Waxa maanta Hargeysa lagu soo dhaweeyey Qalbi-Dhagax

Cabdikariim Sheekh Muuse “Qalbi-Dhagax” oo ka tirsan saraakiisha sare ee ONLF dhawaana laga soo daayey xabsi ku yaalla Addis Ababa ayaa maanta soo gaadhay Hargeysa. Waxa socdaalkiisa ku wehelinayey safiir-xigeenka Kiiniya u fadhiya Somaliland.

Qalbi-Dhagax waxa qoorta u sudhnaa calanka ONLF, dadkii soo dhaweeyeyna waxay siteen calanka ONLF.

Qalbi-Dhagax waxa Maddaarka Caalamiga ah ee Cigaal ku qaabilay badhasaabka gobolka Maroodijeex Jaamac Axmed Cabdi, xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiillada, Salaadiin caan ah iyo dadweyne kale.

Qalbi-Dhagax ayaa hore u sheega in uu iman doono Somaliland mar uu la kulmay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe.

Qalbi-Dhagax oo warbaahinta kula hadlay albaabka hore ee maddaarka wuxu sheegay in uu ku faraxsan yahay in uu Hargeysa iyo Somaliland soo gaadhay.

 

bandhige@gmail.com