‘Dheeshu waa bilow ,Dhayala maaha.
Somaliland iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya muranka uga adag ee ka dhaxeeya labba maamul oo Aduunyadda guudkeeda ka jirra , murankaas oo ah mid aan isagoo keli weligii laggu dhamaynin xal nabadeed iyo ciyaar ciyaartoona .
Soomaaliya waxay aaminsantahay in Somaliland tahay qayb ka midda dhulkeeda , xaqna ay u leedahay xuquuqda tasarufka dhamayska tiran ee wadan u leeyahay in uu wadankiisa xukumo ee loo yaqaano ”Siyaaddo amaba afka qalaad laggu yidhaahdo
” Sovereignty” , Halka ay Somaliland aaminsantahay in ay tahay wadan ka madaxbanaan Soomaaliya , waxaan derisnimo ahayn oo ka dhaxeeyaana aanu jirin .
Xudunta Muranka labadda dhinaca .
Ficil kasta oo Soomaaliya ku talaabsato oo quseeya Somaliland Soomaaliya waxay u aragtaa xaquuq ay leedahay oo ay isticmaalayso , Somaliland na waxay u aragtaa faragelin toosa oo dabada lagaga soo sameeyey , salka murankuna waa halkaas , heshiis laggga gaadhi karaana ma jirro ilaa muranka guud ee asalka ihi dhamaado .
Sidaa markay tahay , heerkulka khilaafku wuxuu leekaanayaa hadba inta awooda Soomaaliya la eegtahay , hadba inta ay talaabo Soomaaliya qaado ayaana sargoynaysa khilaafku inta uu leekaanayo .
Somaliland maxaa la gudboon .
Somaliland maadaama aanay weli aqoonsi ka helin Aduunka Soomaaliyana khilaafkaa aynu soo sheegnay ka dhaxeeyo waxaa la gudboon .
1- In ay la timaado siyaasad midnimo bulsho iyo jahayn bulsho taasoo sal-dhig u noqon karta in sawtal jamhuurka bulshaddu gees u wada jeesto .
2- In Sidii caadada ahaan jirty aanay Somaliland ku dhicn wax
il-duuf iyo hog-seega , waayo maanta inyar oo khalad ah oo la galo lama heli karro fursad lagu saxo , waxaana la joogaa marxaladda khuburaddu tidhaahdo ” The point of no error ” .
3- In maadaama aqoonsi la’aantu xagal daacinayso haayadaha Qaranka in Madaxwaynuhu Magacaabo Wasiiro buuxin karra kaalintii aqoonsigga , oo leh awood aqooneed , khibradeed iyo kartiyeed oo ay ugu babac dhigi karaan kuwa dhigooda ah ee aqoonsiggu kaalmaynayo .
4- In xukuumaddu siyaasadda difaaca ah ee ay ku shaqaynaysay Somaliland mudada dheer badasho , isla markaana hindisto siyaasad fara-gelineed oo lagaga hawl-galo gudaha Soomaaliya , maxaa wacay daadku intaanu kusoo gaadhin baa la iska moosaa .
5- Ugu danbayn , Waxaa loo baahan yahay in muhiimada koobaad lasiiyo dhaq-dhaqaaqa Mogdisho ka feejignaantiisa , maxaa wacay Aduunka wadan waliba wuxuu mudnaanta koobaad siiyaa daymadda dhanka uu ka filayo in lagaga soo maqan yahay .