Sheeko: Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan Qaybtii 2aad: (WQ: Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”)

Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan (Sheeko)

Qaybtii 2aad:

 

…. Dhililim… dhililim..dhililim!!

 

-Hello, Casar wanaagsan Li

-Wanaagsan oo wacan Zhang

-Iiga warran xaalkaaga qaaligaygiiyoow?

-Waan kuu wanaagsanahay quruxdaydiiyeey, adiguna?

-Waan wanaagsanahay, waanan nabad tegay; ayeeyo ayaan la joogaa oo aan waqti fiican wada qaadanaynaa

-Waa ii farxad in aan maqlo codkaaga, ubaxii indha doogsiga indhahayga iyo deggenaantii qalbigaygaay! Maanta oo dhan waan kaa werwersanaa oo kolba waxa aan eegayay in aad i soo wacdo, waanan kuu xiisay gacalisadaydiiyeey

-Li, xaqiiqdii aniguba waan ku tebay oo mar walba waxa aan furayay Whatsapp-kayga balse ma aanad joogin, waxa aanan dib u akhrinayay  farriimihii qiimaha badnaa ee aynu is dhaafsanay, ugu danbayna waan nabad tegay.

-Zhang indhihii jacaylkaaga dartii la ilmeeyey way ku qalashay ilmadii; raadkeediina waa uu ka muuqda labadii liid ee ay samaysayna wali wajigayga kamaan maydhin, si dhab ah ayaa aan kuu jeclahay waligayna in aan kaa dheeraado macquul noqon mayso, garabkaaga ayaanan ahaanayaa ilaa wadku iga kaa qaadayo.

-Mahadsanid gacaliye, waxa aad tahay geesi, raganimo iyo dulqaadba u dhashay, doorashada aan kaa doortay ragga Dunidan ku noolna waxa uu ahaa go’aankii ugu wanaagsanaa noloshayda!

-Waan xasuustaa oo maankayga marna kama maydhmaan maalmihii quruxda badnaa ee aan soo wada qaadanay, ma xasuusataa yaraanteennii; markii aynu ahayn dugsiga sare, maalinkii u horreeyey ee aan warqadda kuu soo qoray sidii aad indhaha inta aad iigu gubtay warqadda wajiga iigaga dhufatay, adiga oo u qaadan la’ in aan kuu soo bandhigay xidhiidh jacayl?

-Li xaqiiqdii waxa aan ahaa mid aan jacaylka waxba ka aqoonin, waligayna kumaan fikirin in aad adigu noqon doonto, mid i bara macnaha jacaylka iyo dhadhanka uu nolosha u leeyahay; waad ii samirtay inta nin rag ahi gabadh uu u samro, balse ugu danbayn madax adaygaygii waxa aad ku jabisay qalbigaaga awoodda leh iyo dulqaadkaaga guunka ah, si dhab ah ayaa aan kuu jeclahay gacaliyahaygiiyoow!

-Qaalidaydiiyeey, kama xiiso goyn karo la hadalkaaga iyo ka war hayntaadaba; balse waa in aad haddana nasataa safar ayaa aad soo ahayd muddo 5 saacadood iyo badh, waqtina la qaado Ayeeyo, anigana ha i iloobin oo xusuusnoow in qalbigii bartay weheshigaagu aanu kaaga marmi karin marnaba; hilow iyo xiise gaar ahna kuu hayo mar kasta.

-Li  walaw aan aad u soo tabcaamay, haddana hadalkaagu waxa uu ii noqday mid aan ku illoobay daalkii aan ka dhaxlay safarkii koobnaa, quudka ruuxdaad tahay geesigaygiiyoow. Laba saacadood ka dib waan kula soo hadlayaa; waqtina waynu wada qaadan.

-Hawraarsan, ii nabad ahoow; naftaadana ii ilaali quruxdaydiiyeey

-Adiguna sidoo kale halyaygii noloshaydoow!

 

La soco qaybaha danbe…

La wadaag asxaabtaada, si aanay u seegin; mahadsanid.

 

#Tudhaale2020