Sheeko: Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan Qaybtii 1aad: (WQ: Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”)

Waxa aanu soo wada qaadanay waqtiyo kala geddisan oo murug iyo farxadba iskugu jira iyo waliba waayo qiimahooda lahaa oo aan maskaxdayada ka salguurayn abid. Waa 3-dii bishii 11aad 2019, kulan wada tashi oo xiiso leh ka dib, aniga iyo Zhang waxa aanu ku ballanay; in aanu is guursanno 15 bisha koowaad sannadka 2020 (January 2020)
Si aanu ugu midowno nolosha una qabyo-tirno xidhiidhkayagii jacayl ee muddada sannadada ah soo taxnaa, ehelkayaga iyo asxaabtayada ayaanan la wadaagnay ballantii arooskayagu waqtiga ay ku beegnayd; si ay noola wadaagaan farxaddayada, diyaargarawna u galaan.


Jawiga noloshayada waxa buux dhaafisay farxad saa’id ah oo ka dhalatay hambalyada iyo hadiyadaha hordhaca u ah guurkayaga ee nooga imanaya dhammaan dadka nagu xeeran!
Zhang waxa ay ii soo dirtay farriin ay iigu sheegayso in ay safar ugu baxayso Magaalada Shangahaay (Shanghai) soo eegaysana ayaydeed oo ay ugu danbaysay muddo 18 sannadood ah, kuna maqnaan doonto ilaa 25 Diisember 2019.


Subaxnimadii ayaan ku kalahay gurigii ay degganayd, aniga oo u sida quraac ay cunto. Muddo ka dib markii ay dhammaysatay quraacdii ayaa aan u qaaday dhankii istaanka tareenka xawaarihiisu aadka u sarreeyo, kuna soo macasalaameeyey. Boholyoow iyo kalinimo ayaan dareemayay ilmo ayaana indhahayaga ka burqanaysay waayo waligayo muddo intaas le’eg maanu kala maqnaan. Waxa aanu kala fogaanaynaa 811 Kiiloomitir (504 mile) oo ah inta labada Magaalo isku jiraan, safarkeeduna waxa uu ku qaadan doonaa muddo 4-6.5 mirir (minutes)…

La soco qaybaha danbe!

Fadlan la wadaag Asxaabtaada si aanay u dhaafin sheekadani, mahadsanid.

#Tudhaale2020