Sheeko: Lamaanihii ku madax adeegay inay kala tagaan “Furiin” (WQ: Hassan Mohamed Aweis)

Lamaanihii ku madax adeegay inay kala tagaan (Furiin)

Garsoore ayaa laga soo wariyay qadiyad quseeysay laba lamaane oo ku madax adeegaya inay kala tagaan waliba furiinka dalabkiisa uu ka yimid dhinaca gabadha.

Qaadiga waxa uu leeyahay.

Fadhigii hore dib ayaan u dhigay waqti aanan la cayimin si fursad aan ugu siiyo inay go’aankaasi ka noqdaan.

Fadhigii labaad ayay labadii is haayay iskugu yimaaden waxa uu qaadiga weydiiyay hadii ay furiinka ka laabteen iyo in kale,labada dhinacba waxa ay sheegen inay waajibta ku tahay inay kala tagaan.

Qaadiga ayaa sheegay in markale iyagoo ka xun oo madaxa uu xanuunayo uu usheegay in fadhiga dib loo dhigay waayo kaliya lamaanahaan waxaa ka go’naa inay kala tagaan.

Qaadiga waxa uu sheegay in dhowr jeer uu dib u dhigay fadhiyada ay ku dalbanayeen inay isku furaan.

Hadda waxaa markale laiskugu yimid fadhi kale,qaadiga waxa uu u sheegay ninkii inuu kursi iyo miis qaato uuna qoro 10 wanaag uu xaaskiisa ku haystay ama ay u sameysay kaliya wanaaga inuu kaga hadlo qoraalkiisa?

Qaadiga waxa uu u sheegay inuusan marnaba aqrineyn waxa ay isku qoraan,kaliya adinka ayaa aqrisan doona ayuu ku yiri si aan xishoodba lahayn,kadib markii ninkii uu dhameeyay qoraalka,qaadiga ayaa gabadha ka dalbaday inay aqriso waxa uu seeygeedi qoray si sir ah waliba.

Gabadhii ayaa bilowday aqrinta qoraalka seeygeedi uga waramay 10 wanaag ay u gashay waxa ay guda gashay inay wajigiisi eegto ayna dhoola cadeeyso waxaana laga dheehan karay dhoola cadeen saaid ah,aragti xishoodleh ayay ku eegeysa mar marna si caadi ah ayay wajigiisi u eegeysay,seeygeedina waxa uu la jaanqaadaya dhoola cadeenta wajiga xaaskiisa ka imaanaysay.

Markaan iyada ayaa lasoo gaaray qaadiga ayaa u sheegay inay kursi iyo miis qaadato oo 10 wanaag uu seeygeedi ugalay soo qorto,markeey soo dhamaysay uu aqriska ku bilaabay inuu dhoola cadeeyo markiisi mar dhulka uu eego iyo mar wajigeedi uu eego ayay noqoto iyadoo dhoolacadeen saaidna ahna ay daba socotay.

Qaadigii ayaa sheegay in laba daqiiqo uu banaanka u baxay uu qolkii labadoodi uga tagay.

Markaan soo laabtay ayuu leeyahay qaadiga waxaa si hoose u maqlaayay erayo jecel oo la is dhaafsanaya,waxa uu sheegay inaysan isaga lahadlin ay si wadajir u baxaan una soo qadeeyaan beritana laiskugu yimaado fadhiga si xukunka loogu dhawaaqo,wayna ka ogolaadeen.

Way baxeen maalintii xigtay ayay soo laabteen iyago garbaha iska haysta oo faraxsan,waxa uu qaadiga ku yiri “miyaan xukunkii furiinka ku dhawaaqa?” waxay hal mar isla dhaheen Maya Maya.

“dib ayaan iskugu laabanay shalay wayna dhamatay dhibaatadii na dhextiilay waxaan soo ceshanay jeceelkeeni”

Qaadiga waxa uu leeyahay aniga ma ogi waxa ay isku qoreen,xitaa adiga qoraalkaan aqrisanaya iyo aniga qoraayaaba cidna ma oga waxa ay isku qoreen lamaanahaas.

Balse waxaan ogahay inaan u baahanahy qaadi ama garsoore noocaani oo kale ah.

Walaalayaal iscafinta waa sheey qaali ah.

Eeg wanaaga ay xaaskaaga kuu samayneyso,adna gabaryahee fiiri seeygaada wanaaga uu kuu sameenayo,fiiriya wanaaga saxiibadiina iyo walaalihiina iyo kuwa nagu hareeresan noloshu waxa ay noqonaysaa intaas hadii la eego mid qurux badan.

Hadii qoraalkaan aad aqrisay soo qor mid kamid ah magacyada Alle  👈(اسم من اسماء الله ) .

WQ Hassan Mohamed Aweis