Xasuustaydii Nabad Sugiddii “N.S.S 1976 – 1991” (WQ: Gaashaanle F. Xiirane)

Waxaa la duqeeyay Hargaysa , Xooggii loo dhaariyay inay Difaacaan ayaa diyaarado u qaatay , Afadaydii iyo inan 3 jir iyo shacab aan yaran ayay dhulka ku dareen , ‘’Muuse’’ oon wali ka quusan joogistiisa Hargaysa ayaa warkaas naxdinta leh isoo sheegay anigoo jooga xafiis NSS tu ku dhex lahayd Xaruntii Xisbiga ee Xamar, waxaa ila wareegay dhulka meel aan wax ka bilaabo ayaan garan waayay , intaan garaad yeeshay dharaartaas ka hor ma xasuusto oohin indhahaygu la ilmeeyeen , qoflkii ayaan hoosta kasoo xirtay , waxaan is iri kugu dhacdaye yaysan arkin ragga aad is haysaan adigoo ilmaynaya.

Jahwareer anigoo la liicaya ayaan imid aqalkii Hooyaday waxaan u sheegay waxa dhacay , ‘’ waxaad gaysateen nabee gurate ‘’ ayay igu tiri , naxdin ayuu wadnuhu i istaagi gaaray , kamaanan filanayn , markiiba intay istaagtay oo dhar isku boobtay ayay tiri kaalay i qaad , Kaaso-Balbalaaro reer xididkay oo qaar ka daganaa ayaan tacsidii isla qaybsanay , markaan kasoo laabanay ayay ii marisay maantaa wuxuu qalbigeedu uu dareemayay ee ahaa in Dalku halaag iyo haadaamo aan ku hoggaaminay.

Subaxdii danbe anigoo uurku i holcayo ayaan Fila Soomaaliya tagay , Siyaad ayaan u salaamay si ka duwan siduu igu yaqiinay , Xiiranoow reerkii ka warran ? ayuu igu yiri , Waxaan iri Aakhiro ayay iiga hor mareen , inta sigaar uu dhuuqayay damiyay soona istaagay ayuu isoo dhinac fadhiistay iina tacsiyeeyay , ‘’ Midgaankii ayaa shicibkii laayay , Burcadda in lala dagaalamo ayaanu ku ogayne maatidii ayuu laayay ‘’ intaa markuu igu yiri ayay caradu igu laba jibaarantay.

Markiiba waxaa filada laga dareemay inaan wax maaganahay , waxaan aamin sanahay inuu Madaxwayne Siyaad ama naftiisa ama tan Cali Samater iiga cabsaday inaan ku afmeero socdaalkaygii dheeraa ee halganka Qaranka iyo Halaagga umadda isugu jiray , durba waxaa la ii duuliyay Dimishaq , waxaana la igu sidkay Dugsi lagu layliyo Saraakiisha nabad sugidda inaan bare ka noqdo , Xaashi uu Xaafid Al- Asad qoray ayaa la,igu magacaabay , hal gu’ markaan maaraynayay joogistii Xaruntii Umawiyiinta , fasaxii 89 kii ayaan usoo dhoofay Xamar , guud ahaan Dalku wuxuu ka lushay gabi , inuu dumayana waa muuqatay.

Waxaa booqanayay Dimishaq saraakiil ciidan oo ka yimid Suudaan , Barayaashii ayay marti sooreen , Oday Suudaani ah war dhiillo leh dhagta iigu shubay inaan cashada u fadhinay , wuxuu yiri , war doonka Suudaan waxay waayeen cid tiraahda Cali Samater caruur nimadii ayaan aqiinay ama dugsi wada dhiganay , jaar ahayn iyo waliba xigtadiisa soke meesha ay ku nool yihiin, asagoo hadalkiisa si caajis badan u kala jiid jiidaya ayuu sii raaciyay , waxaan maqalnay inay iska dhaleen qof talyaani ah iyo Eretariyaan mase hubo.

Xiiranoow isticmaarka iskama dhoofin ee dhashiisa ayuu nooga tagay inay nasii xukumaan, Yurub sinaba uguma ogola inay Afrika maanka ka xoroowdo , bal eeg Dugsiga Caafimaadka ee Laagoos , wuxuu ka horeeyaa dugsiyada Ingriis iyo Maraykan laakiin BBC iyo warbaahinta reer galbeed ayaa naga dhaadhiciyay inaan lagu kalsoonaan Karin dhakhaatiirta kasoo baxay dugsigaas anaguna waan iska aaminnay , wali maanan kala baran cadawga iyo saaxiibka , wuxuu nooga imaada London iyo Paris waan iska laqnaa xittaa hadday sun yihiin .

Waxaa mar aan fogayn ka bilowday Dacwad loo haystay Cali Samater , wiilal yar yar ayaa iska bilaabay inay ashtakeeyaan , sidaan qabo nin Qaran dhan dumiyay ayay qaab qolo u dacweeyeen , durba waxaa iyana dhanka kale kasoo booday oo dacwadii micneheedii dhulka ku jiiday qaar kale oo wiilasha Samater ashtakeeyay ula dagaalamay muxuu Eebbe reerkaas uga dhaliyay , inkastoo aan jeclaan lahaa in Cali Samater iyo Qaar badan oo la mid ah loo ciqaabo Shacabkii Soomaaliyeed ee ay ku gumaadeen Burco iyo Banaan Hawd , Boosaaso iyo Bari , Hiiraan iyo Wabi Shabeelle , Kismaayo ilaa Kaabiga Xuduud Beenaandka , waxaas oo dhib Soomaali loo gaystay dadkii danbiyadaas Galay waxay ku dhex milmeen Kaymaha lama galaanka ah ee Qabiilka , Intuu Qabiilku yahay ka sareeyaha Islaamka Soomaali waxay ku jiri doontaa cagta cadaw hoostiisa .

WQ: Gaashaanle F. Xiirane