40 kursi
- Shantii Gobol ee Somaaliya-Waqooyi Galbeed,Togdheer,Awdal, Sool iyo Sanaag
Halkan gobol walbaaba waxa uu helayaa 20%, tusaale ahaan Awdal waxay helaysaa 16.4 = 17 kursi.
- Tirokoobkii UNFPA- 2013-2014
Awdal: 673,263/3,508,180 = 0.1919×82 =15.73 = 16 kursi
Maroodi Jeex: 1,242,003/3,508,180 = 0354×82 = 29 kursi
Togdheer: 721,363/3,508,180 = 0.20×82 = 16.86 = 16 kursi
Sool: 327,428/3,508,180 = 0.09×82 = 8 kursi
Sanaag: 544,123/3,508,180 = 0.16×82 = 12 kursi
FG: Goboladani waxay matalayaan beelo, beelna Kama badnaan karto mana leekaan karto 2/3 oo ah 54.
- Beelo:Isaaq,Gadabuursi, Harti, Gabooye, iyo Ciise- iyada oo la Isu tanaasulayo la iskuna garaabayo
- Gumaystihii 33×2.5 =82, waa sida hada wax loo qaybsado
Awood Qaybsiga: Beeluhu waa inay qayb ka noqdaan go`aan qaadashada golaha, marka waa in wax laga badalo sida uu goluhu u shaqaynayo.
- Golaha guurtida oo ah 82, waan inay beeluhu si siman uga wada jiraan, tusaale ahaan, waxaan nahay 5 beelood, beelwalbaaba waxay heli 16.4, ama 16, labadana soo hadhana cidii loo garto ayaa la siin
- In la abuuro gudidda- masaaliixda iyo xuquuqahabeelaha wada daga Somaliland oo si siman loogu wada jiro
Shaqada gudidda: Awooda gudidani waxa weeyi inay u bandhigaan sharciyada, siiyaan talooyinka iyo afkaartaba golaha.
- Go`aamada muhiimka u ah qarankan iyo kuwa u muhiimka u ah ama khuseeya danaha beelaha Somaliland wada dega, waxa loo baahanyahay in lagu meel mariyo, sadex meeloodaw laba meelood beel walboo ku jirta baarlamaanka.
- Waa in dastuurka lagu qoraa waxyaalaha taabanaya danaha ama xaquuqaha beelaha nooca ay noqonayaan. Tusaale ahaan, kala xadaynta gobolada iyo degmooyinka, abuurida ama baabi`inta degmo/gobol cusub.
Hadii awood qaybsiga laga saaro meesha, waxay keenaysaa in beelaha qaar la yaraysto, kana dhex muuqan waayaan hayadaha qaranka, dadkuna markaa waxay dareemayaan in aanay ka mid ahayn qarankaas.
Golaha baarlamaaka waxa macnaha samaynayaa maaha beel heblaayo tiro ahaan way ugu jirtaa golaha, laakin waa inay saamayn ku yeelan karaaan go`aamada golaha.
Waxaynu wada ogsoonahay dhibaatadii soomaaliya looga yimiday waxay ahayd: talo maroorsi beelo gaara, intii dagaalantayna waxay ka dagaalantay in talada dalkii soomaaliya ay qayb ka noqon kari waayeen, halkana intii uun baa taala.
Marka yeynaan ka leexan dib ula soo noqoshada xoriyada iyo halgankii dheera ee loo soo maray in talada dalka soomaaliya saamayn lagu yeesho.
Wadanka aan isku duruuf dhownahay: Kosovo
- Xaga madax banaanida: USA iyo Qaar ka mida EUda way aqoonsadeen, laakin Serbiya, Russia iyo qaar ka mida EUdu wali umay aqoonsan dal madax banaan, marka UNta seat kuma leh ilaa hada.
- Xaga saamaynta Serbia: Kosovo waxay ka go`day Serbia 2008kii wali waxa saamayn ku leh serbiya oo qayb ka mid ah dadkeedu deganyihiin Kosovo (Sida beesha harti oo kale ay saamaynta ugu leedahay Puntland of somaaliya).
- Xaga dagaalada dhexmaray Albanianka iyo serbska: Beelaha waqooyiga degana waxa dhex maray degaalo mudo socday.
- Xaga is aamin la`aanta beelaha wada degan Somaliland: Sida caadiga ah qabiilna ama beelna kana shaqayso masaaliixda beelaha kale, tani waxa inoo dheer in beesha awooda gacanta ku qabataa ay wada qaadato manfaca iyo xilalka muhiimka ah oo dhan sidaasoo kale ayey reer kosovana isku aaminiwaayeen markaasaa loo baahday awood qaybsiga baarlamaanka si ayna qoloba qolada kale u yaraysan.
Marka loo eego wadanka koosafo (Kosovo) dadkiisu 2005 waxa ay kala ahaayeen:
- 92% Albaniyiin
- 4% Seerbiyaan
- 2% Bosniyaan iyo Gorans
- 1% Turki
- 1% Roomaaniyiin
Tirada Dadka: 1.816 million (2016 Bangigga Aduunka)
Markaa hadaynaan awooda dalka si cadaalad ah loo wada qaybsan la heli maayo:
- Ictiraaf
- Dal la wada leeyahay oo dadkiisu dhinac u wada socdaan
- Dal dimuquraadiya oo degan
- Dal muwaadiniintiisu siman yihiin
- Dal sharcigu sareeyo
Madasha Dareen Qaran Markay Aqoonyahanka Gobolka la tashatay waxa la isla qaatay in xalka kaliya ee lagaga gudbi karo arimahan aynu kor ku soo xusnay cadaaladna lagu wada heli karo oo kaliya sidan hoos ku tibaaxan marka ay noqoto saami qaybsiga kuraasta golaha wakiilada:
- In lagu saleeyo tirada gobolada Somaliland shanti Gobol ee woqooyiga ee dawladii ugu dambaysay ee somaliyeed oo kala ah Awdal, waqooyi galbeed, Togdheer, Sanaag iyo Sool oo si isleeg loogu qaybiyo tirada gobolada. Iyadoo tirada barlamaankana la kordhiyo oo laga dhigo 100 xubnood si gobol waliba uhello 25 xubnood oo isleeg maa daama oonan tirokoob sugan la hayn.
- Hadii lagu noqdo 1960, waa in Disrtict Saylac uu helo 10 xubnood sida Berbera
Waayo Berbera iyo Saylac waxay ahaayeen labada district ee jiray markii ingiriisku uu yimid dhulkeenna 1884, ma jirin wakhtigaas degmooyin kale sida Borama iyo Hargaysa, burco, Ceerigaabo iyo Laascanod. Dhamaan degmooyinkas waxa samaysmeen qarnigii 20 aad horaantiisii, khaas ahaan intii udhaxaysay 1910-1920 kii.Haddaba in Berbera ay hesho 5 kursi Saylacna Borama lagu daro waa Cadaallad daro qalbiga fayoow iyo Meerisyadda Taariikhduba inkirayaan maahana wax la yeeli Karo.
- In loo qaybsado tirada barlamaanka 50% beesha dhexe iyo 50% beelaha Darifyada
(USP) Walaaha Beesha Gabooye iyo Beealaha la Hal-maala waa in aan sido kale Xaqooga la duudsiyin oo tiro go’an loo qoondeeyo, Wadatashi Qarana layeesho waa haddii loo tudhayo mustaqbalka siyaasadeed ee Dalka.
Maxay Tahay Saameynta Toggan iyo Midda Tabban ee Awood-qaybsiga aynu Maganta uganahay?
- Saameynta Toggan:
- Dareen wada lahaashiyo oo ay kuwadda Naalloodan dhamaan Beelaha Somaliland.
- In lahelo Sinaan iyo Cadaallad ku Salaysan Fursadaha Maal-gashi, shaqo, IWM
- Somaliland ka hufan kana Saraysa qaraabo-kiil, Eex, Musuq-maasuq iyo Nusqaan.
- Somaliland loowada Simanyahay Sharciga taa soo astaan unoqon doonta in Muwaadin kastaa uhilloobo islamarkaana Aaamino Hay’addaha Sharciga ee Dalkeena.
- In Wiilka looyacaddo jooga iyo kani Laascaanood jooga labaduda dareemaan Muwaadinimadooda laxe-jecllona uqabbaan Dalkooda.
1.2 Saameynta Tabban:
- In Bulshaddu gaar ahaan Beelaha dariffyaddu dareemaan in Somaliland tahay meel aan lawada lahayn islamarkaana ay dheefteedu u gartahay Beesha-dhexe, sida haddaba ay ku gar-naqsanayaan noona cadaatahay mudadii aan darasaadka dalka ka wadnay.
- In waydiimo badan oo ka immanaya dhanka beelaha darifyadda wa-rcelintoodu aan laga fiirsani jiraan taasi innagu keeni karta in humaag iyo caad inaaga saarmo mustaqbalka dalka.
- In ay dhalan karaan tafraaruq (Allaha maqadaree) dhanka Siyaasadda, fikirka iyo guud ahaan wacyigga bulshadda oo hoos udhaca oo aragtidda guud ee Qarran loo dhanyahay Beelaha Qaar u arkaan beer-laxoowsi iyo dhalanteed taasi oo inna dhaxalsiinkarta mustaqabal aan la saadaallin-karin.
- Kala-duwanaashiyo iyo kala xigsaysi dhankaa Huwiyadda iyo abtirsiimadda Somaliland oo lagu kala duwanaado Tusaale ahaan: Dhalinta Mustaqbalka ee Dalkani ku kala qaybsamaan fahanka Muwaadinimo iyo Qeexidda Somalilaanimadda.
Tallo-soo jeedin:
Aqoon-yahandda Madasha Dareen-Qaran waxay Tallo-usoojeedinayan Dowlladda, labada gole e qarankan, wax-garadka, Aqoonyahannadda, Gudiga Doorashooyinka iyo Guud ahaan cid-walba oo jecel horumarka dalka iyo Habsami usocodka hanaanka dimuquraadiyadeed ee Qarankeena in aad loo axadho daraasddan lana eego Cadaallad daradda Beelaha darifyaddu ay tir-sanayaan, iyadoo lajoogo wakhtigii ku haboonaa ee waydiimo baddan laga wercillin lahaa inta aan loo dhaqaaqin Doorashada innagu soo fool leh ee Wakiilladda iyo Guurtidaba.
Waxaa diyaarisey:
MADASHA DAREEN-QARAN
Tix-raac:
- Somalilandlaw.com
- Natioanlarchieve.co.uk
- World Bank
- www.researchgate.net
- Somalia.unfpa.org