Sheeko: Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan Qaybtii 3aad: (WQ: Xamse Siciid Maxamed “Tudhaale”)

Korona fayras iyo Kadeedkii Lammaanaha Wuuhaan (Sheeko)

Qaybtii 3aad:

…Li waxa uu wacay Zhang markii ay gaadhay waqtigii ballanta; balse nasiib darro wuu xidhan yahay!

Waxa uu diro kolba farriin, wicitaankana aanu ka quusan, ugu danbayn habeen-badh ayaa ay gaadhay oo wuu seexday; isaga oo nafta ku sabaya in aanay dhibaato jirin Berri subaxnimadana uu la hadli doono.

Ileen waa qalbi qalbi tabaya’e, hurdadiiba way u iman wayday! Inta uu kacay ayaa uu la soo baxay buug uu meel badhtan ah marinayay akhriskiisa oo ku saabsan ganacsiga.

Marba waxa uu yar wacaa Zhang bal in uu furan yahay tilifoon gacmeedkeedu, balse nasiib darro wali wuu xidhan yahay ilaa uu waagii ugu baryay hurdo la’aan!

Subaxnimadii isaga oo raba in uu yar seexdo muddo 4 saacadood ah, ayaa uu soo dhacay tilifoon gacmeedkiisii.

– Subax wanaagsan qaaligaygii Li-yoow

– Subax wanaagsan gacaladaydii Zhang, maxaa ku helay?

– Waxa aan rabaa inaan kuu sheego, ilaa shalay sidaan kaaga tagay in aan u taaganahay, ayeeyo ayaa lug ka jabtay inta ay ka siibatay kaabada guriga! dhakhtarka ayaanan ula cararay, ilaa haddadaas aan kula hadlayana aan joogaa kuna baxnaaninayaa!

Muddo bil ah ayaa uu digtoorku igu amray in aan ku baxnaaniyo isla dhakhtarka, tanina waxa ay dib u ridaysaa ballanteenii arooska, bisha labaad bilowgeeda inaan soo laabtaanan rajaynayaa noloshaydiiyoow.

– Zhang aad ayaa aan uga xumahay dhacdadaas! caafimaad degdeg ah ayaanan u soo rajaynayaa ayeeyo; qaalidaan jeclaayeey, arrintii arooskeena musiibadan timid ayaa ka weyn balse waxa aynu dib uga wada fadhiisan doonnaa marka aad timaado bisha 2aad.

– Hawraarsan qaaligaygoow, intaasna farriimo ayaa aan kuu soo diri doonaa, xanaanaynta ayeeyo ayaan dhexda u xidhanayaa oo inaynaan badanka is helin ayaa macquul ahe.

– Farriintaada, aragtidaada iyo codkaaguba waa ii muhiim qaalidii aan doortaay, xidhiidhka uun ha iga jarin ee igu quudi kalmadahaaga; qalbigaa u baahane!

– Waayahay gacaliye, qoladii dhakhtarkaa ii yeedhaysa ee waan ku soo xidhiidhinayaa, qalbigana u sheeg si kasta oo waqtigu u adkaado in aanay xusuusaheena iyo jacaylkaan isku qabnaa  maydhmi karin, waan ku jeclahay Li..

– Helloo Zhang, ila hadal… Helloo…

Tilifoonkii ayaa go’ay, isla markii uu ku celiyayna waa uu xidhan yahay!

Alla murugo, xanuun iyo qalbi jab weynaa marka uu qof aad jeceshahay waayuhu si lama filaan ah idiin kala fogeeyaan!

 

La soco qaybaha danbe!

Fadlan la wadaag Asxaabtaada si aanay u dhaafin sheekadani ama ku mention-garee. mahadsanid.

 

#Tudhaale2020