Sheeko kamid ah 100 Sheeko: Dhoof Iyo Jacayl (WQ: Cismaan Abokor Dubbe)

Hammigiisii qurbaha ayaa caawa rumoobay, dhawr iyo toban sano ayuu Denmark ku maqnaa, shaqo iyo tacliin! shaqo iyo tacliin ayuu intaaba ku foognaa, tacliinna maahee sida Basaska loo wado soo baranayey, waa kaa caawa yimi dhulkiisii, haa waa dhulkii uu u maqnaa, u tacabiray, wax u soo baranayey! Laakiin hammigiisu weli ma’ dhammaan, fasax gaaban oo saddex wiig ah buu haystaa, damaciisu waa guur, waa guur xalaal ah, reer Islaam ah buu doonayaa in uu yagleelo!

Haaaaaaaa, waa Dawac, beriguu yaraa baa Dawac la’ odhan jirey, ma fool-xumadaa loogu bixiyey mise dabeecad xumada? mooji, labadabase waa noqon kartaa! Denmark-se waxa looga yaqaan Sheekh Mukhtaar! markiiba waxa loo hawl-galay sidii Dawac ama Seekh Mukhtaar loogu hoyn lahaa gabadh u qalanta qudh iyo qoys-ba!

Alla dadku nacam-laysanaa, waa la’ yaacayaa! kolba xaafad baa la’ isku qaadayaa! inantii magaceeda la’ soo qaadaba CV-geeda ayaa la’ akhriyayaa, ma heblaayo, sowtii habeenkii aroos-kii Ina Bagaf ka jaastay! Yaa ilaahay yaqaanna! Oo horta isaga CV-giisa yaa haya! Mid kale oo qurux iyo aqoon lagu tilmaamay baa magaceeda la soo qaadayaa! waataa Habaryartii wax ka sheegeyso, waar laba hablood oo ay walaalo yihiin baa meherkii lagaga noqday! Mar-qudha kiisa la’ is-weydiin maayo! Waa dhaqan dhinac ka raran; Marka ay inanta ceeb u waayaan bay odhanayaan ayeeyadeed miyaad taqaannay, ayeeyadeed beribaa waraabe awr ka cunay. Inankana la soo hadal-qaadi maayo oo waa ceeb ka saliim.

Haaaaaaa wax la’ doondoonoba waa la soo helay inantii la’ raadinayey, yaaa salaaam! Dawo la’ hayaa qaali maaha! Heego-muuqdheer baa la’ soo helay, runtii lama soo helin ee isagaa calmaday, ishiisa ayaa ku dhacday iyada oo Dahabshiil ka’ soo baxaysa! Taasay iigu dhan-tahay ku lahaa’. Mar haddii uu isagu calmaday ma jirto cid is-hor taagi kartaa, inkasta oo hooyadii xagga reerka inantu ka dhalatay hadal ka keentay, waar bal yaabkan eega! Ma kiisaa dahab ah haddaa!

Markiiba la’ wada hadalsii, la is-fahan, Sheekh Mukhtar waqti ma haysto, ticket ka ayuu la boobayaa oo ka dhacaya! caawa waa Arbaca, Khamiista iyo meherkii Dawac! Sorry, afkaa iga xadaye Seekh Mukhtaar! �Heego-muuqdheer oo ilaahay qurux iyo qiime u dhammeeyey waa hablaha loogu jecel-yahay magaalada, waa bulshaawiyad dhaqan iyo aqoon rabbi ku mannaystay, sida Sheekh Mukhtaar maaha qoladii aan magaalooyinkaba arag ee Hawd ka dhoofay, qof kastaa wuu garanayaa iyada, oo maxaa loo garan-waayey xaafaddii ay ku dhalatay bay weli joogtaaye! Meherkeedii baa durba la’ maqlay, waa taa salaaddii 7-dii aroornimo qaadday kaadhadhkii casuumadda, meherku wuxu dhacayaa ‪10:30‬ subaxnimo!

Waqti ma jiro, arooskuna waa is-xambaar xitaa guri lama goglin, Hotel bay sii degayaan labada usbuuc ee Sheekha u hadhay! �iyada oo soo qaybisay kaadhadh-kii, oo ay 9-kii tahay ayuu soo hadlayaa Sheekhii, wuu faraxsan yahay laakiin kama muuqato, maaha dadka farxadda laga dareemo, isaga oo yar baa aabihii la’ dilay, ma’ qoslo, mana farxo, iyadu laakiin waa mafsuud, waxay heshay xulumul-xayaadkeedii! ama riyadii nolosheeda! Markiiba waxay bilowday in ay tiriso dadka magaca leh ee meherkeeda iman doona. Macaane waxan tegey xafiiskii Badhasaabka, kii Maayarka, kii Xoghayaha Gobolka, kii waaxda cashuuraha berriga iyo kii Turuba-taariyada ku lahaa! Haye buu yidhi isaga oo yaabsan! Weligii ma maqal mana arag xafiisyadan iyo dadkan ay tirinayso! intuba way inoo imanayaan, ‘they all accept my invitation’ ku lahaa, waxay moodaysaa in uu English garanayo, waxay u haysataa dadka qurbaha ka yimaadda oo dhami in ay aqoon-yahanno yihiin, haye ku lahaa! Waxan kale oo xabiibi tegey taliskii Booliska, taliyuhu wuxuu ii ballan-qaaday 30 Askari oo ammaanka xafladda caawa inoo ilaaliya! Haye kuye, isaga oo kala garan la’ qofka uu dhegeysanayo in ay tahay inantii codka baxsanayd ee BBC da ka soo hadli jirtay ee Aamina Muuse Weheliye oo warkii galabnimo akhriyeysa oo Afghanistan iyo Ciraaq amnigooda ka waramaysa iyo ooridiisii yarayd ee cusbayd ee uu ciyaalka malcaamadda moodayey! Maayarkuna wuxuu ii ballan qaaday 5 booyadood oo biyo ku rusheeya waddada huteelka laga soo gelayo ayay ugu sii xoojisay warbixinteedii!

Dawac baa yaabay! Oo waxan oo madax ah miyaad is-taqaaniin kulahaa! Alla dee haa, asxaab baanu nahay, walaalo ilaahay baanu nahay ku lahaa! Naftaanu isu bixinnaa! isaga oo yaabsan buu weydiiyey ma’ waxaba? Dee haa Badhasaabku waa nasab, maayarkana walaashay bay dugsigii sare isku fasal (class) ahaaan jireen! Dawac baa cadhadii ku sii badatay! Dawac oo cadhooday bal qiyaas.

Dawac inta uu Dawacnimo dhaafay buu jinac iyo wiriiri noqday. Iyadu nin Europe ka yimi oo sidii reer Jabuutiga Civilisee ah bay moodeysay, laakiin wuxu ahaa nin sidii uu Scandinavian ka u tegey iska daa dhexgale xitaa aan hal maalin xitaa caday Frenchi ku cadayan.

Walaal ku guursan maayee Aabbo iyo odayaashiiba iska fasax ayuu si deggan ugu sheegay!!! Show go’aan degdeg ah buu gaadhay, telefoonkiina wuu dhigay, isla second-kiina waa kaa telephone kii sii daminaya, ax, waar kaddaa ha damine!!!�Heego-muuqdheer baa buur culusi ku soo duntay! Sidii ninkii shilku ku dhacay ee yidhi:

cirkow soo dun, ciiddaay ha-galo, cadha allay kaalay!

Waxba dhawran maynee rabbow dhagaxyo soo daadi!!!�Bal waataase maxay yeeshaa! Saddex talo ayaa markiiba maskaxdeeda ku kulmay:

is-gub si aad indhaha uga qarsato adduunyada ceebteeda!

Carar oo illaa Cadan ha is-taagin, iyo may ee caawa caqli kale keen!

Haaaaaa wallee waa fariid, waa taa caqliga keentay! Dawac bay 7 jeer ku celisay oo ku celisay telefoonka 😢 saa waa xidhan yahay! Waxay gar-waaqsatay in riyadaasi beenowday, rajadii Demmark ay ku tegi lahaydna baaba’day. Ax.

Markaasay xal-raadisay, waataa baadhaysa liiskii dadka ugu jira moobilka, xarafka B bay raadinayaa alla ku dheeraa baadhistu! A illaa B kaga badnayd boqol maalmood, haaaaaaaa Bedri bay soo dhufatay oo isla sekenkiiba ku dhufatay, Bedri waa kuma? Dee waa Bedri, waa inankii weligeed-ba jeclaa ee ay iyaduna quudhsan jirtay! Isaga may quudhsan jirin ee waxa ay quudhsan jirtay hayntiisa iyo hanti yaraantiisa, hayntiisa yaraatay baa hagratay! waxa aad u yaraa dakhliga soo gala. Bedri, maalmuhu kala mudane maanta waa maalintii ugu xumayd noloshiisa, ax, isaga oo niyad jabsan oo murugaysan buu sida file iska dhex-fadhiyaa Desktop-ka computer hor-yaalla, oo muxuu u niyad jabi waayey sowtaa hortiisa laga kaxaystay Darmaantii uu jeclaa! 7 sanadood ee uu ka dhursugayey. Wuxu ku calaacalayaa haddii uu tahriibi lahaa berigii tahriibku sahlanaa, maanta isagaa loo mashxaradi lahaa, wuxu sawiranayaa Sheekh Mukhtaar oo inta Heego-muuqdheer loo meheriyey qoslaya!!! Gax Gax Gax, alla kuuma qoslo ayuu hoosta ka leeyahay! Isaga oo mawjaddaas buuqa ah dhex-dabbaalanaya ayaa telefoonkiisa Chinese ka ahi soo dhacayaa, belaayo kugu dhacday Chinese wax ka’ qaylo dheer, mabuu eegin ee wuu ku jaray, awood uu ku hadlo ma’ hayo, illaa saaka sidaas buu ahaa! mar labaad baa lagu soo celiyey, ma eegin ee C-da ayuu taabtay, waxa nafta u keenay saaxiibo ku diganaya oo leh meherka maanad tegeyn? markii saddexaad buu eegay lambarka aamusi waayey, wallaahay waa iyadii!!! ax, wuu naxay markii uu arkay telefoonkii Heego! Wuu isku qabtay ma ka qabataa mise waad ku damisaa! Kuma damin karo oo dhiiggiisa iyo dhuuxiisa bay ku dhex beeran tahay.

Ma digashaad ii soo garaacday ku lahaa, I know in aad maanta guursanayso nin aan ku jeclayn!!! Waxaa iska daayoo horta maxaad igu odhan jirtay bay si qabow oo meyd ah ugu tidhi? Dee kun jeer maanan kugu odhan Ifka noloshu waa adiga!!! Ma i jeceshahay bay Shan jeer weydiisay, haaa, haaa, haaa, haaa, haaa, ayuu Shan jeer ugu jawaabay! Hadda waa 9:30kii haddii aad i jeceshahay 10:30ka i soo doon ku lahaa! Waxad haysataa one hour! Haddii aad saacaddaa ku iman weydo ogow Bedriyow galabta ayaad aaskayga iman doontaa! Oo maxaa dhacay ku lahaa? isaga oo naxdin, farxad iyo anfariir hal mar ku wada kulmeen. Ninkii baa iga noqday ee haddii aad i jeceshahay maanta sharaftayda iyo sharafta reerkayagu gacantaada ayay ku jirtaa ayay tidhi oo telefoonkiina iska dhigtay!!!�Waaa saacad, waaa one hour notice! iyo nin dhalin yaro ah oo weliba shaqaale hoose ka ah company kibray! waxa suurta-gal ah in fasax-ba loo diido oo la yidhaahdo waar shaqayso meher lahayne! Haddii kale hit the Jack road! �‪10:45 daqiiqo ayaa sidii Reer Cirro-Weyne loo sugayey, Reer Tima-Weyne hotel-kii soo galeen! Amankaag baa dhacay! yaa salaam Saacad gudaheed ayuu Bedri ku diyaariyey sooryadii, yaradkii, gabbaatigii, odayaashii, dhalin-yaradii, asxaabtii iyo ehelkiisii oo dhan! Waxa la’ yaab leh xoogga iyo tamarta wadday inta uu leekaa! Alla jacaylku cajiibsanaa!!!

Maanta Heego-muuqdheer iyo Bedri waa qoysaska aan aqaanno qoyska isugu jecel ee ugu farxadda badan! he saved my life bay tidhaahdaa!‬

WQ: Cismaan Abokor Dubbe