Insha’Allaah beri khayr baad arki (WQ: Amiin Cabdirashiid Cabdi)

Maalin waliba oon soo koco waxa aan ku soo kacaa rajo la,aan dalka taala. Sidoo kale waxa ku soo kacaa horumar la,aan dalka ka taagan. Waxa ku soo kacaa musuqmaasuq, caddaalad darro, eex, xumaan kala qoqoba iyo waliba waxa lamida. Marka aan tago gooba lagu shaaho ee lagu sheekeeyo waxa dhagaystaa dadka aan kolba lafadhiyo waxa arkaa in aan waxa dareen ahba arimahani aan ka galin waa iska caadi iyagu halkooda.

Mid waliba uu cabanayaa way cabaynaa . Waxa iga yaabiya mar marka qaarkood Aqoonyaha ,culmadii,odayaashii,dhalinyaradii,iyo waxa-garadkii in ay dareensanyihii in ay waxa khaldanyihiin, way arkayaan, way ogyihiina, way garanayaa, ka waxa khaldaya, ka waxa saxaya; hadan waxa iswaydiyaa maxay waxa uga qablaayin?maxaa siya?waxaasiya waa maxay? Ma iyagaan rabin in ay waxa hagaagan? Mise aniga moodaya in ay waxa arkayaan ‘ mooyi! iska daa bal.

Kaad la fadhiisata waxa uu dhaliilayaa siyaasad,siyaasiga,hogaanka dalka. Haye dabdeed baad odhan ka waran hadaad siyaasda gasho?may maya iga daabuu ku odhan. Maxaa dhacay huuno.

Sawdiga sax iyo khalda og ,sawdiga garanaya halkay waxa ka qaldanyihiin adigaa ku roon ee bahasha iska gala niyoow.

Aarkadaa buu ku odhan ma suuqaada iga xumanaysaa . Maxaa dhacaya huuno ,dee hadaan galo waxa la imoodi nin reer! Waar ma danta dalka,iyo ta dadka ayaad ka doorbidaysaa hebel iyo heblaaya sidaa yidhi,ma mustaqbalka dhalinayrad soo socta ayaanad dareensanan mise aniga ayuuba iskaa hadlaya ee kugu ma socto? Markaas baan isku jawaaba oo is yidhaaha iska daa way hagaagaysaa ee ,dhawaan baad arki dad bad-qaba oo hagaagsan oo damiirle.

Habeenkii marka aan ho’yanayo ayaa isku qanciyaa “Insha Allha bari kheyr baad arki” waxa arki dadkii oo bad-qaba ,dadkii oo hagaag san ,dadkii oo damiirle . Markaa aroorta soo koco waxa hadana waxa arkaa wixii oo sidii ah . Maxaad samayan .
ma dadkaa qasbi ,ma dadkaa sidaan ahay qasaba kaga dhigaa ,ma dadkaa xoog ku dareensiya sidaaan ahay . Hadaba maxaan yeela?

Malin waliba cabsho joogta,dhaliil joogta, eex joogta ,cudur reernimo oo joogta isbadal la,aan joogta waxa wada joogta aniga su,aalahaygu waa joogto !joogta uun baa lagu jiri hadaba! . Dalku hagaajin buu rabaa bulshadu in baahideed laga hagaajiyo way rabtaa, dalka madaxda ka sare ilaa ka hoose hagaajin bay rabaaan . Maxaan yeela hadaba? Dalku gabi ahaanba hagaajin buu rabaa dee . Mar marka qaarkood baa is yidhaaha dalku goormuu ilaa sida ahaan ,goormuu ilaa sida looga sii shaqaysan oo kolba ka xilka qabataa uu inta reer,hehebla iu shaqo gay .goormuu ilaa sidan uu u burbursanaa goormuu ila sida loo kala saari dadka oo la odhan inta reer hebel uuna baa Wasaarda hebal.

Dalku in uu sida ahaado waan diidaya ,waayo damiirkaygu ima siinayo in uu sida ku sii jiro sida sii ahdo . Horaa loo yidhi Maalmuhu waa wareegto waxa ula jeeda way dhamayaa malimaha eeda,musmaasuqa,qabyaalda,cadaalda darda ,dhaqaalo la,aanta .way imanaya maalmihii sinaanta, musqa diidka , isku farcsanata horumarka iyo waliba kor ulaca dhaqaalaha bulsheedba . Hadaba si taasi ku timaado haan diidno waxa maanta yaala aan u doodno waxa bari aan doonayno in aan noqono een doonayno in aan gaadhno . Sida dalalka aduunyada horumay aan ula tartano oon ka midnoqo . Bedla fikirkaaga iyo ficilkaaga si waxa waliba u hagaagan.

WQ:Amiin Abdirashid Abdi
amiin2961@gmail.com
Wabilaahi Tawfiiqa.